Muqdisho (SONNA)-Mudada uu shirku socdo ayaa agaasimayaasha guud waxa ay ka hadlayaan qorshaha horumarinta qaranka (2020-2024), hiigsiga guud ee qaranka, gaaridda himilooyinka ummadda Soomaaliyeed iyadoo mudada uu socdo lagu qiimeeynayo halka ay mareyso shaqada dowladdu iyo wixii ka qabsoomay qorshihii loo dejiyay wasaaradaha iyo tubaha Qaranka.
Su’aal jeedinta 4-aad iyo 5-aad ee kusaabsan waxyaabaha u qabsoomay Dowladda, Qorshayaasha la doonayo in la fuliyo, horumarka la sameeyay nidaamka dayn Cafinta iyo qodobo kale oo dhammaan la doonayo in Dowladdu fuliso.
Shirkaan ayaa noociisa kii ugu horeeyay ay kulmaan Agaasimayaasha dowladda waxaana Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud XF Soomaaliya Axmed Maxamed Imaan oo ka hadlay madasha shirka uu sheegay inuu yahay fursad ay isku dhaafsadaan Xogaha.
Dr. Axmednuur Maxamed Cabdi Xoghayaha Joogta Xafiiska R/Wasaaraha oo soo qaban qaabiyay ayaa sheegay in shirkaan uu ku tiirsan yahay qaabka loo mideyn lahaa shaqada Dowladda oo loo qabto sidii loogu talo galay.
Wasiirka Maaliyadda XF Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Agaasimayaasha ay lafdhabar u yihiin shaqada Dowladda.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XF Soomaaliya Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa sheegay in dib u habeyn lagu sameynayo Shaqaalaha Dowladda taasi oo meesha ka saareysa inaan shaqada loo qaban sidii loogu talo galay.
Shirkaan Maalinta beri waxaa ka qeyb-galidoona Agaasimayaasha Guud ee Dowlad goboleedyada Maalinta sabtida ah uu beegan 26-ka bishaan waxaa noqon doonaa Shir guud ee u dhaxeeya Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada iyadoo ay soo xiridoonaan Madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.