Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Qoyska iyo Wafdi ay hoggaamineyso oo New Yorka uga qeybgalay kulan muhiim ah
    March 11, 2026
    Degmada Hodan oo u gudubtay wareegga 3-aad ee  Tartan cilmiyeedka Ramadaan
    March 11, 2026
    Gudigga Doorashooyinka Qaranka oo Matabaan ka Bilaabay Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha
    March 10, 2026
    Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka
    March 10, 2026
    Jaaliyadda Soomaalida ee Xadarmuut oo afur u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee Yemen
    March 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: MADAXWEYNE FARMAAJO OO SHACABKA U JEEDIYEY KHUDBADDII MAALINTA XORNIMADA IYO MIDNIMADA EE 1-DA LUULIYO
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > MADAXWEYNE FARMAAJO OO SHACABKA U JEEDIYEY KHUDBADDII MAALINTA XORNIMADA IYO MIDNIMADA EE 1-DA LUULIYO
Wararka

MADAXWEYNE FARMAAJO OO SHACABKA U JEEDIYEY KHUDBADDII MAALINTA XORNIMADA IYO MIDNIMADA EE 1-DA LUULIYO

By Aadan Sooyaal
Last updated: July 1, 2020
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kaga qayb-galay Tiyaatarka Qaranka Munaasabadda Xuska 1-da Luuliyo ayaa shacabka ku adkeeyey in ay ka shaqeeyaan midnimada, dib u dhiska iyo awoodsiinta hannaanka dowladnimada oo ah waddada kaliya ee aynu kula tartami karno shucuubta caalamka.

Madaxweynaha ayaa xusay taariikhda iyo dadaalkii dadkii Soomaaliyeed ee u soo halgamay xorriyadda iyo dowlad dhiska dalkeenna, isaga oo ku booriyey shacabka iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed in ay markasta tusaaleystaan dowladnimadii iyo dal jacaylkii halgameyaashii SYL, kuwaas oo naftooda u huray sidii ay inoo dhaxalsiin lahaayeen mustaqbal iyo dal wanaagsan.

“Waxaan leenahay sumcad taariikhi ah oo caalamku ay nagu tixgeliyaan, taas oo ay noo horseedeen halgameyaasheenii, maantana waan awoodi karnaa in aan taas dib u soo celinno, hadii aan ka shaqeyno midnimada iyo xoojinta waddaniyaddeenna kana fogaanno qabyaaladda oo aan ognahay meesha ay na dhigtay”.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay u istaagaan sidii loo xoojin lahaa dowladnimada iyo dib u dhiska dalka, waxa uuna ku bogaadiyey isxilqaamayaasha Shaqaalaha Rayidka ah, ganacsatada iyo howlwadeennada Gobolka Banaadir doorka wanaagsan ee ay ka qaateen hirgelinta Ololaha Isxilqaan.

Madaxweynaha oo xus iyo duco u gaar yeelay halyeeyadii u shahiiday iyaga oo dalkeenna u adeegaya, ayaa Alle naxariis iyo dambi dhaaf u weydiiyey Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqa Muqdisho Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yariisow) oo hormuud u ahaa Isxilqaameyaasha Gobolka Banaadir ee ay ka go’an tahay soo celinta bilicda, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xarumaha danta guud ee Caasimadda.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyay Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya tixgelinta iyo aqbalidda codsigiisii ku saabsanaa xaqiijinta mataaladda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare oo bulshada Caasimaddu ay sanaddo badan ku taamayeen.

“Waxaan u mahadcelinayaa Golaha Shacabka iyo Guddoonkiisa oo ka jawaabay dareenka dadwaynaha Soomaaliyeed gaar ahaanna kuwa ku dhaqan Gobolka Banaadir oo ay iyaga oo tixgalinaya codsigaygii ansixiyey metalaad gobolku ku yeesho Aqalka Sare. Insha  Allah waan sugaynaa dhaqan galinta matalaadda.”

Gabagabadii munaasabadda, Madaxweynaha ayaa shahaado sharaf guddoonsiyay hormuudka mutadawiciinta Ololaha Isxilqaan, Maareeyihii hore ee Golaha Murtida iyo Wacyigelinta Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure, Guddoonka Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Maareeyaha Wakaaladda Dhismaha Qaranka Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah oo ku guddoomay magaca dhammaan Shaqaalaha Dowladda.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Qoyska iyo Wafdi ay hoggaamineyso oo New Yorka uga qeybgalay kulan muhiim ah

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi iyo wafdi ballaaran…

March 11, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay Guddiga maamulaya doorashada Xildhibaannada Banaadiriga

Muqdisho (SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay xubnaha Guddiga maamulaya doorashada Xildhibaannada Banaadiriga. Halkaan ka…

Wararka
November 18, 2020

Hay’adda SoDMA oo lacag taakuleyn ah u qeybisay agoonta dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Soobe 2

Xarunta Howl-gallada Gurmadka deg-degga ah ee Hay’adda SoDMA ayaa qabatay kulan ay Guddiga Gurmad Qaran markii 3-aad lacag taakuleyn ah…

Gudaha
October 25, 2024

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan ee loo magacaabay xilalka Guddoomiye…

GudahaWararka
February 1, 2026

Wasiirka arrimaha Guddaha oo Shir guddoomiyey kulanka Gudidda Qaban qaabada Maalmaha Xoriyadda

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Hon Ali Yusuf Ali - Xoosh oo ah guddoomiyaha guddiga qabanqaabada…

GudahaWararka
May 25, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023