Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Jaamacadda Dowladaha Carabta oo soo dhaweeyay ansixinta Dastuurka Soomaaliya iyo dhaqan-galintiisa.
    March 12, 2026
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Guddiga Qabanqaabada Doorashada Galmudug oo hogaan Iska dhex doortay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Guddiga Qabanqaabada Doorashada Galmudug oo hogaan Iska dhex doortay
Wararka

Guddiga Qabanqaabada Doorashada Galmudug oo hogaan Iska dhex doortay

By Sonna Whiteka
Last updated: October 25, 2019
3 Min Read
Share

Dhuusamareeb (SONNA) – Guddiga qaban qaabada doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta kulan ay yeeshaan iska dhex doortay Guddoomiye iyo guddoomiye ku-xigeen, si ay u gutaan waajibaadka loo igmaday, kaasi oo lagu qabtay magaalada Dhuusarameeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ahna xarunta dowlad Goboleedka Galmudug.

Mudane Cabdinaasir Geelle ayay guddiga u doorteen in uu noqdo guddoomiyaha Gudigga Qaban qaabada doorashada Galmudug halka Guddoomiye ku-xigeen loo doortay Mudane Axmed Maxamed Caafi, kuwaasi oo ahaa xubno ka tirsan Guddiga doorashada Galmudug.

Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cabdinaasir Geelle ayaa mahadcelin kaddib waxa uu shaaca ka qaaday inay sii dar dargelin doonaan hannaanka doorashada Galmudug.

“Waxaa noo yaalo howl culus dhamaanteen, team ahaan iyo qof qof ahaan, howshaas culusna waxa ay tahay, waa howl aan hal qof qaban karin labo qofna qaban karin saddex qofna aysan qaban karin, bulshada reer Galmudug iyo Ummadda Soomaaliyeed waxa ay naga sugayaan inaan howshaas naloo igmaday ka soo dhalaalno, Ilaah waxaan ka baryaynaa in uu ceebteena ku asturo, inaan Ummaddaas wixii naloogu dhiibay aan siday ahayd uga soo dhallaalno, inaan u caddaalad sameyno, inaan u soo saarno ugana shaqeyno wax dhamaantood ay dhihi karaan wey na matalaan, wey noo qalmaan, waa nagu haboonyihiin, intaas ayaan Illaahey ka baryaynaa” ayuu yiri Guddoomiye Cabdinaasir oo hadalkiisa ku daray “Waxaan u sheegeynaa Ummadda reer Galmudug iyo shacabka Soomaaliyeed labadaba in maanta wixii ka dambeeya howshii naloo idmaday ee ahayd farsamada Maamul u sameynta Galmudug aan halkaasi ka sii wadi doono, lana wadaagi doono xiliyada soo dhaw qorshe howleedkeena aan damacsannahay inaan sameyno.

Mudane Axmed Maxamed Caafi oo isna ah guddoomiye ku-xigeenka Guddiga qaban qaabada doorashada Galmudug ayaa tilmaamay  in xubnaha kale ay iska kaashan doonaan sidii ay u sii wadi lahaayeen howlaha loo igmaday.

“Waxaan amaan iyo bogaadin u jeedinayaa Guddiga farsamada Maamul u dhisidda dowlad Goboleedka Galmudug oo maanta si habsami leh u bilaabay isku daba-ridka arrimahiisa gudaha, waxaan u mahadcelinayaa inay noo doorteen hogaanka guddiga, waxaana naga go’an annagoo kaashaneyna xubnaha guddiga oo dhan inaan dadka iyo deegaanka Reer Galmudug u horseedno hannaan wanaagsan oo ay ku dhexlaan dowladnimo iyo horumar”. ayuu yiri Axmed Maxamed.

Guddiga ayaa maalmaha soo socda waxa ay si rasmi ah u bilaabi doono howlaha farsamo ee doorashada Galmudug, iyadoo hannaanka doorashada ay ugu horeyso soo xulidda Xildhibaannada oo hogaan yeelan doona halka ay xigi doonto doorashada Madaxweynaha.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Jaamacadda Dowladaha Carabta oo soo dhaweeyay ansixinta Dastuurka Soomaaliya iyo dhaqan-galintiisa.

Muqdisho-SONNA-Mudane Axmed Aboul Gheit, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Dowladaha Carabta, ayaa soo dhaweeyay ansixinta ugu…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Qarax dad ay ku dhaawacmeen oo ka dhacay Boqortooyada Sacuudiga

Muqdisho (SONNA)- Afar qof ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga Dadka dhaawacmay waxaa ku jira…

Wararka
November 11, 2020

MW Xasan Sheekh oo gabagabeeyay booqashadii uu ku joogay dalka Tansaniya ayaa soo booqday Jasiirrada Sinsibaar

MUQDISHO-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo gaba-gabaynayey booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku jooga dalka Tansaniya…

GudahaWararka
April 28, 2024

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Dooxa kula kulmay Dhiggiisa Qatar

Dooxa,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige oo ku sugan dalka Qatar ayaa kulan gaar ah…

GudahaWararka
September 7, 2023

Maxkamadda Ciidamada oo fulisay xukun dil ah oo lagu riday xubno Khawaarij ah

Muqdisho (SONNA) – Xukun dil ah ayaa saaka lagu fuliyey Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud “Salmaan” iyo Aadan Mursal Maxamed Iidoow,…

GudahaWararka
August 25, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023