Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Qunsulka Soomaaliya u fadhiya Sacuudiga oo booqday Maxaabiis ku xiran Jiddah+sawirro
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Qunsulka Soomaaliya u fadhiya Sacuudiga oo booqday Maxaabiis ku xiran Jiddah+sawirro
Wararka

Qunsulka Soomaaliya u fadhiya Sacuudiga oo booqday Maxaabiis ku xiran Jiddah+sawirro

By Aadan Sooyaal
Last updated: January 3, 2020
3 Min Read
Share

Jiddah-(SONNA)-Qunsulka Soomaaliya u fadhiya Dalka Sacuudi Carabiya , Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa booqasho ku tagay Xabsiga Shimees ee Magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga,halkaas oo ay ku jiraan maxaabiis Soomaaliyeed,taasi oo qeyb ka ah fulinta balanqaadyo uu sameeyay ee ah in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi jooga ay helaan adeegii ay qunsuliyadda uga mas’uulka ahayd, mar uu u waramay Wakaaladda(SONNA) goor sii horeysay.

Ujeedka booqashadiisa Amb Ilyaas Sheekh Cumar uu ku tagay xabsiyada ayaa la xiriirta sidii uu u raadin lahaa xuquuqda maxaabiista Soomaaliyeed ku jirta xabsiyada Dalkaasi Sucuudiga, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyay madaxa Qunsuliyadda Soomaaliyeed ee Shimeys, Cabdlalla Xaaji, Agaasimaha Xarunta, Janaral Usaama Bin Millaax, Agaasimaha Xafiiska Wasaaradda arrimaha dibadda ee xarunta Shimeys,  Al-Sayed Qaliil Bin Axmed iyo mas’uuliyiin kale.

Qunsulka, ayaa intii uu halkaasi ku sugnaa aad ugu kuur-galay xaaladda nololeed iyo tan caafimaad ee muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee ku jira Xabsiga Shimeys,wuxuuna madaxdii uu la kulmay uu kala hadlay sidii loogu fududeyn  lahaa arrimohooda,islamarkaana ay aqbaleen in dadkaasi maxaabiista ah hadii la qabto ay muddo maalmo kooban gudahood ay dalkoodi hooyo ku soo celiyaan.

Wakaaladda Wararka(SONNA) ayaa la xiriirtay Amb Ilyaas Sheekh Cumar si ay xog badan uga ogaato marxaladda ay ku sugan yihiin maxaabiistaasi iyo wixii uu la kulmay qunsulka.

“Waxaan booqanay xabsiyada si aan u dabagalno xaaladda maxaabiista Soomaaliyeed, mas’uuliyiintii aan la kulannay waxaan kala hadlay dhowr arrimood, sida in hadii muwaadiniinta Soomaaliyeed hadii la xiro deg-deg loogu fududeeyo howlihiisa,waxay sidoo kale balanqaadeen in safar sugayaasha ay heli doonaan waxkasta oo adeeg ah oo ay u baahan yihiin inta dalkoodi lagu celinayo,waxay helayaan cuno sedex gelin ah iyo caafimaad dhameystiran”. ayuu intaasi ku daray Amb Ilyaas Sheekh Cumar.

Amb: Ilyaas Sheekh Cumar ayaa sidoo kale la kulmay mas’uuliyiinta Xarunta Xabsiga Shimeys ee Magaalada Jidda, iyagoo ka wada hadlay sii xoojinta wada shaqaynta Labada dhinac,isagoo halkaasi ku guddoonsiiyay abaalmarino la xiriira wadashaqeynta wanaagsna oo ay muujiyeen sida shahaado sharaf, wuxuuna Qunsulka si gaar ah ugu mahad celiyay Boqorka Dalka Sacuudiga iyo dhaxalsugahiisa cafiskii gaarka ahaa ee ay u fidiyeen muwaaddiniinta Soomaaliyeed,kaasi oo la xiriira lacagihii laga cafiyay qarashaadka Iqaamadaha oo ay awoodi waayeen in ay iska bixiyaan,si ay dalkoodi ugu laabtaan,waxaana cafiskaasi uu sahlaya in dad badan oo u baahnaa in dalkoodi ay ku soo laabtaan ay u fududaandoonto.

Mas’uuliyiinta Dalka Sacuudiga ee uu la kulmay Qunsulka Soomaaliya ayaa waxay ballan qaadeen in muwaaddiniinta la keeno Xabsiga Shimeys ee Magaalada Jiddah ay Maalmo gudahood ugu fududeyn doonaan howlahooda.

Tani ayaa qeyb ka ah guulaha dhinaca diplomaasiyadda oo ay soo hoysay dowladda Soomaaliya sanadihii ugu dambeeyay,waxaana dalka Sucuudiga uu yahayy dal muhiimad gaar ah u leh bulshada Soomaaliyeed iyo dowladooda.

W/soo diray: Wakiilka Warbaahinta Qaranka ee Sucuudiga(Cali Jaamac Cilmi(Calikuus)

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Duqeyn lagu dilay dhagar-qabayaal ka tirsan Khawaarijta oo la fuliyay

Muqdisho,(SONNA):- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyey duqeyn cirka ah oo lala beegsaday maleeshiyaad ka tirsan…

GudahaWararka
February 15, 2026

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda sanadihii lasoo dhaafay

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed uga jawaabayey su’aalo la xiriirra waxyaabaha…

GudahaWararka
September 16, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Qatar oo booqasho sharafeed ugu yimid

Mogadishu(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho,…

GudahaWararka
May 7, 2025

Wasiirka Ganacsiga XFS oo dalka keenay Calanka bulshada bariga Afrika oo ay Soomaaliya ku biirtay

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo maalmahii la soo dhaafay safar shaqo ugu maqnaa waddanka…

GudahaWararka
March 6, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023