Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta kulan gaar ah la leh qaar ka mid ah Madaxweyneyaashii hore ee Dalka,sida uu Wakaaladda SONNA u xaqiijiyay Cabdinuur Maxamed Axmed agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Qaranka
Ajendaha ugu weyn ee kulanka u dhexeeya Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ,Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ah arrimaha doorashooyinka Dalka ee 2020 โka.
Waxaa sidoo kale lagu gorfeeynayaa kulanka sidii ay Madaxweynayaashii hore ee Dalka xukuumadda ugula shaqayn lahaayeen sidii hannaan doorasho oo hufan, isla markaana ah Qof iyo cod ay Dalka uga dhici lahayd, si awoodda dib loogu celiyo Shacabka Soomaaliyeed, una doortaan madax iyo Xildhibaanno iyaga si toos ah wakiil uga noqda.