Ra’iisul Wasaare Xasan Cali khayre ayaa hoyga uu ka deganyahay magaalada Dhuusameeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa uu kula kulmay Hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud.
Kulankooda ayey kaga wada hadleen dhammeystirka dhismaha Galmudug loo dhanyahay iyo sidoo kale in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo dhismaha maamulka Galmudug.
Wariyaha Warbaahinta Qaranka Maxamed-deeq Cabdi Maxamed ayaa sheegay in kulanka Raโiisul Wasaare Kheyre iyo Hogaamiyaha Ahlusunna uu socday muddo arrimo badana kawada hadleen.
โWaxyaabaha ay kawada hadleen waxaa ugu badnaa arrimaha Galmudug iyo dhismaha maamulka, waxey isku soo qaadeen sidii loo dardargalin lahaa howlaha socda oo muhiim ahโ ayuu yiri Wariye Maxamed-deeq oo Dhuusamareeb ku sugan.
Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyey waxaana halkaas howgalo isdabajoog ah kawada Ciidanka qalabka sida.