Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose
    May 26, 2026
    Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed
    May 26, 2026
    Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay
    May 26, 2026
    Dufcada 12-aad ee Kumaandooska Danab oo tababar loo furay
    May 25, 2026
    Dhallinyarada Muqdisho oo muujiyey nabadda caasimadda ka jirta iyo sida ay u difaacayaan
    May 25, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Shirkii Afrika iyo Talyaaniga oo lagu soo geba gebeeyay Milano+sawirro
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Shirkii Afrika iyo Talyaaniga oo lagu soo geba gebeeyay Milano+sawirro
Wararka

Shirkii Afrika iyo Talyaaniga oo lagu soo geba gebeeyay Milano+sawirro

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 27, 2019
2 Min Read
Share

Milano(SONNA) Shirkii u dhexeeyay Dowladaha Afrika iyo Talyaaniga oo ay Soomaaliyan kujirto ayaa maanta lagu soo geba gebeeyay magaalada Milano ee dalka Talyaaniga,iyadoo Soomaaliya uu u matalayay wasiirka warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir(Maareeye) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan halkaasi.

Mudadii labada maalmood ahayd ee uu socday shirkan oo loogu magac daray (Afrika & Italt Business Week) ayaa diiradda lagu saarayay sidii wadamada Talyaaniga iyo Afrika ay isaga kaashan lahaayeen ganacsiga Dalxiiska Soomaaliyana ay kujirto.

Sida uu Wakaaladda SONNA u sheegay agaasimaha waaxda Dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya mudane C/risaaq Cabdi Cabdullaahi oo kamid ah wafdiga wasiir Maareeye uu hoggaaminayo ee shirkaasi ka qeybgalay.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir(Maareeye) iyo wafdigiisa ayaa shirkaasi ku soo bandhigay fursadaha dhanka ganacsiga Dalxiiska ee kajira Soomaaliya,maadaama dalka uu haatan ka soo kabanayo burburkii,islamarkaana uu cagta saaray dhabihii horumarka.

Sidoo kale waxaa wasiirka Warfaafinta Soomaaliya uu kulamo gooni gooni ah uu la yeeshey qaar kamid ah madaxdii ka qeybgashey shirkaasi,waxaana kamid ahayd wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda ee Talyaaniga (Emanuela Claudia Del Re ) oo ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin xoojinta iskaashiga labada dal iyo in dowladda Talyaanigu ay taageerto qorshayaal lagu horumarinayo warbaahinta dalka.

Khudbad uu ka jeediyay furitaanka shirkaasi ayuu wasiirku ku ammaanay dowladda Talyaaniga sida ay dhabarka ugu ridatay martigelinta muhaajiriinta Afrikaanka ah,kuwaasi oo dalkaasi galaya,iyagoo ka gudbaya badda Mediterraneanka ee isku xirta dalalka Afrika iyo Qaaradda Yurub.

Dowladda Talyaaniga ayaa ka mid ah wadamada galaangalka ku leh taageerada Soomaaliya,waxaana jira xiriir soo jireen ah oo ka dhexeeya labada dowladood,taasi oo fursad u siinaysa Soomaaliya in ay ka faa’ideysankarto barnaamijyadan horumarinta ganacsiga Dalxiiska.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa walaac xooggan ka muujiyay dhacdadii ka…

May 26, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shirweynaha Bangiyadda Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

Muqdisho(SONNA):-𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐥𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐚𝐧𝐠𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 (𝐒𝐁𝐅𝐂-𝟐𝟎𝟐𝟒) oo goordhow ka furmay Magaalada Muqdisho. Shirkan oo socon doona muddo laba…

GudahaWararka
September 29, 2024

Horjoogayaal lagu dilay how-gal ka dhacay nawaaxiga Jannaale

Muqdisho-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS, S/guuto; C/xamiid Maxamed Dirir, ayaa sheegay in weerar ka dhacay nawaaxiga Jannaale lagu dilay, Muxyidiin…

Wararka
March 20, 2020

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo ku guuleystay shahaadooyin caalami ah

Muqdisho(SONNA):-Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa ku guuleystay saddex shahaado oo caalami ah oo uu bixiyo ururka caalamiga ah ee ISO. Munaasabad…

GudahaWararka
August 11, 2024

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Xafiiskiisa ku qaabbilay ku xigenka wakiilka Xogyaha guud ee QM+Sawirro

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane; Xasan Cali Khayre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay ku-xigeenka wakiilka xogyahaya guud ee Qaramada…

Wararka
February 15, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023