Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Turkiga oo Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay Barnaamijka Tababarka Baarista Maaliyadda
    January 31, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 30, 2026
    Sarreeye Guuto Elio Manes oo si Rasmi ah u La Wareegay Taliska Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya
    January 30, 2026
    Soomaaliya iyo Hindiya oo Xoojinaya Xiriirka Laba-Geesoodka ah
    January 30, 2026
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Khatarta ka dhalan karta Hubka aan qarxin (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Khatarta ka dhalan karta Hubka aan qarxin (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Khatarta ka dhalan karta Hubka aan qarxin (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: June 13, 2023
6 Min Read
Share

Jimcihii la soo dhaafay ayaa waxaa dhacady dhacdo xanuun badan, iyadoo inta la xaqiijiyay 27 qof ay ku dhinteen qarax weyn, kaasi oo ka dhacay deegaanka Muraale, oo ku yaala inta u dhaxeyso Degmada Qoryooley iyo deegaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose, Dadka ku dhintay qaraxaasi oo u badan kuwo isu qoys ahaa ayaa isugu jira carruur iyo dad waaweyn, Carruurta ay dhalleen mid ka mida qoysaska deegaanka ayaa la sheegay in Aaladda qaraxda ay ka soo heleen dhulka miyiga, markii dambena ay dhanka gurigooda u soo qaadeen.

Cabdiraxmaan Yuusuf Cabdinuur (Alcadaala), Gudoomiyaha deegaanka Janaale oo Muraale ay hoostagto ayaa tirada dadka qaraxaasi ku dhintay ku sheegay 27 qof, halka tobanaan kalena ay ku dhaawacantay. 15 ka mid ah dadka dhaawacmay ayuu sheegay in la kala geeyay Degmada Qoryooley iyo deegaanka Shalambood, tiro kale oo dhaawacyo fudud qabana ay ku harayn deegaankaasi.

Inta badan haraadiga walxaha qarxa ayaa dhibaato ku haya dadka ku dhaqan goobaha ka baxsan magaalooyinka waaweyn, waxaana Dhacdadan ka dhacday Muraale ayaa noqoneyso, tii ugu dhimashada badneyd abid ee dalka laga soo wariyo, tan iyo markii ay burburtay Dowladdii Dhexe ee Militariga aheyd ee Soomaaliya.

โ€œDhacdaaan waxay ka dhacday meel u dhaxeysa Degmada Qoryooleey iyo Degaanka Jannaale waxaa la yiraa Tuuladaasi Muraale, waxayna aheyd maalin Jimca ah subaxii abaarihii 9:30, Carrurtuna waa ay cayaarayeen, marka sidaasi ayuu ku dhacay Qaraxaasi, waana Deegaan ay ka taliyaan Kooxda Al-shabaab, waxaana la sheegay in meesha ay waxyaabaha qarxa ku sameystaanโ€, sidaa waxaa yiri Odey kale oo kaย  soo jeeda Deegaanka.

Mar uu ka hadlaayay Xaaladda Waalidiintii dhashay Carruurtaasi ayuu yiri :-โ€œ Hooyo kaligeed waxaa ugu jirtay 4 Carruur ah oo ay dhashay, marka lama soo koobi karo murugada meesha ka jirtaโ€ , waxayna uga digeen inay iska ilaaliyaan shacabka Soomaaliyeed khatarta ay leeyihiin haraaga Hubka aan qarxin, islamarkaana lagu baarujiyo waxyeeladooda.

Dhinaca kale Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in haraadiga qaraxyada iyo miinooyinka ka dhashay colaadaha Soomaaliya ay wali saameyn xun ku hayaan badbaadada iyo amniga dadka Soomaaliyeed,ย โ€œHaraadiga qaraxyada iyo miinooyinka ka dhashay colaadaha Soomaaliya ka socday sannado badan ayaa wali saameyn xun ku haya badbaadada iyo amniga dadka Soomaaliyeed, waxayna carqaladaynayaan dadaallada horumarineed,โ€ ayuu yiri Ergeyga War-saxaafadeedka ay soo saartay Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay ย ayaa sheegay inay ka goโ€™an tahay in ay kala shaqeeyaan maamulada Soomaaliya iyo la-hawlgalayaashooda miino saarista, taasoo uu sheegay inay sahlayso dhismaha nabadda, biniโ€™aadantinimada, iyo dadaallada horumarinta dhaqan-dhaqaale ee bulshada Soomaaliya, sannadkii 2020, 501 qof oo rayid ah ayaa u geeriyooday waxyeelo ka oo gaartay walxaha qarxa iyo dagaalada. Sannadkii 2021-kii, tirada dhaawacyada ayaa korortay oo gaartay 669 dhaawac ah, sida uu sheegay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, balse haddi lagu diro dhacdadii xanuunka badneyd ee ka dhacday Muraale oo ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose waxay ka dhigeysaa 528 ruux ayaa ku dhintay.

