Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka gaashaandhigga oo Istanbul uga qaybgalaya bandhigga qalabka Militariga
    July 23, 2025
    Hawlgal lagu naafeeyey Khawaarijta oo Hiiraan ka socda
    July 23, 2025
    Wasiirka cadaaladda oo qaabilay wakiilka Qaramada Midoobay
    July 23, 2025
    Taliyaha ciidanka dhulka oo ka qaybgalaya bandhigga Teknolojiyadda Militariga ee Istanbul
    July 23, 2025
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo tababar u furay wariyeyaal ka kala socda qeybaha Warbaaahinta kuwo kalena u soo xirey+sawirro
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo tababar u furay wariyeyaal ka kala socda qeybaha Warbaaahinta kuwo kalena u soo xirey+sawirro
Wararka

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo tababar u furay wariyeyaal ka kala socda qeybaha Warbaaahinta kuwo kalena u soo xirey+sawirro

By Aadan Sooyaal
Last updated: December 7, 2019
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA) Munaasabadan oo isugu jirtay furitaanka tababar aqoon kororsi ah iyo xiritaanka isla tababar kale oo kaasi lamid ahย  loogunatalagay qaar kamid ah wariyeyaasha Warbaahinta Qaranka,kuwa Madaxa banana iyo kuwo ka socday dowlad gobaleedyada waxaa ka qeybgalay wasiir ku xigeenka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya mudane Xil Aadan Isxaaq Cali Agaasimaha guud ee wasaaradad C/raxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala,agaasimeyaasha waaxyaha TV,Radiomuqdisho,SONNA& Wargeyska,shaqaaalaha iyo Tababarada oo soo qaban qaabisay iyo Dalxiiska.

Qeybta koowaad ee Tababarkan oo ay bixinayeen macalimiin ka socotay Machadka Aljazeera ee Dalka Qatar uuna soo xirey wasiir kuxigeenka warfaafinta waxaa ka faaโ€™idaystay wariyeyaal gaaraya 15 oo ka tirsan Warbaahinta Qaranka,kuwaasi oo la guddoonsiiyay shahaadooyinkooda,iyadoo sidoo kale qeybta labaad loo furay 20 wariye oo ka kala socota Warbaahinta Qaranka,kuwa Madaxa banana iyo kuwa dowlad gobaleedyada.

โ€œWaxaa noo Soo dhamaaday Maanta tababar qiimo badan oo ay qaateen wariyaal ka tirsan Wasaradda warfaafinta Oo gaaraya 15 wariye, Waxaa bixiyay macalimiin nooga timid machadka Aljazaara, Waxaana Sido kale wasiir ku xigeenka noo furay tababar kale oo ay qaadan doonaan 20 wariye oo qaybaha warbaahinta kala duwan ka yimid, Waxaan u mahad celinayaa Cid kasta oo gacan ka gaystay In uu hirgaloโ€. Ayuu yiri Agaasimaha waaxda Shaqaalaha iyo Tababarada ee wasaaradda Warfaafinta C/rixiin Ciise Caddow.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane C/raxmaan Sheekh Yuusuf Alcadaala oo ka hadlayay munaasabaddaasi ayaa ku booriyay Wariyeyaasha tababarkaasi qaatay in aqoontii la baray ay ugu adeegaan bulshadooda,wuxuuna mahad u celiyay macalimiintii qeybta ka qaadatay tababarkan.

Ugu dambeyntii Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Xil Aadan Isxaaq Cali ayaa ku ammaanay maamulka wasaaradda sida ay isaga xil saareen sare u qaadista aqoonta Wariyeyaasha,Wuxuu sidoo kale ku bogaadiyay suxufiyiintana in ay laba jibaaraan kordhinta heer koodi aqooneed,uguna adeegaan Bulshada.

Wasiir Aadan ayaa uga mahad celiyay macalimiintii ka socotay Dalka Qatar,gaar ahaan machadka Aljazeera sida ay waqtigoodi ay ugu soo hureen in ay tababar siiyaan Wariyeyaasha Soomaaliyeed,taasi oo uu ku tilmaamay tallaabo aad u muhiimsan.

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirtay sidii loo horumarin lahaa Tayada Warbaahinta Dalka,si Bulshada loogu hago dhabaha horumarka.

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka gaashaandhigga oo Istanbul uga qaybgalaya bandhigga qalabka Militariga

Istanbul (SONNA): Wasiirka gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa uga qeybgalaya Bandhigga Caalamiga ah…

July 23, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Tamarta iyo khayraadka Biyaha XFS oo Xafiiskiisa ku qaabiley Masuuliyiin ka sacdey Maamulka SSC-Khaatumo

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Tamarta iyo khayraadka Biyaha XFS, Xildhibaan Cabdullaahi Bidhan Warsame oo Xafiisku qaabiley Wasiiro ka sacdey Maamulka SSC-Khaatumo. Wasiir Bidhaan…

GudahaWararka
May 13, 2025

Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho (SONNA): 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Ankara kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga Hakan Fidan oo…

GudahaWararka
June 19, 2024

QM โ€˜guusha Soomaalidu waa la wareegidda amniga iyo horumarkoodaโ€™ (WARBIXIN)

Sanad walba 24 Oktoobar waxaa loo dabaaldegaa Maalinta Qaramada Midoobay oo lagu maamuuso sannad-guuradii kasoo wareegtay dhaqan-galkii Axdiga Qaramada Midoobay…

GudahaMaqaallada
October 29, 2023

Shir madaxeedka IGAD oo laga soo saaray war-saxaafadeed taageeraya Soomaaliya

Djibouti (SONNA): Shir madaxdeedka dalalka ku midaysan urur goboleedka IGAD oo dalka Jabuuti ka furmay 12-June ayaa gabangabadiisa laga soo…

GudahaWararka
June 13, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023