Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka gaashaandhigga oo Istanbul uga qaybgalaya bandhigga qalabka Militariga
    July 23, 2025
    Hawlgal lagu naafeeyey Khawaarijta oo Hiiraan ka socda
    July 23, 2025
    Wasiirka cadaaladda oo qaabilay wakiilka Qaramada Midoobay
    July 23, 2025
    Taliyaha ciidanka dhulka oo ka qaybgalaya bandhigga Teknolojiyadda Militariga ee Istanbul
    July 23, 2025
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: XFS oo sheegtay in lagu guuleystay in muddo ka badan hal sano aan dalka laga dhoofin wax dhuxul ah.
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > XFS oo sheegtay in lagu guuleystay in muddo ka badan hal sano aan dalka laga dhoofin wax dhuxul ah.
Wararka

XFS oo sheegtay in lagu guuleystay in muddo ka badan hal sano aan dalka laga dhoofin wax dhuxul ah.

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 21, 2019
5 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Bayaan ka soo baxay wasaarada Xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay dadaalka ay dowladu galisay joojinta Jarida iyo dhoofinta dhuxusha.

Bayaankaan oo ka koobnaa dhowr qodob ayaa u qornaa sidaan:-

War saxaafadeedkan waxa uu ku saabsanyahay arrimo ahmiyad wayn u leh shacabka soomaaliyeed iyo horumarinta biโ€™adda oo aay wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed la wadaagayso shacabka Soomaaliyeed.

Warsaxaafadeedkan waxa uu si gaar ah u tilmaamayaa guulo laga gaaray jaridda dhirta, ka ganacsiga iyo dhoofinta dhuxusha oo dhibaato baโ€™an ku haysay biโ€™adda intii ka dambeysay dowladdii dhexe ee 1991.

Ahmiyadda yaraynta Xaalufinta Dhirta
Dhirtu waxa ay nadiifisaa hawada aan neefsanno, iyada oo CO2 ka nuugta hawada, siidaysana O2 ay nooluhu u baahanyihiin
sidoo kale dhirtu waxa ay nadiifisaa biyaha aan cabno.

Waxa daaq ka hela xoolaha aynu dhaqanno kuwaasoo lafdhabar u ah dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

Dhirtu waxa ay hooy u tahay duurjoogta dalka kunool.

Dhirtu waxa ay dhulka ka ilaalisaa nabaadguurka.

Dhirta waxa laga sameeyaa daawooyin,waxaana dhaqaale ka hela dadka ka ganacsada xabkaha iyo faleenka.

Sidoo kale dhirta waxaa ku hoos nool noolayaal kala geddisan(microorganism) oo nacfi u leh biโ€™adda, bacriminta carada,tayaysana wax soosaarka dalagyada
Dhirtu waxa ay soo jiidataa roobabka
Dhoofka dhuxusha waxa ay socotay illaa intii ka dambeysay Dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Dhoofinta dhuxushaas waxa ay sababtay in laga jaro dhir aad u badan guud ahaan dalka Soomaaliya. Dhoofintaas oo uu Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ka soo saarey bayaan (2036) oo soo baxey sanadkii 2012, kaa soo lagu mamnuucayey dhuxul laga dhoofiyo Soomaaliya.

Cilmi baaris ay wada sameeyeen Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa iyo hayadaha UN ka oo ka caawiya dowladda
Soomaaliya mashruuca yaraynta isticmaalka dhuxusha (PROSCAL Programme) waxa
lagu ogaaday in muddadii u dhaxaysay 2011-2017 dalka Soomaaliya laga jaray qiyaastii 8 Milyan oo geed.

Waxa Sharaf ii ah inaan idinla wadaago waxqabad muhiim ah oo ay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ,Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku howlaneed muddo dheer kana guulgaartay.

Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay ku guuleysatay in aan waddanka laga dhoofin dhuxul laga soo billaabo bishii Agoosto 2018, xilligaas oo laga joogo muddo ka badan sannad iyo saddex bilood, warbixintaas oo ay hayโ€™adda UN Monitoring Group ku soo bandhigtay bishan Nofember Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayey ku ammaantay in xukuumadda
Federaalka Soomaaliya ay ku guulaysatay in ay joojiso dhoofka dhuxusha sharci darrada ah laga soo billaabo bishii Agoosto 2018 kii illaa maanta aan wax dhuxul ah laga dhoofin dhammaan dalka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya . taas oo ah guul u soo hoyatay shacbiga Soomaaliyeed. Waa waqtigii ugu dheeraa oo aan waddanka dhuxul laga dhoofin tan iyo intii ka dambeysay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, 1991.

Sidoo kale Xukuumaddu waxa ay walaac ka muujinaysaa inay wali jiraan goobo ka mid ah dalka oo ay wali ka socoto xaalufinta dhirta oo lagu diyaarinaaayo dhuxul si dibedda loogu dhoofiyo , haddaba xukuumaddu waxa ay ka codsanaysaa shacabka Soomaaliyeed inay ku soo wargaliyaan xukuumadda meelaha wali ay ka socdaan diyaarinta dhuxusha iyo xaalufinta dhirta ee dalka Soomaaliyeed .

Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay ku guuleysatay in ay badbaadiso dhirtaas la dabargoynayey in muddo ah, sidoo kalena waxay xukuumaddu qorsheysay, fulineysaana sidii ay dib u dhireyn ugu sameyn laheyd dhulkii la xaalufiyey.

Xukuumaddu waxay diyaarisay siyaasadda qaran ee dhuxusha, waxayna wasaaraddu ku howlantahay sharciga dhuxusha kaasoo wax wayn ka tari doono yaraynta isticmaalka dhuxusha ee gudaha iyo dhoofinta dhuxusha , sharcigaas oo lagu qeexaayo hab ciqaabeedka dadka ka shaqeeya ama dhoofiya dhuxusha. Sidaas oo kale xukuumaddu waxa ay dhiirrigalinaysay in ay shacbiga barto isticmaalka gaaska dabiiciga ah, si dadku u helaan tamar kale oo ay uga maarmaan isticmaalka dhuxusha. Waxa inoo qorsheysan in aan goor dhaw ka qeybinno gaaska la shito dhammaan caasimadaha dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa aan kula dardaarmayaa shacbiga Soomaaliyeed inay garab istaagaan dowladdooda kuna gacansiiyaan sidii loo badbaadin lahaa dhirta,taas oo ka mid ah kheyraadkooda dabiiciga ah, Isla markaana ay ka shaqeeyaan dib u beeridda dhirta oo ay ku howlantahay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka gaashaandhigga oo Istanbul uga qaybgalaya bandhigga qalabka Militariga

Istanbul (SONNA): Wasiirka gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa uga qeybgalaya Bandhigga Caalamiga ah…

July 23, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliska Booliska oo faahfaahin ka bixiyay naftii halige isku qarxiyay goob lagu harsado

Muqdisho (SONNA) - Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa qoraal ka soo saaray qarax galabta qof naftii halige ah oo ka…

Wararka
October 17, 2024

Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyay in ciidamada Turkiga ay ka howlgalaan badda Soomaaliya

Ankara, (SONNA): Baarlamaanka Dalka Turkiga ayaa ansixiyay soo jeedinta Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ee ah in ciidamo badda ah loo…

GudahaWararka
July 27, 2024

SODMA oo soo xirtay tababar kor loogu qaadayo hawlwadeenada gurmadka Deg Dega ah

Muqdisho(SONNA):-Xarunta Qaran ee Hawlgallada Gurmadka Deg-degga ee Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka ayaa soo gabagabeysay tababarro toos ah (practical) oo lagu diyaarinayay…

GudahaWararka
February 21, 2025

Shir looga hadlayey Waxqabadka Wasaaradda Qorsheynta XFS oo Muqdisho ka dhacay “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)- Shirkaan ayaa looga hadlay Waxyaabaha u qabsoomay Wasaaradda Qorsheynta oo ay ka mid yihiin Diyaarinta Qorshaha Sagaalaad ee…

Wararka
October 15, 2019

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023