Muqdisho(SONNA):-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudiga, Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cismaan, ayaa kormeer shaqo ku tagay xafiiska Arrimaha Xajka ee magaalada Madiina.
Kormeerkan ayaa ujeedkiisu ahaa u kuur-galidda habsami u socodka adeegyada loo fidinayo xujeyda Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Madiina, iyadoo safiirku uu kulamo la qaatay mas’uuliyiinta xafiiska Arrimaha Xajka.
Safiirka ayaa bogaadiyey dadaallada lagu daryeelayo xujeyda Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay fududeynta iyo horumarinta adeegyada loo fidiyo muwaadiniinta gudanaya waajibaadka Xajka.
“Waxaan aad u bogaadinayaa sida wanaagsan ee loogu adeegayo xujeyda Soomaaliyeed, dowladda Soomaaliya na waxaa ka go’an inay u fududeyso dhammaan baahiyaha ay qabaan,” ayuu yiri Safiirka JFS ee dalka Sacuudiga
Dhankiisa, Madaxa Xafiiska Arrimaha Xajka ee Wasaaradda Awqaafta XFS, Dr. Khadar Xaaji Daahir, ayaa uga mahadceliyey safiirka booqashada uu ku yimid xafiiska, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay kormeerka noocan ah.
Sidoo kale, qaybtii ugu horreysay ee xujeyda Soomaaliyeed oo ka kala ambabaxday Muqdisho iyo Hargeysa ayaa gaaray magaalada Madiina, halkaas oo ay ka bilaabayaan gudashada acmaasha Xajka.