Qaahira-(SONNA)- Madaxwaynahii hore ee Soomaaliya Cabdi-Qaasim Salaad Xasan ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay kana tiiraanyaysan yahay khasaaraha ka dhashay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee 28-kii bishaan December ka dhacay isgoyska Ex-Koontorool Afgooye ee magaalada Muqdisho.
Mudane C/Qaasim wuxuu xusay in musiibooyinka iyo qaraxyada dalka ka dhacaaya yihiin kuwo horay u soo jiray,isla markaana ay yihiin kuwo dadka Soomaaliyeed ay gacmahooda ku kasbadeen.
Madaxda dowladda Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay gacmaha is qabsadaan si looga baxo dhibaatada dhinac walba ka haysata dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Qarixii dhawaan ka dhacay isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee Magaalada muqdisho ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen dad ko u dhaafaya 80 Ruux tira intaasi ka sii badanna ay ku dhaawacmeen,waxaana masโuuliyadda qaraxaas sheegtay kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.