Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Shirka Amniga koonfur-galbeed oo looga hadlay xoojinta Amniga
    September 6, 2025
    Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarunta dambi baarista
    September 6, 2025
    Dr Xabeeb iyo wafdi dhakhaatiir ah oo gaaray degmada Cadaado
    September 6, 2025
    NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah
    September 6, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    September 5, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Warbixin: Hay’adda Lacagta Adduunka oo sheegtay in Soomaaliya ay ka gudubtay qeybta 1-aad ee wejiga 4-aad ee Barnaamijka deyn cafinta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Warbixin: Hay’adda Lacagta Adduunka oo sheegtay in Soomaaliya ay ka gudubtay qeybta 1-aad ee wejiga 4-aad ee Barnaamijka deyn cafinta
Wararka

Warbixin: Hay’adda Lacagta Adduunka oo sheegtay in Soomaaliya ay ka gudubtay qeybta 1-aad ee wejiga 4-aad ee Barnaamijka deyn cafinta

By Aadan Sooyaal
Last updated: September 19, 2019
5 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Warbixin ay hay’adda Lacagta Adduunka ka soo saartay wada hadalka deyn cafinta Soomaaliya ayay ku sheegtay in mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo Hey’adda Lacagtu ay isla garteen dhameystirka qeybta koowaad ee wajiga Afaraad ee wada hadalka deyn cafinta  (SMP4).

“Mas’uuliyiinta Soomaaliya waxa ay sii wadeen  go’aankooda horumrinta dhaqaalaha iyo dib u habeynta hey’adaha maaliyadda waana tallaabo taageeraysa qanaacada ka gudbida shuruudaha horyaalla Barnaamijka dabagalka deyn cafinta”  ayaa lagu yiri Warbixinta IMF.

Kooxda Wadahadalka dayn cafinta oo ay hogaaminaysa Allison Holland  waxay Addis Ababa Itoobiya kula kulmeen 10 kii ilaa 13 kii Semtember  masuuliyinta Soomaaliya si looga wada hadlo qeybta koowaad ee wajiga afaraad ee daynta cafinta oo ku jireen kor u qaadista dakhliga dalka, xoojinta maamulka maaliyadda, sugidda degganaashaha dhaqaalaha iyo xoojinta shuruucda oo ay ku jiraan ka hortagidda dhaqidda Lacagaha iyo maalgelinta Argagaxisada

Dhammaadka booqashada Allison Holland hoggaanka wada hadalka deynta cafinta IMF waxay tiri

“Dooddii mira dhalka ahayd ee ay wada yeesheen mas’uuliyiinta IMF iyo Soomaaliya waxay heshiis ku gaareen in la dhameystiro qeybta Koowaad ee wajiga Afaraad ee barnaamija dabagalka deynta, waxaana heshiisku sugayaa ansixinta maamulka hay’adda Lacaga Adduunka “

“Kobaca dhaqaalaha waa mid deggen  2.9 Boqolkiiba 2019 sicirka Suuqase kor ayuu u kacay si ku meel gaar ah illaa 4.0 Boqolkiiba, waxaana sabab u ah qiimaha sarreeya ee Cunnada oo ay keeneen Roob yaridii dhacday horraantii Sanadkan, adkaashaha xaaladaha ammaanka iyo isbeddalka cimmilada” ayay tiri IMF.

“Hay’adda Lacagta Adduunka waxay soo dhoweynaysaa sida mas’uuliyiinta Soomaaliya ay uga go’an tahay fulinta dib u habeyntii shuruudihii loo qaabeeyay qeybta koowaad, dib u habeyntaasi waxa cabirkeedu ahaa gaariska hadafyada wajiga Afaraad waana la wajahay, inkastoo weli ay qataro jiraan haddana waxaa la sameeyay horumar kuwaas oo u gogol xaaraya ka guul gaaridda qeybta Labaad ee wajiga Afaraad”

“Hannaanka maamulka maaliyadda waxa uu ku joogaa waddadii la rabay, uruurinta dakhliga billowgii Sanadkan illaa July 2019 waxaa uu ka sara maray intii la filayay, kooxda IMF waxay soo dhoweysay nidaamka cusub ee Lacagaha moobaylka la isugu diro kaas oo muhiim u ahaa barnaajikan iyo degganaashaha dhaqaalaha “

“waxaan ku faraxsannahay go’aanka wadajirka ah ee wasiirrada maaliyadda Dowlad Goblleedyada iyo wasiirka maaliyadda ee Dowladda federaalka si loo hubiyo ka guul gaaridda Barnaamijka  deyn dhaafka  iyo in meel la iska dhigo kala duwanaanta siyaasadda.

