Muqdisho-(SONNA)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta u dhoofay Magaalada Dooxa ee Dalka Qatar, halkaas oo Sanadkii Saddexaad uu uga qeyb galayo shirka madasha Dooxa.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Wasiirka arrimaha dastuurka iyo mas’uuliyiin kale ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya safarka uu ugu baxay Dalka Qatar.
Madasha Dooxa oo ay ka qeyb gelayaan madax ka socota qaar kamid ah Dowladaha caalamka iyo hay’ado caalami ah, sanadkaanna looga hadlayo ajandayaal ay kamid yihiin amniga, teknoolojiyadda, dhaqanka iyo ganacsiga ayaa soconeysa Deseembar 14-15, 2019.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa madasha Dooxa ka qeyb galay sanadihii 2018 iy0 2017.
Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa inta uu joogo Dooxa waxa uu kulamo doceedyo la yeelanayaa madaxda Qatar iyo qaar kamid ah madaxda kale ee ka qayb geleysa madasha Dooxa.