Jowhar-(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan la yeeshay Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaran Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle oo uu wehliyo Kaaliyaha Gudoomiyaha.
Kulankaan oo ay qeyb ka ahaayeen Wasiir Ku xigeenka Wasaaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyin Mudane Xasan Cabdi Yuusuf, Agaasimaha Madaxtooyada iyo Gudoomiye Ku xigeenka arrimaha Siyaasada ee maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa looga hadlay sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ku nool deegaanadii dhawaan laga xoreeyay kooxda khawaarijta alshabaab.
Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa sheegay inay keeneen deeq gargaar ah oo loogu talagalay in looga faaideeyo 666 qoys oo ay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ay u qorsheyn doonto dadka aadka liita ee u baahan caawinta.
Madaxweynaha ayaa hayโadda SoDMA u ballanqaday dhul ay ku shaqeeyaan oo laga hirgalinayo xarunta Gurmadka degdeg dhowaana laga dhagax dhigi doono Magaalada Jowhar ee Caasimada Dowladda Hirshabeelle.