Hay’adda Lacagta Adduunku waxay dhiirri galinaysaa joogteynta wada shaqeynta Dowladda federaalka iyo maamul Goboleedyada si loo wajaho qataraha ku hor gudban barnaamijkan”

“Mas’uuliyiinta waxa looga baahan yahay adkeynta go’aankooda ka guul gaaridda wejiga Afaraad si loo gaaro  shirweynaha go’aan gaarista deyn cafinta, mas’uulyintu waxa kale oo ay wadajir uga shaqeeyeen qorshaha Sagaalaad ee horumarinta Qaranka oo ay ugu talagaleen in lagu  wajaho shuruudaha hal abuurka kama dambeysta ah ee deyn cafinta oo ay ku irto yaraynta faqriga oo la dhameystiray”

“Si loo gaaro hadafka hal abuurka kama dambeysta ee deynta cafinta sida ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan waxaa lagama maarmaan ah taageero xooggan oo Beesha caalamku ku bixiyaan si loo hubiyo in Soomaaliya gaartay halkii ay uga baahneeyeen hay’adaha dhaqaalaha Caalamka iyo deyn dhaafka”

“Inta lagu jiray booqashada wafdiga hay’adda Lacagta Adduunka matalayay waxay la kulmeen wasiirka maaliyadda Mudane; Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta iyo horumarinta Dhaqaalaha Jamaal Xasan, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo Guddiga maaliyadda Baarlamanka oo ay warbixin ka dhagaysteen.

Sidoo kale waxay la kulmeen qaar ka mid ah deeq bixiyayaasha iyo hay’adaha kale ee qeybta ka ah barnaamijka deyn cafnta”

“Kooxda Barnaamijka dabagalka deyn cafinta waxa ay  ku casuumeen Bangiga Adduunka, Midoowga Yurub iyo  wasiirrada maaliyadda ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda federaalka Soomaaliya, iyagoo yeeshay aqoon is-weydaarsi ku saabsanaa caqabadaha iyo  fursadaha horyaalla deyn dhaafka, kaasi oo dhacay 14-kii September.

Cabdishakuur Cali Axmed

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Shirka Amniga koonfur-galbeed oo looga hadlay xoojinta Amniga

Baydhabo(SONNA):-Madaxweynaha Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Koonfur-galbeed oo looga…

September 6, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maamulka gobolka Banaadir oo yeeshay kulan looga hadlayay amniga iyo waxyigelinta bulshada+Sawirro

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarunta Aqalka Dowladda hoose ee Xamar kulan…

GudahaWararkaWargayska
July 15, 2021

Horjooge Cismaan Maxamed Cabdi oo xaalad darran ku sugan

Jilib(SONNA):-Xaaladda caafimaad ee Horjoogihii dhowaan lagu dhaawacay degmada Jilib ayaa xog ay heshay Wakaaladda Wararka SONNA waxa ay sheegaysaa in…

GudahaWararka
May 25, 2023

Xildhibaan Xuseen Cali iyo Guddoomiyaha Gobolka Sh/ Hoose oo la kulmay ciidanka qaranka ee ku sugan Nambar Konton

Xildhibaan Xuseen Cali Xaaji oo ka tirsan golaha shacabka iyo guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Maxamed Barre ayaa maanta gaaray deegaanka…

Gudaha
May 17, 2024

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo waddo qorshe lagu horumarinayo mashaariicda dhallinyarada

Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay qaar ka mid ah…

GudahaWararka
March 1, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023