Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Jaamacadda Carabta oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka Soomaaliya iyo dhaqan-galintiisa.
    March 12, 2026
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Turkiga oo ballanqaaday inuu gacan ka gaysanayo soo noolaynta adeegga Boostada Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Turkiga oo ballanqaaday inuu gacan ka gaysanayo soo noolaynta adeegga Boostada Soomaaliya
Wararka

Turkiga oo ballanqaaday inuu gacan ka gaysanayo soo noolaynta adeegga Boostada Soomaaliya

By Aadan Sooyaal
Last updated: September 28, 2019
3 Min Read
Share

Geneva-(SONNA)-September 28, 2019) Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa si rasmi ah uga codsaday Boostada Turkiga inay gacan ka geystaan sidii loo soo nooleyn lahaa boostada dalkeena oo gabi ahaanba ku burburtay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Wasiirka oo magaalada Geneva ee dalka Switzerland kula kulmay guddoomiyaha golaha maamulka ee Midowga Boostada Adduunka (UPU), ahna Guddoomiyaha Boostada Turkiga, Md. Kenan Bozgeyik, ayaa ugu horreyn uga mahadceliyay dawladda iyo shacabka Turkiga taageerada hiil iyo hooba leh ay la garab taagan yihiin Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed tan iyo markii 2011-kii uu dalkeena yimid Madaxweynaha xilligan ee dalkaas, Md Rajab Dayib Erdogan.

Wasiirka ayaa sheegay in waaya-aragnimada iyo kalsoonida ay Shacabka Soomaaliyeed ku qabaan waxqabadka ay ku dhiirrigelisay inay codsigaas u soo gudbiyaan, isagoo intaasi ku daray inuu rajeynayo in Boostada Turkigu wax kala qabato sidii loo soo nooleyn lahaa adeeggaas oo muhiim u ah dhaqaalaha dalka, gaar ahaan waxyaabaha dalka ka dhoofaya.

Guddoomiyaha Boostada Turkiga ayaa ballanqaaday inay Soomaaliya kala shaqeyn doonaan sidii loo dhisi lahaa boosto casri ah, oo ka faa’iideysata waaya-aragnimada iyo xiriirka Diyaaradda Turkigu ay la leedahay adduunka. Si looga mira-dhaliyo arrimahan waxay labada wafdi magacaabeen guddi farsamo oo ka soo shaqeeya sidii iskaashi buuxa uu u dhexmari lahaa labada boosto.

“Waan ku guuleysanay inaan ku soo noqono masraxa UPU oo nalaga qaado cuna-qabateynta, isla markaana aan codeyno markii ugu horreysay burburka ka dib. Laakiin in boostada dibedda loo diro waa hawl aad iyo aad u culus oo u baahan qalab, aqoon iyo isku-xirka adduunka, kuwaas oo aan looga maarmin walaalaha Turkidu inay naga caawiyaan,” ayuu yiri Wasiir Cashuur oo intaasi ku daray in ay xoogga saarayaan sidii adeeggan loo soo celin lahaa.

“Isgaarsiinta ka dib boostadu waxay noo tahay mudnaanta 2aad, waayo waa fududeeyaha ganacsiga internet-ka (ecommerce), fududeynta adeegyada maaliyadda iyo in dadweynaha loo soo dhoweeyo adeegyada dawladda (egovernment). Waxaan dooneynaa inaan dhisno boosto casri ah oo adduunka kala qabsata meesha uu haatan marayo,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Jaamacadda Carabta oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka Soomaaliya iyo dhaqan-galintiisa.

Muqdisho-SONNA-Mudane Axmed Aboul Gheit, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, ayaa soo dhaweeyay ansixinta ugu dambeysa…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddiga gurmadka abaaraha oo shaaciyay in ay heleen baaqyo caalami ah oo ku aadan wax u qabashada dadka la ildaran abaaraha

Guddiga gurmadka abaaraha ee xukuumadda Soomaaliya u xil saartay ka jawaabista xaaladaha abaaraha ayaa sheegay in ay heleen jawaabo wax…

Wararka
March 14, 2021

Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Danjiraha Midowga Yurub u fadhida Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Danjiraha Midowga Yurub u…

GudahaWararka
June 20, 2024

Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeeyay geeridii Xildhibaan Jamhuuriya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku xigeennadiisa, guddoomitaha golaha Aqalka Sare iyo ku-xigeenadiisa raiisul wasaaraha Dalka…

Wararka
April 18, 2020

Wasaaradda Awqaafta Soomaaliya oo sheegtay in ay dib usoo nooleynayso Masaajidda Taariikigiga ah ee Dalka+Sawirro

Muqdisho-(SONNA)-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya, Cismaan Aadan Dhuuboow ayaa sheegay in Wasaaraddiisu ay xoogga ay saareyso…

Wararka
December 25, 2019

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023