Baladweyne-(SONNA)-Dadka ku dhaqan Degmada Feer-feer oo kala qeybisa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ka cabanaya Ayax Fara ba’an ku haya Beerahooda.
Ayaxan oo Saacadihii lasoo dhaafay lagu arkay degaannada u dhow Xadka Itoobiya uu kala wadaago Gobolka Hiiraan Soomaaliya, ayaa la sheegay in uu kasoo guuray qeybo ka mid ah Galmudug.
Qaar ka mid ah Beeraleyda Tuulada Deefoow oo qiyaastii 30 km u jirta Baladweyne ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ay cabsi weyn ka qabaan Ayaxa, iyagoo intaa raaciyay in ay haatn la daalaa dhacayaan dhibaatadii kasoo gaadhay fatahaaddii Webiga Shabeelle.
Beeraleyda uu ku habsaday Ayaxa ayaa Dowladda Soomaaliya iyo hay’aduhuba ka codsaday in ay ka gacan siiyaan sidii ay isaga kicin lahaayeen Cayayaankan halista ku haya dalaggooda.
Ku dhowaad 50 Sano ka hor ayay ahayd markii Ayax noocan oo kale ah lagu arkay qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan.
Ibrahim Muxumad Geddi