Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: 1XBET iyo Maxkamadeynta Sarkaal ku turufeeyay Qorya ciidan iyo Hanti shacab
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > 1XBET iyo Maxkamadeynta Sarkaal ku turufeeyay Qorya ciidan iyo Hanti shacab
GudahaWararka

1XBET iyo Maxkamadeynta Sarkaal ku turufeeyay Qorya ciidan iyo Hanti shacab

By Dahir Aadan Cali
Last updated: August 6, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- Maxkamadda ciidamada qalabkan sidda ayaa soo gabagabeysay dhgeysiga dacwad loo heysto Xidigle/Boolis Maxamed Tahliil Cabdi oo lagu eedeeyay inuu iibsaday labo qori oo AK47 ah oo ay lahaayeen askar ka tirsan ciidanada Booliska Soomaaliyeed, lacagta uu hubkaas ku iibsadayna wuxuu ku ciyaaray ciyaarta la yiraahdo “1XBET”.

Sarkaalkan ka tirsan ciidamada Booliska ayaa tijaabiyay farsamo ugub ah waana u meel-martay, sida uu eedeysanaha ka hor qirtay Maxkamadda.

Shaxdan si aadan ugu wareerin bal hadda si wanaagsan u dhugo sheekadan, Xidigle Maxamed Tahliil Cabdi oo ah Baare hay’adda dambi baarista C.I.D-da ka tirsan, ma diidana in shacab iyo ciidanba isku dulmaray, wuxuu lahaa yool ah ka guul gaarista ciyaaraha kasiinooyinka ee online lagu soo daray.

” Mudane Garsoore waa jirta qorshaha inaan qaatay, waxaa ku soo haray lacagta aad sheegeysid afarta boqol ee dollar iyo saddexda boqol, labo iyo labaatanka dollar ah, lacagta dhammaan ma wada qabo qaar ayaa ka qabaa lacagtaas,” ayuu yiri Xididg Maxamed Tahliil Cabdi oo maxkamadda ka hor hadlayay.

Haddaba, Game-ka 1XBET, sharaxaad kooban hanaga siiyo Maxamed Cabdullaahi Khaliif oo ah ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida.

” Mudane guddoomiye eedeysanaha wuxuu isticmaalaa aaladda loo yaqaano 1XBET, application-kaas teleefoonada ayuu ku jira, waxaa loogu talagalay qamiirkii lagu ciyaari jiray kasiinooyinka iyo baararka ayaa teleefonka lagu shubay, waxaa loogu talagalay in qof kasta Mobile-kiisa ka isticmaalo,aplication-kaas guddoomiye waxaa lagu ciyaaraa Game-man lacago lagu helo,sidoo kale waxaa la saadaaliyaa ciyaaraha, kooxdan ayaa badineyso iyo kooxdan ayaa badineyso, waxaas waa waxa lacagta laga helo,”.

Baaraha kiiskan ayaa garsoorka ciidamada qalabka sida uga sheekeeyay sida ay isugu xiran yihiin farqaha dambi ee eedeysanuhu u xiran yahay.

” Sidoo kale, waxaa cadeyman ka qornay oo aan wareysanay guddoomiye maamulaha Hotel ka “New Fatxi”, wuxuu noo sheegay in eedeysanaha hotelkiisu soo degay uuna deggannaa muddo 7-cisho ah, inta uu degganaana uu yiri warqad Passapor oo magac laga beddelaayo anigaa kuu soo dhammeynaa uu lacag sidaas uga qaatay,lacagtaas oo gaareysay afar boqol oo dollar,”.

Inta badan dhallinyarada ayaa si aan caadi ahayn u isticmaala aaladdan, waxay da’yarta qaar ay rumeysan yihiin in shar iyo xoogaa faa’ido ahba wada xambaarsan yahay.

Xeer ilaaliye Maxamed Cabdullaahi Khaliif ayaa Maxkamadda weydiistay in laga gaaro kiiskan xukun adag si ay badbaado ugu noqoto badqabka hantida ciidanka iyo dhowrsanaantoodaba.

Dhankiisa, qareenka ayaa codsaday inaan lagu dheereyn, maaddaama eedeysanuhu qirsan yahay dambigiisa.

Ugu dambeyntii, Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa soo xiray fadhigan maxkamadeed.

” Dhageysiga garmaqalka ka dhanka ahaa eedeysane Xidigle/Booliis Maxamed Tahliil Cabdi intaas ayuu ku egyahay maxkamadda ayaana go’aan ka soo saareysa, kiiskana waa inoo xiran yahay,”.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay

Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa jadwalka doorashada Guddoonka iyo hoggaanka Dowlad Gobolleedka…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo furay Kalfadhiga 35-aad ee Hay’adaha Sare Ciidamada Heeganka Afrikada Bari 

Muqdisho(SONNA):-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax, ayaa maanta furay Kalfadhiga 35-aad ee Hay’adaha Sare ee Ciidamada…

GudahaWararka
December 13, 2025

Arday reer Sudan ah oo deeq waxbarasho ka helay Soomaaliya

Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo dhaweeyey arday u dhalatay…

GudahaWararka
December 2, 2025

Safiirka JFS ee dalka Cumaan oo arrimo muhiim ah kala hadlay Wasiir Dr. Maxamed Bin Saciid Al-Maamari

Muqdisho.(SONNA):- Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Boqortooyada Cumaan, Danjire Bashiir Xasan Xaaji ayaa maanta Xafiiskiisa ku booqday Wasiirka Awqaafta iyo…

GudahaWararka
January 26, 2025

Guddoomiyaha gobolka Benaadir oo dhagax-dhigay Xarunta Degmada Xamarweyne oo dib-u-dhis lagu sameyn doonno

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay Xarunta Degmada Xamarweyne oo dib-u-dhis iyo…

GudahaWararka
July 27, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023