Stockholm-(SONNA)-Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Waddamada Yurub ayaa kaalin fiican ka qaadanaya gurmadka loo sameynayo samata bixinta iyo caawinta Dadkii ay saameeyeen fatahaadaha iyo daadadkii ka dhacay Dalka.
Wariye; Maxamed Faarax Canshuur oo ku sugan Dalka Sweden ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan ay wadaan dedaallo ku aaddan sidii ay kaalin mug leg ugu geysan lahaayeen howlaha loogu gurmanayo Dadka ku waxyeelloobay fatahaadaha.
Maxamed Faarax Canshuur oo ah Wariye madax bannaan ayaa intaa raaciyay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Sweden iyo guud ahaa Waddamada Yurub ay aruurinayaan dhaqaale ay ugu talo galeen Dadka ay saameeyeen fatahaadaha Webiyada Dalka mara iyo daadadkii ka dhashay Roobabka Deytra.