Muqdisho(SONNA):-Ilaa iyo 61 xubnood oo katirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay howlgal qorshaysan oo ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen beerro ku yaala dulleedka deegaanka Xawaadlay ee gobalka Shabeellaha Dhexe sida uu warbaahinta u xaqiiyey wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala.
Howlgalkaan ayaa lagu beegsaday maleeshiyaadka Khawaarijta oo lagu qiyaasay tiradooda 150, kuwaas oo doonayay inay weeraraan ciidanka xoogga dalka iyo geesiyaasha deegaanka ee ku sugan Xawaadlay iyagoo sidoo kale goobta ku diyaariyey Gaadiid Qaraxyo ay ku xireen.
Laba gaari oo ahaa Homey iyo Noah oo ay ku xireen waxyaabaha Qarxaย kwaas oo ay qorshaynayeen inay soo galiyaan magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale lagu burburiyay howlgalka.
Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed waxay ka foojigan yihiin dhagar kasta oo shacabka kaga imaan karta Khawaarijta lagu jabiyay dagaaladii tooska ahaa oo ay la galeen Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha Shacabka Soomaaliyeed.