Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah
    September 6, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    September 5, 2025
    Cumar Cabdulqaadir oo ka mid noqday garsooreyaasha koobka aduunka ee FIFA
    September 5, 2025
    Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo Shir uga qayb galay Dublin
    September 5, 2025
    Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo qado sharaf u sameeyey wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya
    September 5, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Madaxda Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo diray hambalyo ku aaddan sanadguurada 56aad ee Wakaaladda SONNA
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Madaxda Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo diray hambalyo ku aaddan sanadguurada 56aad ee Wakaaladda SONNA
Wararka

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo diray hambalyo ku aaddan sanadguurada 56aad ee Wakaaladda SONNA

By Aadan Sooyaal
Last updated: January 5, 2020
2 Min Read
Share

Muqdishu-(SONNA)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Md. Max’ed Cabdi  Xayir Maareeye, Wasiir ku xigeenka  Md.Aadan  Isaaq Cali, Agaasimaha Guud Md.C/raxmaan yuusuf Sheekh Al- Cadaala, Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA Md.Cali  C/qaadir Cali (Cali Maykal) iyo dhamaan agaasimayaasha waaxyaha warfaafinta ,waxay hambalyo u direen dhamaan howlwadeennada  warbaahinta Qaranka, gaar ahaan maamulka iyo wariyayaasha  SONNA, munaasabadda sanadguurada 56aad eek a soo wareegtay markii la aasaasay oo ku beegan  5/1/1964tii.

Musuuliyiinta wasaaradda Warfaafinta waxay xuseen muhiimadda Wakaaladda SONNA iyo doorka shariifka ah ay kaga jirto warbaahinta dalka, waxayna u rajeeyeen  howlwadeennada  wakaaladda in ay sii labanlaabaan dadaalka ay ugu jiraan horumarinta iyo dib u soo celinta, doorkii SONNA ay ku lahayd warbaahinta Caalamka.

Dhanka kale Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA Cali  C/qaadir Cali (Cali Maykal) oo ka hadlayay muhiimadda munaasabadda Wakaaladda SONNA ayaa  sheegay in wakaaladda la aasaasay 5/1/1964tii, waxayna ahayd isha rasmiga ah ee wararka dalka.

“ Mudadii u dhaxaysey 1964—1990kii Wakaaldda SONNA waxay dabooshay baahidii wareed ee dalka, waxayna ka dhex muuqatay  dhinaca war isdhaafsiga Wakaaladaha Wararka ee caalamka.”sidaasina waxaa yiri Agaasimaha Wakaaladda SONNA.

Sidoo kale Mudane Cali Maykal  wuxuu xusay in Wakaaladda ay xarumo ay ku lahaan jirtay dhammaan 18 gobol ee dalka, halkaasi oo ay u joogeen wariyayaal khibrad warbaahineed leh, waxayna ahayd isha Wararka Soomaaliya laga soo xigto, xiriir war isdhaafsi iyo wada shaqayna la lahayd inta badan Wakaaladaha wararka Caalamka.

Agaasimaha SONNA Mud. Cali  C/qaadir Cali (Cali Maykal) wuxuu tilmaamay in wakaalladda Wararka Soomaaliyeed ay ka mid ahayd hay’adihii qaranka ee uu saameeyay burburkii dalka ka dhacay,balse nasiib wanaag wakaaladda hadda way soo kabanaysaa, waxayna cagta saartay wadadii ay ku gaari lahayd inay soo ceshato doorkeedii  warbaahineed ee dalka gudahiisa iyo dibaddiisa, isagoo hawlwadeennada SONNA u rajeeyay in sanadkaan sanadkiisa kale ku gaaraan horumar, kana dhabeeyaan dhaqan galinta qorshayaasha ay wakaaladda higsanayso.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah

Galgaduud(SONNA):-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal…

September 6, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Somaliland oo kulan la yeeshay safiirka cusub ee dowladda UK ee Soomaaliya  

MUQDISHO-(SONNA-Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Soomaaliya mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa kulan gaar ah…

GudahaWararka
May 21, 2023

Ciidanka Xoogga oo deegaano ka tirsan gobolka Baay ka sameeyey howgallo ka dhan ah Khawaarijta

Baay (SONNA):- Taliyaha Ururka 45aad ee guutada 8aad ee qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed X/le Cali Nuur Mad…

GudahaWararka
November 30, 2023

Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo la kulan la qaatay madaxda rugta ganacsiga Soomaaliyeed

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kulan la qaatay madaxda rugta Ganacsiga…

GudahaWararka
January 6, 2025

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo kulan la qaatay Safiirka Dowladda Denmark

Muqdisho (SONNA) Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salax Axmed Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Denmark…

GudahaWararka
January 14, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023