Boosaaso (SONNA): Ciidamada Puntland oo maalmahan waday hawlgal baaxad leh ayaa maanta diay 20 ka mid ah kooxda Khawaarijta ah ee Daacish qaybna ay ka yihiin Ajaanib kala duwan.
Ciidanka difaaca Puntland ee howl galka Hillaac ee Ciribtirka Kooxaha Khawaarijta ah ayaa maanta dilay 20 ka mid ah kooxda Daacish kuwaasi oo 4-ka mid ahi ay ahaayeen Ajaanib oo ay qayb ka tahay Haweenay u dhalatay dalka Ethiopia sida ay xaqiijiyeen saraakiisha hogaaminaysay hawgalkan.
Ciidamada ayaa didoo kale qabsaday maanta Talisyo cusub oo ay ka mid yihiin
1. Taliska Awaydi.
2. Taliska Wacariyaad.
3. Taliska Salnafeed
4. Taliska Kaadilay
Dhammaantoodna ka tirsan buuralayda Calmiskaad ee deegaanka Balli-dhidin ee gobalka Bari.
Hawlgallada ciidamada ayaa ku socda si Xowli ah iyagoona Baryihii ugu danbeeyay jab xoogan la gaarsiiyay kooxdaani Khawaarijta ah ee Daacish hadana Firxadkoodii ay Ciidamadu ku daba jiraan.