Turin(SONNA)-Tababare Maurizio Sarri ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay liiska xiddigaha kooxda Juventus uu ku wajihi doono kulanka ay caawa kula ciyaari doonaan naadiga Genoa horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga.
Xiddiga reer Brazil ee Douglas Costa ayaa liiskan dib ugu soo laabtay sababa la xiriira dhaawac uu kaga maqnaa kooxda Juventus, si la mid ah xiddiga reer Weles ee Aaron Ramsey ayaa isna liiskan ku soo baxay, si ay qeyb kaga noqdaan kulanka horyaalka Serie A ay caawa kula ciyaari doonaan kooxda Genoa.
Laakiin warka ugu xun ayaa wuxuu yahay in liiska xiddigaha kooxda Juventus ee uu ku dhawaaqay tababare Maurizio Sarri uusan ku soo bixin xiddiga reer Bosnia ee Miralem Pjanić.