MUQDISHO-(SONNA)-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta furay aqoon iswaydaarsi ku saabsanaa hannaanka sharci samaynta ee sharci dejiyaasha Golaha Aqalka Sare oo ay soo qabanqaabiyeen Guddiga Haweenka Aqalka Sare.
Guddoomiyaha Guddiga Haweenka Aqalka Sare Sanatar Sareedo Maxamed Xasan (Jayte) ayaa guddoomisay aqoon-iswaydaarsi ku saabsan hannaanka sharci samaynta ee sharci dejiyaasha oo uu maanta furay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka mid ahaa waaya aragga kulanka lagu casuumay, ayaa maanta diiradda saaray doorka Aqalka Sare ee curinta sharciyada iyo Dastuurku sida uu qeexayo, iyada oo Saratarradu qodobadaas ay ka dhiibteen dood, aragti iyo falanqayn ay ku dul istaageen qodobadaas muhiimka ahaa.