Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasaaradda Caddaaladda iyo arrimaha Dastuurka oo soo dhowaysay Ansixinta Baarlaamaanka ee dhamaystirka Dastuurka
    March 4, 2026
    Baarlamaanka JFS oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyey dhamatstirka Dastuurka dalka
    March 4, 2026
    Kulankii labada gole Baarlamaan oo ka furmay xarunta VILLA Hargeisa
    March 4, 2026
    Dowladds Soomaaliya ayaa bixisay malaayiin dollar oo ah caymiska xoollaha iyadoo gaarsiisay qoysaska abaaruhu saameeyeen
    March 4, 2026
    Ra’iisulwasaare kuxigeenka XFS iyo maamulka gobolka Banaadir oo ka shiray dardargelinta hawlaha hortebinta u leh Caasimadda
    March 4, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Marwada Koowaad ee Dalka oo Mareykanka ka bilowday dardar-gelinta ololaha loogu gurmanayo dadka fatahaaddu ay saameeyeen+sawirro
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Marwada Koowaad ee Dalka oo Mareykanka ka bilowday dardar-gelinta ololaha loogu gurmanayo dadka fatahaaddu ay saameeyeen+sawirro
Wararka

Marwada Koowaad ee Dalka oo Mareykanka ka bilowday dardar-gelinta ololaha loogu gurmanayo dadka fatahaaddu ay saameeyeen+sawirro

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 11, 2019
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA) Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Seynab Cabdi Macallin ayaa Gobollada dalka Mareykanka ka bilowday Olole loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu ay kasoo gaartay fatahaadda Gobollada Hiiraan, Bakool iyo Gedo.

Ololahan ayaa si gaar ah wax loogu tarayaa haweenka iyo dhallaanka ay noloshooda saameynta xoogga leh ay ku yeesheen fatahaaduha, maadaama ay yihiin qeybta ugu ballaaran ee u baahan gurmadka waara.

Marwada oo la hadleysay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Columbus ee dalka Mareykanka ayaa la wadaagtay xaaladda bini’aadannimo ee ka taagan deegaannada fatahaaduhu ay saameeyeen, waxa ayna sidoo kale uga warbixisay dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ugu gurmadeen.

“Dadka Soomaaliyeed waligoodba waxay caan ku ahaayeen is taakuleynta, maantana kumaba sii jirto oo 70kun oo qoys wax ka badan ayaa magaalooyinkaas ka barakacay. Maanta oo kale waxaa nalooga baahanyahay midnimo, istaageerid, samafal iyo in kuweena wax haysta ay gacan ka gaystaan gurmadkaas.”

Marwo Seynab Macallin oo bogaadisay isku xirnaanta Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Gobollada Maraykanka ayaa tilmaamtay in dadaalkeeda ku aaddan isku-xirka howlaha gurmad ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas Maraykanka uu kaabaayo qorsheyaasha Qaran ee lagu samata-bixinayo dadkeenna dhibaataysan.

Olalaha Marwada Koowaad oo ka bilowday Gobolka Columbus ayaa qorshuhu yahay in ay Marwadu gaarsiiso Gobollada kale ee Dalka Maraykanka, oo ay ugu horreysiinayso magaalada Seattle Washington, si ay u dardar geliso dadaallada wax-ku-oolka ah ee dib loogu dhisayo nolasha dadkii ay saameeyeen fatahaaduhu, gaar ahaan haweenka iyo dhallaanka.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Colombus ayaa inta ay socotay munaasabaddu waxa ay iska ururiyeen lacag dhan $137,000 (boqol, soddon iyo toddoba kun oo doollar) oo si degdeg ah loo gaarsiin doono magaalooyinka Beledweyne, Bardaale, Baardheere iyo deegaannada kale ee ay fatahaaduhu saameeyeen.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasaaradda Caddaaladda iyo arrimaha Dastuurka oo soo dhowaysay Ansixinta Baarlaamaanka ee dhamaystirka Dastuurka

Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa si weyn u soo dhaweysay ansixinta rasmiga ah ee…

March 4, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Muqdisho(SONNA):-Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta, una qaabilsanaa degmada Baardheere falalka amni-darrada iyo curyaaminta dhaqaalaha shacabka.…

GudahaWararka
January 10, 2026

Farriinta Madaxweynaha ee ku aadan xuska ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed

Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa manta soo saaray qoraal la xiriira xuska sanadguurada 61-aad ee ka…

Gudaha
April 12, 2021

Xasan Sh.”Waxaan diyaar u nahay tallaabo kasta haddii Itoobiya damacdo dhulkeenna” (WARBIXIN)

Wali waxaa taagan xiisaddi ka dhalatay Isfaham ku sheegii dhex maray 1-dii Janaayo ee sanadkan Raiisul-wasaraha Itoobiya iyo Muuse Biixi,…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
September 30, 2024

Duqa Muqdisho iyo safiirka Jabuuti oo ka wada hadlay horumarinta bilicda caasimadda

Muqdisho.(SONNA):- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyada…

GudahaWararka
December 18, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023