Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada (COP30)
    November 7, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo kormeeray qeybaha kala duwan ee Dekadda
    November 7, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    November 7, 2025
    Hey’adda Socdaalka oo daahfurtay tababar la xiriiray sugidda xuduudaha dalka
    November 7, 2025
    Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka
    November 7, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Wasaarada Warfaafinta oo daah furtay Masraxa hal abuurka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Dhaqanka > Wasaarada Warfaafinta oo daah furtay Masraxa hal abuurka
DhaqankaWararka

Wasaarada Warfaafinta oo daah furtay Masraxa hal abuurka

By Aadan Sooyaal
Last updated: December 3, 2019
4 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)- Munaasabad lagu daah furayo masraxa hal abuurka oo loogu talagalay in abwaanada iyo aqoonyahanada ay ku soo bandhigaan sugaan iyo doodo cilmiyeysan ayaa caawa laga hirgeliyay gudaha xarunta Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wasiirka Maaliyadda Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa caawa si wada jir ah xariga uga jaray masraxa furan, kaasi oo wixii hadda ka dambeeya lagu qaban doono doodo iyo in bulshada loogu soo bandhigo xogta dowladda iyo horumarka ay ku talaabsatay.

Wasiir Maareeya oo hadalkooban ka jeediyay madasha ayaa sheegay in masraxa furan lagu soo bandhigi doono wax badan oo bulshada Soomaaliyeed wax u tara.

“Caawa waxaa halkan sharaf noo ah aniga iyo Wasiirka Maaliyada inaan furno masraxa furan oo ay dhistay Wasaaradda, halkan waxaa lagu qaban doonaan wax badan oo bulshada wax u tarta, madaxda sare ee dalka ayaa halkan imaanaya oo bulshada la hadlaya, oo sida caawa Warbaahinta u joogto ay awood u heli doonaan inay su’aalo ku weydiin karaan madaxdooda, Wasiirada waxa ay u imaan doonaan koox koox” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeya ayaa hoosta ka xariiqay in Warbaahinta Qaranka iyo Warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay ay masraxa furan si wadajir ah ugu qaban doonaan doodo.

“Dood cilmiyeedyo ayaa halkan lagu qaban doonaa, gaar ahaan arrinta badda oo aan keeni doono qabiiro dhanka badda ah, waxaan kaloo keeni doonaa arrimaha bulshada dad kala hadla, oo dood ku geli doono, si wada jir ah waxaa dood ugu qaban doono Warbaahinta Qaranka iyo Warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay ayay halkan u furan tahay habeen iyo Maalin”.ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka Warfaafinta.

Wasiir Maareeye ayaa daboolka ka qaaday in Golaha Murtida iyo Maddadaalada ee Tiyaatarta Qaranka xariga laga jari doono bisha Janaayo ee sanadka cusub, isagoo xusay in dhismaha masraxa hal abuurka ay gacan ka geysatay dhismaheeda Maareeyaha Wakaaladda dhismaha Qaranka.

“Masraxa furan qofkasta waa u furanyahay oo wax u sheegaya bulshadiisa, masraxa furan maamul gaar ah ayuu leeyahay waad imaan kartaan oo waad ku soo bandhigi kartaan xirfadiina iyo aqoontiina, Wakaaladda Horumarinta Dhismaha Soomaaliyeed ayaa gacan nagu siisay dhismaha masraxa furan, iskaa wax u qabso ayaana ku dhisnay runtii waan u mahadcelinayaa Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac” ayuu Wasiirka hadalkiisa ku soo xiray.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo isna xafladda ka hadlay ayaa sheegay in wax badan la qabsan karo, masraxa ay Wasaaradda Warfaafinta hirgelisayna ay qeyb ka tahay horumarka iyo bilicda ka jirta magaalada.

“Wasiirka oo ah nin aftahana ayaa wax waliba sheegay oo soo koobay, masraxa aadka u quruxda badan waxa uu ka midyahay waxyaabaha qurxoon ee maalin kasta la furo, runtii halkan waa meesha wax la isugu sheegi karo., waxa ay fududeyneysa in aragtiyo la isku weeydaarsado, dhismaha waan kaala qeyb galeynaa runtii sida aan ugala qeyb qaadano dhismaha xarumaha Wasaaradaha kale.” Ayuu yiri Wasiir Beyle.

Munaasadda lagu daah furayay masraxa hal abuurka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Aqalka sare iyo Golaha Shacabka, Maareeyaha Guud Wakaaladda Dhismaha Qaranka, Agaasimaha Guud ee hay’adda Socdaalka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya, Agaasimaha Radio Muqdisho iyo qaar kale oo ka mid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Warfaafinta, marti sharaf iyo fanaaniinta Hobollada Qaranka, kuwaasi oo madasha ku soo bandhigay suugaan ka tarjumeyso horumarka ay dowladda ku talaabsatay iyo baraarujin ku saabsan inay ka qeyb qaataan horumarinta dalka.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada (COP30)

Belem(SONNA):-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qeyb…

November 7, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Kooxda Kubadda Cagta Toronto Fc oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Muqdisho-(SONNA)-Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdullaahi Aadan Muuse oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Isboortiga…

CiyaarahaGudahaWararka
January 31, 2024

Guddoomiyaha Gobolka oo dhagax dhigay dhismaha waddada Laamiga Via Uganda

Muqdisho,(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha waddada Laamiga Via…

GudahaWararka
April 25, 2024

Hay’adda SoDMA oo gargaar u dirtay Jubbaland

Muqdisho-(SONNA)-Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA,  ayaa maanta Shixnad gargaar ah oo gaaraysa 4,000 oo tan u dirtay dowlad…

GudahaWararka
March 27, 2024

Midowga Baarlamaannada Carabta oo ka shiraya xaaladda Falastiin.

Muqdisho(SONNA):-Wadanka Algeria waxaa si rasmi ah uga furmay fadhiga 36-Aad ee shirka midowga baarlamaanada Carabta oo ay sanadkan marti gelineyso…

GudahaWararka
May 27, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023