94 muwaadin Soomaali ah oo Turkiga laga soo celinayo

La wadaag cid kale

Istanbul(SONNA)-94 qof oo muwaadiniin Soomaali ah ayaa maanta oo Khamiis ah waxa ay ka soo ambabaxeen magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, iyago oo soo guryo noqonaya.

Danjiraha Safaarada Soomaaliya ee dalka Turkiga, Jamaac Cabdullahi Maxamed ayaa u sheegay SONNA in dadkana ay soo raaceen Daallo Airlines, ayna gayn doonta magaalada Hargaysa ee Somaliland.

Safiirka ayaa uga mahad celiyey dhamaan dhinacyadii kaalinta ka qaatay in dadkaas laga soo daad-gureeyo Turkiga oo dhawr bilood ku xayirnaa sababa la xiriira cudurka saf-marka ah ee Covid-19.

Waxaan jiri doona dad kale oo iyagana la filayo in laga soo Istanbul 15-ka bishan sida Safiirka sheegay.

 

La wadaag cid kale