Muqdisho-(SONNA)- Guddoonka Golaha Shacabka ayaa shaaciyey in Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka uu furmi doono maalinta Arbacada ah ee soo socota oo ay Taariikhda ku beegan tahay 9ka bishaan October 2019.
Qoraal uusoo saaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiisay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa lagu faray xildhibaannada inay dag dag dalka ugu soo laabtaan.