Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: 70 ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab oo lagu dilay Bariire
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > 70 ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab oo lagu dilay Bariire
GudahaMaqaalladaWararka

70 ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab oo lagu dilay Bariire

By Ruush Abdullahi
Last updated: August 6, 2025
4 Min Read
Share

Maalmihii la soo dhaafay waxay dagaallo adag ka socdeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose, waxayna Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Difaaca Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM, islamarkaana garab ka helayaan saaxiibada caalamka ayaa jab culus ku gaarsiiyay kooxda Khawaarijta Al-Shabaab magaalada istiraatiijiga ah ee Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose, kadib howlgal qorsheysan oo guul leh oo halkaasi ka dhacay.

Sida wararku sheegayaan Khawaarijta ayaa markaasi isku dayday in ay laba gaari oo Miineysan ku soo weeraraan ciidamada, si ay u fuliyaan weerar naf-halignimo ah. Balse Ciidanka ayaa si feejigan iyo geesinimo leh uga hortagay weerarkaasi, waxaana ay guuleysteen in ay si taxadar leh u burburiyaan labadaasi gaari ka hor intaysan waxyeello geysan.

Howlgalkan oo qeyb ka ah ololaha loogu magic daray “Duufaanta Aamusan”, ayaa si toos ah loogu beegsaday saldhigyo istiraatiiji ah oo ay kooxda Khawaarijta ku lahaayeen gudaha magaalada, waxaana lagu jebiyay difaacooda, intii uu socday howlgalka, in ka badan 70 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa halkaasi lagu dilay, wuxuuna howlgalkaasi socday muddo Afar maalmood ah, ugu dambeyntiina waxaa laga gaaray guulo muhiim ah, inkastoo ay ku shahiideen 2 Askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halka 12 kalena ay dhaawacyo fudud soo gaareen, kuwaas oo si degdeg ah loogu sameeyay daryeel caafimaad, sida lagu sheegay War-saxaafadeed ay dowladda Soomaaliya soo saartay.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay si gaar ah u bogaadineysaa geesinimada, feejignaanta, iyo naftu-hurnimada Ciidanka Xoogga Dalka, ciidamada Uganda, iyo taageerada joogtada ah ee saaxiibada caalamka. Wasaaraddu waxay mar kale adkeynaysaa go’aanka cad ee ah in dalka laga ciribtiro Khawaarijta meel kasta oo ay ku dhuumaaleysanayaan.

Hadalka Wasaaradda ayaa yimid maalmo kadib markii AUSSOM ay sheegtay in in ka badan 50 ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab lagu dilay howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo ka dhacay isla deegaanka.

Bariire waa magaalo-beereed istiraatiiji ah oo 73 kiiloomitir (45 mayl) koonfur-galbeed kaga beegan caasimadda Muqdisho, waxay kaloo ku fiican tahay dhaqashada Xoolaha, gaar ahaan Lo’da.

Dhinaca kale war ay soo saartay Hey’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ayay ku sheegtay in Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda ee NISA ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Cumar-Beere ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana howlgalka lagu dilay Shan xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, iyadoo la burburiyay fariisimo ay kooxdu halkaasi ka sameysatay, waxaana jirta in Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ay kor u qaaday howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta, isla markaana looga hortagayo dhagarta ay u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.

Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab oo in ka badan 16 sano soo waday dagaallo ka dhan ah dowladda Soomaaliya ayaa si joogto ah u beegsada ciidamada ammaanka, Saraakiisha dowladda iyo dadka rayidka ah.

Dhawaan ayay aheyd markii Ciidanka Xoogga Dalka uu ka fuliyay howlgal qorsheysan oo amni xaqiijin ah deegaannada Deegaanleey, Muryaale iyo Ceelka Waranle ee ku teedsan Webiga Shabeelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsan Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab oo si dhuumaaleysi ah ku soo galay deegaannadaasi, kuwaas oo ka dambeeyay falal isugu jira dhac, baad iyo cabsi gelin joogto ah oo lagu dhibaateynayay bulshada Rayidka ah.

Ciidanka ayaa ku guuleystay inay deegaannadaas ka sifeeyaan Maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee isku dayay inay ku dhuumaaleystaan qeybo ka mid ah gobolka, waxaana sidoo kale gacanta lagu soo dhigay shaqsiyaad lagu tuhunsan yahay in ay xiriir la lahaayeen kooxda, kuwaas oo hadda lagu hayo baaritaanno ku saabsan kaalintooda ku aaddan taageerada Khawaarijta.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Kulan looga hadlayay Isu-duwidda Maareynta Masiibooyinka oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho-(SONNA)-Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka SoDMA iyo UN Women ayaa magaalada Muqdisho ka furay kulan looga hadlayay Isu-duwidda Maareynta Masiibooyinka iyo…

GudahaWararka
October 7, 2025

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeybgalaya Shirka 4-aad ee Golaha Wadatashiga Qaranka

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeybgalaya Shirka 4-aad ee Golaha Wadatashiga…

GudahaWararka
December 26, 2022

Ciraaq:In ka badan boqol ruux oo ku dhintay xaflad aroos

Ugu yaraan 100 qof ayaa ku dhintay in ka badan 150 kalena waa ay ku dhaawacmeen dab ka kacay xaflad…

Caalamka
September 27, 2023

Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la yeeshay Xoghayaha Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Jarmalka

Berlin(SONNA):-Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Dan-Qaran, Sareeye Guud mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kulan doceed la yeeshay Dr.…

GudahaWararka
October 24, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023