Yurub(SONNA)-Isku aadka wareegga siddeed dhammaadka koobka Carabao Cup ayaa waxaa isugu soo haray siddeed kooxood kaddib markii ay xalay kulammadii 16-la la dheelay.
Saddex ka mid ah kooxaha magaca weyn kulan horyaalka Premier League ayaa u soo gudbay wareeggan, waa Man City, Man United iyo Liverpool, halka labada kale ee Chelsea iyo Arsenal laga ciribtiray xalay tartankan.
Man United ayaa xalay Chelsea tartankan kaga soo reebtay galbeedka Magaalada London oo ay ku booqatay xilli labo gool uu dhaliyey daโyarka Red Devils ee Marcus Rashford.
Kooxda uu hoggaamiyo macallin Lampard ayaa la timid kulankan hal gool, laakiin taasi guuldarro kama aysan badbaadin, waxaana kulankii ka dhacay Stamford Bridge Blues lagu reebay 2-1.
Dhinadca kale Liverpool ayaa xalay guul ay u dagaalantay ka gaartay Arsenal oo marti u ahayd kulan la iska dhaliyey labada dhinac 10 gool, waxaana markii dambe ay Reds ku soo baxday rigooreyaal 5-4.
Sidoo kale kooxaha Everton, Aston Villa iyo Leicester City ayaa ka mid ah kooxaha ka ciyaara horyaalka ee u soo baxay heerka siddeed dhammaadka tartankan.
Goormee ayaa la qaban doonaa isku aadka wareegga siddeed dhammaadka ee Carabao Cup?
Waxaa isku aadka Carabao Cup la qaban doonaa oo siddeedaan kooxood isku aaddin doonaa marka ay saacadda UK tahay 8:45 subaxnnimo oo ku beegay 11:45 barqannimo saacadda geeska Afrika.
Isku aadkan Carabao Cup sameyntiisa waxaa ka qeyb qaadan doona David James oo horay ugu so dheelay kooxo badan oo ka dhisan gudaha dalka Ingiriiska.
Magacyada siddeedda kooxood ee isugu soo haray Carabao Cup kuwaasoo isku aaddka loo sameyn doono:-
Everton, Aston Villa, Manchester City, Leicester City, Colchester United, Manchester United, Oxford United iyo Liverpool.