Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hay’addaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya iyo Switzerland oo Kala saxiixday heshiis cusub
    July 22, 2025
    Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda oo iska diiwaangeliyay Baydhabo
    July 22, 2025
    Howlwadeenno ka tirsan Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka oo ka qeyb galay aqoon-isweydaarsi muhiim ah
    July 22, 2025
    Madaxweyne Laftagareen oo xariga ka jaray dhismayaal cusub oo si casri ah loo dhisay
    July 22, 2025
    Dowladda Federaalka Soomaaliya oo cambaaraysay duullaanka uu Axmed Madoobe kusoo qaaday Balad Xaawo
    July 22, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Madaxii Baxnaaninta Bukaannada Alshabaab oo la Xukumay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Madaxii Baxnaaninta Bukaannada Alshabaab oo la Xukumay
Wararka

Madaxii Baxnaaninta Bukaannada Alshabaab oo la Xukumay

By Aadan Sooyaal
Last updated: December 16, 2019
3 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)- Axmed Cali Aybakar  oo lagu soo eedeeyay ka mid ahaanshiyaha maleeshiyada Al-shabaab gaar ahaan in uu qaabilsanaa kooxda in uu  kaga kireeyo guryo magaalada Muqdisho kuwooda xanuunsan iyo in uu uga wakiil ahaa xarumaha caafimaad ee magaalada Muqdisho  oo uu ku lahaa  wakaalad iyo kor joogtayn inta ay dib ugu noqonayaa maleeshyada.

Axmed oo ay ciidamada amniga xogtiisa hayeen ayaa laga soo qabtay mid kamid ah xarumaha caafimaad ee ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaa xilligaas lala qabtay Bukaan  Alshabaab ah  oo uu ku diiwaan geliyay in uu adeer u yahay

Bishii Luulyo ayay soo qabteen ciidamada Amniga, waxa ayna baaris dheer ku soo wareejiyeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida 14-kii September, isla xilligaasi waxa uu garsoorayaasha  xafiiska  ka  codsaday in la geeyo eedeysanaha  xabsiga dhexe  garsuge ahaan.

Baaris dheer kadib ayay codsadeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida in la muddeeyo dhageysiga dacwadda 12-kii November , waxa ayna maxkamadda aqbashay 23-kii bishii tagtay.

Ugu horeynba  Maxkamadda ayaa u jeedisay eedda loo heysto Axmed Cali Aybakar ee ah ka mid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in uu u qaabilsanaa Alshabaab xanaaneyta bukaannada Al-shabaab kuwooda dhaawca ah iyo kuwa qaba xanuunada kale, isagoo u kirayn jiray guryaha iyada oo la isticmaalayo magiciisa wakaaladeed.

Axmed Cali Aybakar ayaa ahaa  shaqsi  ku iibiya agagaarka qubuuraha Barakaat agabka duugitaanka maydka loo isssticmaalo, waxa uu qiraalkiisa ku sheegay in saaxiibkiis ay ka wada shaqeyn jireen waratada  dharka xilli hore uu ku qanciyay ku biirista Alshabaab, Axmed guryo ayuu u kireeyay bukaanno ay u soo direen Alshabaab, waxa uu geeyay xaruma caafimaad oo ku kala yaal degmooyinka Hodan iyo Yaaqshiid, sida uu ka hor sheegay fadhiga maxkamadda.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda u sheegay in eedeysanaha cimrigiisa oo kaga faa’ideystay dhagridda dadka, waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay in dadka ay ku ixtiraami jireen da’da uu jiro oo la siman 60-ka.

Maxkamadda ayuu weydiistay in laga qariyo bulshada maadaama uu suurad xumeynayo dadka waayeelka ah ee bulshada nuuc walba ay ku ixtiraamaan da’dooda.

Qareenka u doodayay eedeysanaha ayaa maxkamadda u sheegay in Axmed lagu cadaadiyay shaqada uu hayay, waxa uuna maxkamadda ka codsaday in loo naxariisto maadaama uu da’ yahay.

Garsoorayaasha oo ay ku qaadatay dhagesiga kiiskan saacado ayaa ugu dambeyn go’aamiyay in lagu xukumo 10-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Hay’addaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya iyo Switzerland oo Kala saxiixday heshiis cusub

Muqdisho,(SONNA):- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Mudane Mustafa Duhulow iyo wafdi uu…

July 22, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Safiirka cusub ee Soomaaliya ee dalka Uganda oo waraaqadaha danjirinimo u gudbisay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda

Kampala, (SONNA):- Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u magcaawday dalka Uganda Amb Fardowso Maxamed Qanyare ayaa maanta nuqul ka…

GudahaWararka
November 28, 2024

Kiisas hor leh oo Corona-Virus ah oo laga helay gobollo ka mid ah dalka

Muqdishu-(SONNA)- Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah shaacisay dad farabadan oo laga helay cudurka halista ah…

GudahaWararka
October 4, 2020

Askari ka tirsanaa Ciidanka xoogga oo dil toogasho ah lagu xukumay

Muqdisho-(SONNA)- Maxakamadda Darajada Koowaad ee Ciidamadda qalabka sida ayaa maanta Dable Xoogga Maxamed Cabdixakiin Maxamed Saalax Ganeey ku ridday xukun…

GudahaWararka
October 25, 2023

Dowladda Soomaaliya oo Ka Hadashay Xubno ka Tirsan BFS oo Sheegay in lagu Dhibaateeyay Nairobi

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay ka xun tahay in laba ka mid ah xubnaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ay soo wajahdey…

GudahaWararka
June 21, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023