Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidamada Xoogga Dalka howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta
    June 7, 2025
    Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka
    June 7, 2025
    Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Khawaarijta waan dabar jaraynaa
    June 7, 2025
    Ciidanka daraawiishta Puntland oo burburiyey Talisyo khawaarijtu ku lahayd Togga Baallade
    June 6, 2025
    Guddoomiyaha aqalka sare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay
    June 6, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
    Trump oo xannibay awoodda Jaamacadda Harvard ee diiwaangelinta ardayda caalamka
    May 23, 2025
    Shaqaale ka tirsan Safaaradda Israel oo Washington lagu dilay
    May 22, 2025
    Hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe
    May 20, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
    “Janno Aakhira iyo Jiritaan Xornimo u Jahaad gala”
    May 21, 2025
    Xuska 15-ka May ee Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed
    May 15, 2025
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Ciyaartoyda u sharraxan abaal-marinta xiddiga bisha October ee horyaalka Premier League oo la shaaciyey…. (Kooxaha waaweyn oo labo ku leh)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Caalamka > Ciyaartoyda u sharraxan abaal-marinta xiddiga bisha October ee horyaalka Premier League oo la shaaciyey…. (Kooxaha waaweyn oo labo ku leh)
CaalamkaCiyaaraha

Ciyaartoyda u sharraxan abaal-marinta xiddiga bisha October ee horyaalka Premier League oo la shaaciyey…. (Kooxaha waaweyn oo labo ku leh)

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 1, 2019
2 Min Read
Share

England(SONNA)-Waxaa la shaaciyey ciyaartoyda u sharraxan abaal-marinta xiddiga bishii October ugu fiicnaa horyaalka Premier League, waxaana ku tartamaya lix ciyaaryahan oo wacdaro ka dhigay horyaalka bishii la soo dhaafay.

Ilkay Gundogan, Willian, Jamie Vardy, ayaa ka mid ah musharixiinta abaalmarinta Premier League ee billaha ah ee bisha October.

Kabtanka Aston Villa ee Jack Grealish ayaa qeyb ka ah musharraxiinta abaal-marinta laacibka bisha, wuxuu kaalin muhiim ah ka qaatay laba guulood ay kooxdiisa gaartay bishii lasoo dhaafay, waxay 5-1 kaga badiyeen Norwich City, wuxuuna dhaliyay gool, halka sidoo kale uu gool caawiyay kulankii ay 2-1 kaga badiyeen Brighton & Hove Albion.

Xiddiga xulka qaranka Germany iyo kooxda Manchester City ee Ilkay Gundogan ayaa qeyb ka ah liiskan musharaxiintan kaasoo bishii hore si cajiib ah ugu ciyaaray khadka dhexe kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League, isagoo 94% baasaskii uu sameeyay ay noqdeen kuwa sax ah saddexdii kulan uu ciyaaray, wuxuuna sidoo kale dhaliyay gool ciyaartii ay 3-0 kaga adkaadeen Aston Villa.

Goolhayaha kooxda Sheffield United ee Dean Henderson ayaa ilaashaday shabaqiisa labo kulan, waxaana ka mid ah kulankii ay 1-0 kaga adkaadeen Arsenal, wuxuuna sameeyay siddeed badbaadin, xilli Sheffield United aysan wax guuldaro ah la kulmin bishii October.

Xiddiga khadka dhexe ee reer Belguin iyo kooxda Leicester City ee Youri Tielemans ayaa wuxuu dhaliyay gool cajiib ah kulankii ay wajaheen naadiga Burnley, wuxuuna sidoo kale dhaliyay gool isla markaana sameeyay caawin kulankii Leicester City ay 9-0 kaga badisay Southampton.

Jamie Vardy ayaa sidoo kale shabaqa soo taabtay kulankii Burnley wuxuuna seddexleey ku soo dhaliyay garoonka St Mary ee kooxda Southampton, wuxuuna hoggaaminayaa tartanka gooldhalinta ee horyaalka Premier League, isagoo ilaa iyo haatan dhaliyay 9 gool.

Xiddiga reer Brazil ee Willian ayaa ciyaaray kaliya 20 daqiiqo oo ka mid ah saddex guul oo ay Chelsea gaartay bishii October, wuxuu caawiyay gool kulankii Southampton, ka hor inta uusan hal gool dhalinin isla kulankaas, sidoo kale wuxuu gool ka dhaliyay kulankii Burnley.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ciidamada Xoogga Dalka howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Muqdisho,(SONNA):- Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si…

June 7, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Caalamka oo u dabaaldegaya xuska maalinta Qaxootiga Dunida ee 20-ka June

Dalalka caalamka ee hoostaga daladda Qaramada Midoobay ayaa maanta u dabbaaldegaya xuska sanadguurada 73-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii munaasabadda…

Caalamka
June 20, 2024

Askar ku dhimatay diyaarad ku burburtay Kenya

Tiro badan oo askar ah ayaa laga cabsi qabaa in ay ku dhimatay shil diyaarad oo saaaka ka dhacay degmada…

Caalamka
June 24, 2021

Ciraaq:In ka badan boqol ruux oo ku dhintay xaflad aroos

Ugu yaraan 100 qof ayaa ku dhintay in ka badan 150 kalena waa ay ku dhaawacmeen dab ka kacay xaflad…

Caalamka
September 27, 2023

Maraykanka oo ciidan la dagaallama Al-shabaab usoo diraya Kenya

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in ciidamo gaar ah uu u dirayo Kenya si ay gacan uga…

CaalamkaWararkaWargayska
June 13, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023