Muqdisho-(SONNA)-Wararka hordhaca ee aan helayno ayaa sheegaya in qarax miino uu ka dhacay deegaanka Gololleey ee u dhaxeeya magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka sh/dhexe.
Taliyaha Ciidamada Booliiska Hir/shabeelle XasanDhicisow xasan ayaa Sonna u xaqiijiyay in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen afar ruux oo ay ka mid yihiin madixii maaliyadda gobolka Shabeellaha dhexe C/llaahi Shitaawe,Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye Cusmaan iyo Xasan Baldoos oo la shaqeynayay mid ka mid ah hey’adaha samafalka ee ka howlgala Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ciidamada qaranka ayaa muddooyinkaan danbe waxay howgallo dardar leh oo looga ciribtirayo nabad-diidka ka wadeen wadada isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar, howlgalladaan qorshaysan ayaa la rajaynayaa in dhagarqabayaasha looga nadiifiyo, si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si nabadgalya ah ugu maraan wadadaasi.