Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖asaaraha XFS 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐬𝐫𝐚𝐱𝐚 𝐏𝐫𝐨𝐟. 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐢𝐢𝐟 𝐒𝐚𝐚𝐥𝐚𝐱 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐔𝐦𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚
    December 14, 2025
    Madaxweynaha JFS oo qaatay Kaarka codbixinta ee Doorashada Golaha Deegaanka
    December 13, 2025
    Arday aan gelin Imtixaanka Dowladda ee 2015 -2016 oo loo ogolaaday in la siiyo Shahaaddada
    December 13, 2025
    RW Xamsa Cabdi Barre oo Wasiirro cusub magacaabay
    December 13, 2025
    Wasiirka Difaaca XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Capt. Antonino Mazzocca
    December 13, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiir Maareeye”DFS waxaa ka go’an ilaalinta badqabka Saxafiga iyo Saxaafadda Soomaaliyeed”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Wasiir Maareeye”DFS waxaa ka go’an ilaalinta badqabka Saxafiga iyo Saxaafadda Soomaaliyeed”
Wararka

Wasiir Maareeye”DFS waxaa ka go’an ilaalinta badqabka Saxafiga iyo Saxaafadda Soomaaliyeed”

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 2, 2019
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA) Wasiirka  Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska Xukuumadda Federaal Soomaaliya mudane Max’ed Cabdi Xayir Maareeye oo maanta Xafiiskiisa ku qabtay Shir Jaraa’id uu kaga hadalayay qiimaha ay leedahay Maalinta 2da November  oo caalamku u asteeyay  maalinta Caalamiga ah ee Joojinta Xukun-Ku-Qaadis La’aanta Dambiyada laga galo Saxafiyiinta oo sanad walba 2 November Laga xuso Adduunka oo dhan  ayaa sheegay in siyaasadda dowladda Soomaaliya ay tahay in la cirib tiro ku xadgudubka wariyaha iyo dhamaan dambiyada kale ka dhanka ah warbaahita xorta ah.

“2da November 2019 waxay ku beegen tahay maalinta  adduun waynaha  iyo bahda warbaahinta,ururadoodu ay ku qiimeeyaan qaabka dowladuhu uga hortagaan ama ula xisaabtamaan  xadgudubka iyo  dambiyada laga galo wariyaha iyo warbaahinta xorta ah, inkastoo dalkeenna  Soomaaliya weli yahay  wadan dhib ka soo  gaaro  wariyaha ama kasoo gaari karo maadama ay ka howlgasho argagixisada caalamiga ah,dhinaca kalena aan weli adkayn hirgalinta amarka iyo kala dambaynta dalka  maadama dalkeennu  yahay  wadan kasoo kabanaya burbur dowladnimo, xukunkuna  aan weli si baahsan oo siman dalka oo dhan iskugu  xirnayn”. Ayuu yiri wasiirka warfafinta oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id.

Wuxuu soo hadal qaaday in la sameeyey shuruucdii la xiriirtay xaqijinta arrimahaasi badqabka saxafiga iyo saxaafadda Soomaaliyeed.

”waxaanu sameeynay dhamaan shuruucdii hay’adihii iyo xeerarkaasi  xaqiijin lahaa, hadafkaas iyo siyaasadda dowladda Soomaaliya ee ciribtirka la xisaabtan la’aanta xadguubyada Wariyayaasha iyo Warbaahintaba”. Ayuu yiri wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata  ayaa “yiri Annagoo kaashanayna ururada ay ku midaysan yihiin Wariyeyaasha Soomaaliyeed iyo warbaahinta xorta ah, ururada bulshada rayidka ah ee dalka,waxaanu dhisnay guddi Qaran ee badqabka wariyaha (National Coordination Committee for safety of Somali Journalists), Soomaaliyana waxay noqotay wadankii ugu horeeyay ee bariga Afrika ee guddigaasi dhisa”.

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayuu sheegay wasiirku in ay xiriir dhow oo wada Shaqayn ah  la leedahay wariyeyaasha Soomaaliyeed iyo ururadooda,isagoo intaasi ku daray in sidoo kale ay wasaaraddu xoojinayso xiriirka iyo wada shaqaynta  ka dhexeysa Hay’adaha dowladda sida Booliiska, garsoorka,ururada Suxufiyiinta iyo wariyeyaasha,ayna diyaar u tahay inay hoggaamiso dadaalka Soomaaliya looga cirib tirayo ku xadgudubka wariyayaasha.

Ugu dambayntii wasiiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ugu hambalyeeyay  wasaaradda iyo howlwadeennadeeda  howsha ay qabteen iyo ururada suxufiyiinta oo ku guulaystay inay siyaasad ahaan ay hormuud u noqdaan Geeska Afrika , islamarkaana sameeyaan hab lagu ciribtiro xadgudubka Saxafiga iyo Saxaafadda, dhanka kale wasiirka ayaa  tacsi u diray eheladii iyo carrurtii ay ka tageen wariyeyaashii ku geeriyooday iyagoo shaqadoodi ku guda jiray.

“Samir iyo iimaan dhamaanteen Allaha naga siiyo, intii ku dhaawacantayna Allaha u booga dhayo sida Ismaaciil Sheekh Khaliifa iyo wariyeyaasha la midka ah,Waxaan ballan qaadaynaa dowlad ahaan in aan ciribtirno xadgudubka xaqdarrada ah  ee loo gaysan karo wariye Shaqadiisa ku guda jira”. Ayuu yiri wasiir Maareeye.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖asaaraha XFS 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐬𝐫𝐚𝐱𝐚 𝐏𝐫𝐨𝐟. 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐢𝐢𝐟 𝐒𝐚𝐚𝐥𝐚𝐱 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐔𝐦𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

Muqdisho,(SONNA):-  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Caawa ka qeyb…

December 14, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidamada Danab oo burburiyay saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Jubbada Hoose

Kismaayo(SONNA)--Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa burburiyay saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Jubbada Hoose. Faah faahinno dheeraad ah ayaa…

WararkaWargayska
March 23, 2020

Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka oo booqday ciidamadii ku dhaawacmay Qaraxii shalay

Muqdisho (SONNA): Ku simaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Saalax Axmed Jaamac oo ay weheliyaan xubno…

GudahaWararka
July 25, 2023

Dowlad Goboleedka Galmudug oo soo dhameystirtay xubnaha guddiga doorashada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa soo gudbiyay liiska xubnaha laga bedelay guddigii doorashada ee…

Gudaha
June 17, 2021

Dowladda Suuriya oo u digay Kooxaha taabacsan Bishaar Al-Asad

wakaaladda wararka ee Stept ee fadhigeedu yahay dalka Suuriya ayaa ku warrantay in ciidammada dowladda ay dileen ku dhawaad ​​70…

Caalamka
March 7, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023