Jowhar.(SONNA):-Maamulka Hirshabeelle ayaa wado dadaallo lagu dhisayo Ciidanka Boliis awood leh oo ay yeelato dowlad Goboleedka Hirshabeelle, si ay u sugaan amniga deegaanada Hirshabeelle.
Wasiirka cusub ee amniga maamulka Hirshabeelle, mudane, Maxamed Cabdiraxmaan kheyre oo wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay tababaro u fureen dhalinyaro cusub oo aqoon yahano ah, kuwaas oo ku soo biiraya Ciidamada Boliiska Hirshabeelle si ay qeyb uga noqdaan sugida amniga shacabka Soomaaliyeed,isagoo sidoo kale tilmaamay in ay wadaan qorsheyaal leeskugu furayo waddada u dhaxeysa degmada Buulaburde iyo magaalada Baladweyne .
Wasiirka ayaa kulamo kala duwan oo looga hadlayay tayeynta tababarada la qaatay Saraakiisha Ciidamada ย dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Amisom ee ku sugan Gobolka Shabeellaha dhexe,iyadoo leysku afgartay in la dardar geliyo tababarada Ciidamada cusub ee loo tababarayo dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Ku dhawaad 200 (laba boqol) oo dhallinyaro cusub ah oo ku soo biiraya Ciidamada Boliiska Hirshabeele ayaa todobaadki lasoo dhaafay waxaa tababar uu uga furmay magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad goboleedka Hirshabeelle.