Khaartuum(SONNA) kulankan oo ka dhacay caasimadda Suudaan ee Khaartuum ayaa u dhexeeyay Safiirka Soomaaliya ee dalkaasi Amb Maxamed Sheekh Isxaaq oo uu wehliyo u qeybsanaha ganacsiga ee safaaradda iyo Wasiirka wasaaraddaย Xanaanada Xoolaha ee wadankaasi Suudaan.
Mas’uuliyiintan ayaa kawada hadlay adkeynta xiriir labada Dowladood Soomaaliya iyo Suudaan,gaar ahaan wasaaradaha labada dal ee Xanaanada Xoolaha,sida uu Wakaaladda SONNA uu u sheegay Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq.
“Waxaan ka wadahadalnay Horumarinta xiriika labada dal,gaar ahaan labada wasaaradood,Is dhaafsi khibrado, booqashooyin iyo in heshiis is afgarad ah la sameeyo iyo taba baro waana soo dhaweeyeen,wayna balan qaadeen in arrimahaasi aan ka wada shaqeyno”.ayuu yiri danjire Maxamed Sheekh Isxaaq oo Wakaaladda Wararka(SONNA) u waramay.
Dhawaan ayuu xafiiska la wareegay danjiraha Soomaaliya ee Suudaan Maxamed Sheekh Isxaaq,wuxuuna dadaal ugu jiraa dardargelinta howlaha diblomaasiyadeed ee horyaal.