Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Shacabka Soomaaliya, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Caddaaladda, xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka , xildhibaanno ka tirsan Labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, Taliyeyaal Ciidan, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida, xubno ka socday maamulka Gobolka Banaadir iyo ganacsato, ayaa Xalay ka qeyb galay munaasabad lagu daah-furayay Wakaaladda horumarinta dhismaha Soomaaliyeed.
Maareeyaha Wakaaladda horumarinta dhismaha Soomaaliyeed, S/Guud; Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa sheegay in la hiigsanayo qorshayaal lagu dhisayo xarumaha Ciidanka iyo waddooyinka Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane; Maxamed Cabdi ย Xayir (Maareeye) ayaa sheegay in ay Dowladdu dhismooyin ka waddo Dalka, taasi oo qeyb ka ah aragtida madaxda Dalka.
Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya Mudane; Xasan Xuseen Xaaji, ayaa sheegay in Wakaaladdu ay faaโiidoย weyn u tahay xarrumahaย hayโadaha kala duwan ee ย ย Dowladda.
Gudoomiye ku Xigeenka -aad ee golaha Shacabka Soomaaliya Mudane; Cabiweli Sheekh Ibraahim Muuddeey ayaaย geba-gebadii daah-furayay dib u howl-gelinta Wakaaladda horumarinta dhismaha Soomaaliyeed oo ku bur-burtay dagaalladii sokeeyee ee Dalka ka dhacay.
Wuxuuna sheegay in uu Dalka uu u baahan yahay dib u dhis xooggan iyo in lagu soo kordhiyo dhismooyin cusub oo la jaan-qaada waqtigan casriga ah.