Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo ka qeyb galay Bandhigga Ganacsi ee Afrika
    September 6, 2025
    Shirka Amniga koonfur-galbeed oo looga hadlay xoojinta Amniga
    September 6, 2025
    Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarunta dambi baarista
    September 6, 2025
    Dr Xabeeb iyo wafdi dhakhaatiir ah oo gaaray degmada Cadaado
    September 6, 2025
    NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah
    September 6, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD
Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 28, 2019
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA), Nofeembar 28, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan Shir Madaxeedka Caadiga ahaa ee Urur Goboleedka IGAD.

Madaxda dalalka IGAD ayaa ka arrinsanaya qorshe cusub oo dib u habeyn loogu sameeynayo Urur Goboleedka IGAD, kaas oo ku saleysan in Ururku uu si siman uga turjumo dhammaan danaha dalalka ku bahoobay.

Sidoo kale, Madaxdu waxa ay ka wada hadli doonaan xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya dalalka Gobolka ee dhinacyada dhaqaalaha iyo nabad galyada.

Sidoo kale, hoggaamiyeyaasha IGAD waxa ay iska xog-wareysanayaan qorsheyaasha lagu guuleystay ee ku aaddan dadaallada lagu xasilinayo waddamada Gobolka, iyagoo warbixinno ka dhageysanaya Guddi Madaxeedyada u xilsaaran fulinta heshiisyadii hore iyo caqabadaha haatan jira.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagaya Madaxda dalalka IGAD, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan dib u habaynta Ururka Goboleedkan, si uu u noqdo madal ay ka muuqdaan danaha wadajirka ah ee dalalka Gobolka.

Inta shirkan lagu guda jiro, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceedyo la qaadan doona Madaxda dalalka Gobolka ee kasoo qeyb galaya shirkan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xaqiijineysa siyaasaddeeda ku aaddan Gobolka ayaa kaalin muhiim ah ka qaadaneysa dadaallada ku qotama nabadaynta iyo kor u qaadidda iskaashiga dhaqaale ee Gobolka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo ka qeyb galay Bandhigga Ganacsi ee Afrika

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Aadan (Geesod) iyo wafdigiisa ayaa ka…

September 6, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul wasaare Xamsa oo shacabka ugu baaqay in ay ka baxaan xarumihii dowladda

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha XFS, mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay banneeyaan xarumaha dowladda si loogu adeego…

GudahaWararka
July 18, 2023

Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf u sameeyay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Hirshabeelle, Koonfur-galbeed & G/Mudug

Muqdisho-(SONNA)- Septembar 22, 2019; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa casho sharaf u sameeyey Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada…

Wararka
September 22, 2019

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo mar kale ciidamada uga digay in ay ku milmaan siyaasadda

Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa mar kale ciidamada Qaranka uga digay inay ku milmaan ama loo…

GudahaWararka
January 9, 2022

Ciidanka Xoogga oo Al-shabaab kala wareegay deegaan ka tirsan Jubbada hoose

KISMAAYO-SONNA- Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maleeshiyada argagaxisada Al-shabaab kala wareegay deegaanno ka tirsan gobolka…

GudahaWararka
September 5, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023