Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo calan saaray madaxtooyada xuska 65-aad ee xornimada awgeed
    July 1, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay Xildhibaan Samakab oo ka tirsan golaha wakiillada Minnesota
    June 30, 2025
    Xuska 65-aad ee xornimada dalka oo lagu qabtay safaaradda Soomaaliya ee Tanzania
    June 30, 2025
    Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag
    June 30, 2025
    Wasiiru dowlaha Qorsheynta oo la kulmay  Ra’iisul wasaaraha Libiya
    June 30, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
    Israel oo duqeysay goobo muhiim ah oo ku yaalla Iran
    June 13, 2025
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
    Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
    June 14, 2025
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir heer Wasiir ah oo looga hdlayo Hal-abuurka Afrika+Sawirro
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir heer Wasiir ah oo looga hdlayo Hal-abuurka Afrika+Sawirro
Wararka

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir heer Wasiir ah oo looga hdlayo Hal-abuurka Afrika+Sawirro

By Aadan Sooyaal
Last updated: December 4, 2019
2 Min Read
Share

Accra – Ghana-(SONNA)- Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Soomaaliya, Mudane; C/laahi Bile Nuur, ayaa ka qeybgalay shirka heer wasiir ee Hal-abuurka Afrika, kaas oo Maanta ka furmay Magaalada Accra, Caasimadda Dalka Ghana.

Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen Wasiirrada isgaarsiinta iyo waxbarashada ee Dalalka Qaaradda Afrika ayaa waxaa furay Madaxweynaha Ghana, Nana Akufo-Addo, oo Dalkiisu Sanadkan uu martigelinayo kulankan.

Madaxweynaha oo la hadlayay wufuudda kala duwan ee shirka ka soo qeybgashay ayaa sheegay in mustaqbalka Afrika uu ku xiran yahay hadba sidii loo horumariyo teknolojiyada iyo waxbarashada.

Wasiiru-Dowlaha oo ka hadlayay ahmiyadda shirkan u leeyahay dalka ayaa sheegay in qorshaha Wasaaradda uu ku jiro sidii loo baahin lahaa aqoonta teknolojiyada (digital literacy) si dadweynuhu uga faa’iideysan karaan adeegyada teknoolojiyadeed ee dalka ka jira.

“Dalkeena ma horumari karo teknolojiyad ahaan haddii aan la dhisin aqoonta Dadkeenna ee Teknolojiyada, waayo haddii uu adeegga jiro, balse aysan Dadku aqoonin way adkaaneysaa in ay ka faa’iideystaan adeegyadaasi. Sidaasi darteed waxaan ugu baaqeynaa shirkadaha, hay’adaha horumarinta ka shaqeeya iyo Dalalka aan saaxiibbada nahayba inay nagala shaqeeyaan sidii loo baahin lahaa aqoontaas,” ayuu yiri Wasiiru-Dowlaha.

Shirkan ayaa ku soo aadaya iyadoo dhowaan Golaha Wasiirrada xukuumadda uu ansixiyay Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, taas oo ahmiyad gaar ah lagu siiyay sidii loo baahin lahaa waxbarashada loo adeegsanayo Teknolojiyadda (e-education), iyadoo la xaqiijinayo in dhammaan Dugsiyada sare ee Dalka ay helaan adeegga Internet-ka, iyadoo taasi Wasaaradda Boostadu kala shaqeyneyso Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo calan saaray madaxtooyada xuska 65-aad ee xornimada awgeed

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa calan-saaray Madaxtooyada Qaranka,…

July 1, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dowladda Qadar oo maalgelineysa waxbarashada dalalka ay ka jiraan xaaladaha degdegga ah

Ra'iisul wasaare ku-xigeenka Qatar ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani,  ayaa sheegay in Dowladda Qatar…

Wararka
September 11, 2020

Xeer ilaaliye gaar ah oo loo magacaabay baarista dilalka wariyaasha iyo tacadiyada loo gaystay

Muqdisho (SONNA)- Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa xeer ilaaliye gaar ah u magacaabay baarista dilalka wariyaasha…

GudahaWararka
September 9, 2020

Tirada dadka ku dhintay Turkiga iyo Syria  oo gaartay 16-kun

Tirada dadka ku dhintay dhulgariirradii ka dhacay Turkiga iyo Suuriya ayaa sii dhaafaya 16,000,xilli ay sii yaraanayaan rajada laga qabo…

Caalamka
February 9, 2023

Wasiir Beyle oo ku baaqay in si wadajir ah loo wajoho kooxaha ka dambeeya xasuuqa bulshada

Sii hayaha Wasiirka Maaliyadda XFS C/Raxmaan Ducaale Beyle oo ka hadlay xasuuqi ka dhacay isgoyska Soobe,ayaa ku baaqay in dadka…

Wararka
October 14, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023