Magaalooyinka Dhabad iyo Galdogob oo ka kala tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud, ayaa kamid ah magaalooyinka ay sida xun u sameeyeen haraadiga Qaraxyada, waxaana dadka halkaas ku nool ay cabsi darteed uga qaxeen guryahooda iyo beerahoodii, waxayna Hayโ€™adda miino barista Qaramada Midoobay UNMAS, ay sheegtay inay Soomaaliya ka caawisay sidii loo dhimi lahaa khatarta ka imanaysa walxaha qarxa, sida, gantaalada, rasaasta iyo bambooyinka gacanta.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay inay si dhow ula shaqeyso khubarada ku taqasusay wax ka qabashada miino saaristaย  ee heer qaran iyo heer caalami, si ay uga jawaabaan khataraha soo wajaha bulshooyinka, iyadoo kor loo qaadayo awoodda ay Soomaalidu u leedahay hoggaaminta iyo isku dubaridka jawaabaha wax ka qabashada miinada.

Warbixin kale ayaa sheegaysa in Khubarada ku takhasustay Miinooyinka ayaa ka hadashay Khatarta iyo halista ay leedahay Hubka aan Qarxin, waxayna xustay in ay jira khataro kala duwan oo ay keenayaan walxaha qarxa (UXO), laga bilaabo qaraxyo shil ah iyo dhaawac halis ah ilaa saameyno ballaaran deegaannno oo si ba’an u gaaraan, haddi ay tahay waxyaabaha laga dhaxlay dagaalada aduunka ka dhaca ama ku celcelinta bambooyinka tababarka milatariga, qaraxyada aan qarxin waa in had iyo jeer loo tixgeliyaa khatar oo ay la tacaalaan khubarada la tacaasha arrimaha Miinooyinka iyo hubka aan qarxin ee looga tago Deegaannada.

Haddaba waxaa talo ahaan loo soo jeedinayaa arrimahaan โ€œ-Aqoonso – marka laga yaabo inaad la kulanto rasaas iyo in rasaastu ay khatar tahay.

– Dib-u-noqosho โ€“ ha u dhawaan, ha taaban, ha dhaqdhaqaaaqin, ha qasin, laakiin si taxadar leh uga tag aagga, adigoo ku noqonaya meeshii aad ka timid.

– Ka warbixin โ€“ gaarsii waxii aad aragtay masuulka Deegaanka aad joogto ama wac Taleefanka wicitaanka gaaban ee 991 oo kala tali booliiska waxaad aragtay iyo meesha aad ku aragtayโ€, sidaasi waxaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA la wadaagay ย Sarkaal ka tirsan Ciidanka ka hortagga waxyaabaha qarxa ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (SPF) Cabdi Khaliif Maxamed.

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Turkiga oo Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay Barnaamijka Tababarka Baarista Maaliyadda

Ankara(SONNA):-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu…

January 31, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo kula wareegay degaanno dhowr ah

Xuddur-(SONNA)-Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad, qeybta 60-aad ayaa Maanta howlgallo qorsheysan waxa ay ka sameeyeen degaano hoostaga…

GudahaWararka
November 17, 2021

Shirka tala-bixinta iyo horumarinta Af-Soomaaliga oo ka furmay Muqdisho

MUQDISHU-(SONNA)- Sii haya Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa daahfuray Shirka Talabixinta & Dib u dhiska…

GudahaWararka
October 5, 2020

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Shacabkaย  Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska Munaasabadda 1-da luuliyo

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska munaasabadda sannad-guurada 64-aad ee kasoo wareegtay maalinta…

GudahaWararka
July 1, 2024

Baarlamaanka oo ansixiyay guddiga doorashooyinka iyo soohdimahaย 

Muqdisho(SONNA):-Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay xarunta Vila Hargeysa ayaa goor-dhow ansixiyay Guddiga Madaxa Bannaan…

GudahaWararka
November 27, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023