Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Qaahira kaga qeyb galay Shirka labaad ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika
    December 19, 2025
    Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshadda iyo wacyigelinta gobolka Banaadir oo kormeeray ololaha nadaafada xeebta Liido
    December 19, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirada Kalluumaysiga iyo Dekedaha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Masโ€™uuliyiin Turki ah
    December 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: 70 ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab oo lagu dilay Bariire
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > 70 ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab oo lagu dilay Bariire
GudahaMaqaalladaWararka

70 ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab oo lagu dilay Bariire

By Ruush Abdullahi
Last updated: August 6, 2025
4 Min Read
Share

Maalmihii la soo dhaafay waxay dagaallo adag ka socdeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose, waxayna Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Difaaca Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM, islamarkaana garab ka helayaan saaxiibada caalamka ayaa jab culus ku gaarsiiyay kooxda Khawaarijta Al-Shabaab magaalada istiraatiijiga ah ee Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose, kadib howlgal qorsheysan oo guul leh oo halkaasi ka dhacay.

Sida wararku sheegayaan Khawaarijta ayaa markaasi isku dayday in ay laba gaari oo Miineysan ku soo weeraraan ciidamada, si ay u fuliyaan weerar naf-halignimo ah. Balse Ciidanka ayaa si feejigan iyo geesinimo leh uga hortagay weerarkaasi, waxaana ay guuleysteen in ay si taxadar leh u burburiyaan labadaasi gaari ka hor intaysan waxyeello geysan.

Howlgalkan oo qeyb ka ah ololaha loogu magic daray โ€œDuufaanta Aamusanโ€, ayaa si toos ah loogu beegsaday saldhigyo istiraatiiji ah oo ay kooxda Khawaarijta ku lahaayeen gudaha magaalada, waxaana lagu jebiyay difaacooda, intii uu socday howlgalka, in ka badan 70 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa halkaasi lagu dilay, wuxuuna howlgalkaasi socday muddo Afar maalmood ah, ugu dambeyntiina waxaa laga gaaray guulo muhiim ah, inkastoo ay ku shahiideen 2 Askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halka 12 kalena ay dhaawacyo fudud soo gaareen, kuwaas oo si degdeg ah loogu sameeyay daryeel caafimaad, sida lagu sheegay War-saxaafadeed ay dowladda Soomaaliya soo saartay.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay si gaar ah u bogaadineysaa geesinimada, feejignaanta, iyo naftu-hurnimada Ciidanka Xoogga Dalka, ciidamada Uganda, iyo taageerada joogtada ah ee saaxiibada caalamka. Wasaaraddu waxay mar kale adkeynaysaa goโ€™aanka cad ee ah in dalka laga ciribtiro Khawaarijta meel kasta oo ay ku dhuumaaleysanayaan.

Hadalka Wasaaradda ayaa yimid maalmo kadib markii AUSSOM ay sheegtay in in ka badan 50 ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab lagu dilay howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo ka dhacay isla deegaanka.

Bariire waa magaalo-beereed istiraatiiji ah oo 73 kiiloomitir (45 mayl) koonfur-galbeed kaga beegan caasimadda Muqdisho, waxay kaloo ku fiican tahay dhaqashada Xoolaha, gaar ahaan Loโ€™da.

Dhinaca kale war ay soo saartay Heyโ€™adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ayay ku sheegtay in Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan ee hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda ee NISA ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Cumar-Beere ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana howlgalka lagu dilay Shan xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, iyadoo la burburiyay fariisimo ay kooxdu halkaasi ka sameysatay, waxaana jirta in Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ay kor u qaaday howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta, isla markaana looga hortagayo dhagarta ay u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.

Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab oo in ka badan 16 sano soo waday dagaallo ka dhan ah dowladda Soomaaliya ayaa si joogto ah u beegsada ciidamada ammaanka, Saraakiisha dowladda iyo dadka rayidka ah.

Dhawaan ayay aheyd markii Ciidanka Xoogga Dalka uu ka fuliyay howlgal qorsheysan oo amni xaqiijin ah deegaannada Deegaanleey, Muryaale iyo Ceelka Waranle ee ku teedsan Webiga Shabeelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsan Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab oo si dhuumaaleysi ah ku soo galay deegaannadaasi, kuwaas oo ka dambeeyay falal isugu jira dhac, baad iyo cabsi gelin joogto ah oo lagu dhibaateynayay bulshada Rayidka ah.

Ciidanka ayaa ku guuleystay inay deegaannadaas ka sifeeyaan Maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee isku dayay inay ku dhuumaaleystaan qeybo ka mid ah gobolka, waxaana sidoo kale gacanta lagu soo dhigay shaqsiyaad lagu tuhunsan yahay in ay xiriir la lahaayeen kooxda, kuwaas oo hadda lagu hayo baaritaanno ku saabsan kaalintooda ku aaddan taageerada Khawaarijta.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya

Muqdisho(SONNA):- shirka Isbahaysiga Baarlamaanka Bariga Afrika ee Amniga Cuntada iyo Nafaqada oo maalmihii lasoo dhaafay…

December 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Warfaafinta oo tababar ku saabsan tabinta Doorashooyinka u furay suxufiyiin ka socda qeybaha Warbaahinta

Muqdisho(SONNA(:-Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qaban qaabisay Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta…

GudahaWararka
April 26, 2025

Sidee ayey Argagixisada Alshabaab Warbaahinta ugu adeegsadaan marin habaabinta Bulshada?

Muqdisho (SONNA)- Maleeshiyadda Argagixisada Alshabaab waxa ay xasuuq baโ€™an ku hayaan shacabka Soomaaliyeed. Guryaha Soomaaliyeed badankood waxaa gaaray xanuunka geerida…

Maqaallada
July 9, 2021

Danjire Warfaa oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirada Maraykanka iyo Boortaqiiska ee Ethiopia

Addis Ababa (SONNA):- Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa xafiiskiisa Safaaradda JFS ee Ethiopia ku qaabilay dhiggiisa…

GudahaWararka
December 13, 2023

ย Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeelle oo Agab Caafimaad lagu Wareejiyey.

Muqdisho (SONNA)-Wasaaradda Qorsheynta dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Wasaaradda Caafmaadka Hirshabeelle ku wareejisay agab caafmaad oo looga talagalay ka hortagga iyo…

Wararka
June 10, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023