Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini
    June 1, 2026
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Munaasabad loogu duceeynayay Wakiilkii Akadeemiyad G/baleedka(AGA) ee K/Galbeed oo Muqdisho lagu qabtay+sawirro
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Munaasabad loogu duceeynayay Wakiilkii Akadeemiyad G/baleedka(AGA) ee K/Galbeed oo Muqdisho lagu qabtay+sawirro
Wararka

Munaasabad loogu duceeynayay Wakiilkii Akadeemiyad G/baleedka(AGA) ee K/Galbeed oo Muqdisho lagu qabtay+sawirro

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 22, 2019
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA) Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatey munaasabad ku saabsan Xus iyo Xusuus loo samaynayay Wakiilkii Akadeemiyada AGA ee K/Galbeed Prof. Maxamed Cali Kalaay oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Baydhabo!

Munaasabaddaasi oo ujeedadeedu aheyd sidii loogu duceyn lahaa marxuumka geeriyooday ayaa waxaa ka soo qeyb galay Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka ee (SONNA) iyo Wargeyska Dalka Cali C/qaadir Cali agaasimaha xiriirka dowlada Gobaleedyada ee Wasaaradad Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska C/llaahi Xasan Cali,xubno ka socday wasaaradad waxbarashada DFS, Guddoonka Akadeemiye-Goboleedka, madaxda Golaha Abwaannada, wakiilo ka matalayay bahda afka, qoraalka iyo akhriska, xubno ka socday ehelada marxuumka iyo marti sharaf kale oo badan.

Furitaankii munaasabaddaasi ayaa ugu horeyntii waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax oo sheegay inuu guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii iyo asaxaabtii uu ka baxay Wakiilkii AGA ee K/Galbeed uu uga tacsiyaynayo geeridi ku timid marxumkaasi, isaga oo caddeeya inuu Alle uga baryayo inuu Jannadiisa ka waraabiyo.

“Prof. Kalaay waxa uu ahaa aqoonyahan qaali ah oo mudan in la xuso, maadaama uu wax badan u soo qabtay ummaddiisa, waxaana lagu xasuusan doonaa kaalintii uu ku lahaa daryeelka iyo hiilka afka hooyo”ayuu yiri Prof Afrax oo iftiimiyay in shaqsi qiima badan uu ka baxay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga.

Munaasabaddaasi waxaa lagu soo bandhiggay taariikh nololeedkii Prof. Maxamed Cali Kalaay, waxaana halkaasi ka soo jeediyay Prof. Mustafa C/llaahi Feyruus oo ka mid ah madaxda Akadeemiye-Goboleedka, isaga oo si cilmiyaysan u faah-faahiyay heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray marxuumka.

Wasiirkii hore Wasaaradda Hawlaha Guud Eng. Saalax Sheikh Cusmaan, La-taliyaha Wasaaradda Waxbarashada Dr. Cabdi-shakuur Shiikh Xasan Fiqi, Guddoomiyaha Golaha Abawaannada Soomaaliyeed Abwaan Xisri Dhuux iyo Agaasimaha Wakalaadda Warrarka Soomaaliyeed iyo Wargayska Dalka ee Wasaaradda Warfaafinta Cali C/qaadir Aadan oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa ka tacsiyeeyay geerida Prof. Kalaay, iyaga oo soo jeediyay in si wadajir ah loogu duceeyo marxuumkaasi.

Sidoo kale waxaa munaasabaddaasi ka hadlay Prof. Fawsi Cabdi-nuur Maxamed oo ka tirsan Golaha Aqoonayahannada Koonfurta Soomaaliya, Guddoomiyaha naadiga Hillin-hayaan C/qaadir Axmed Jubba iyo Cali Max’ed Kalaay oo ku hadlyay afka ehelada ayaa ka sheekeeyay qeybo ka mid ah taariikhdii marxuumka iyo doorkii uu ku lahaa bulshada Soomaaliyeed.

Prof. Maxamed Cali kalaay waxa uu sannadkii 1953 ku dhashay magaalada Baydhabo, waxaa uu soo noqday Wasiirkii Tacliinta Sare Dawladdii Carte, waxa uu ahaa aasaasihii Jaamcadda Koonfurta Soomaaliya, waxa uu ahaa Wakiilkii Akadeemiyada AGA ee K/Galbeed, noloshiisa inteeda badan waxa uu ku soo qaatey dhinacyada waxbarashada iyo daryeelka afka, dhaqanka iyo hal-abuurka Soomaaliyeed.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka arrimaha dibadda DFS oo la kulmay Isimada Gobalka Mudug iyo Puntland

Muqdisho(SONNA)-Wasiirka arrimaha dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo isaga iyo wafdi uu horkacayo ay shalay soo gaareen magaalada…

GudahaWararka
July 25, 2021

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi sare…

GudahaWararka
December 2, 2025

Xildhibaannada labada Aqal oo maanta la hor geyn doono wax ka bedelka Dastuurka

Muqdisho(SONNA):-Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Maanta oo Isniin ah ay kulan wadajir ah ku yeeshaan…

GudahaWararka
February 12, 2024

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka sanadlaha ah ee Midowga Yurub

Addis Ababa-(SONNA)-Dowladda Soomaaaliya ayaa si rasmi ah loogu casumay ka qayb galka shirka sanadlaha ah ee Midowga Yurub oo looga…

GudahaWararka
March 20, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023