Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: 14-ka Oktoobar: Waa uur-ku-taallo ku daabacan quluubta shacabka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > 14-ka Oktoobar: Waa uur-ku-taallo ku daabacan quluubta shacabka
GudahaMaqaallada

14-ka Oktoobar: Waa uur-ku-taallo ku daabacan quluubta shacabka

By Kulane
Last updated: October 14, 2024
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):- 14-ka Oktoobar ย waa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo argagax,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin isugu jiray dhimasho,dhaawacyo iyo burbur hanti ay soo gaareen dad ka badan kun iyo laba boqol oo ruux oo ahaa kuwo meherado ganacsi ku lahaa isgoyska Soobbe iyo dad socota ah oo marayey halkaasi.

Falkaasi xasuuqa ah oo ay ka dambeeeen kooxaha nabad-diidka,waa mid reebay xasuus lama ilaawaan ah oo aan ka goโ€™eyn qalbiyada ummad sanaddo badan ku soo jirtay dagaallo sokeeye,xilligaanna ย doonaayey in ay u gudbaan nidaam sal adag oo horseeda nabad iyo barwaaqo.

Tira-koob rasmi ah oo la sameeyay ayaa muujinaya in ay dhinteen in ku dhow kun ruux,isla markaana uu dhaawacyo kala duwan soo gaaray ku dhawaad 500 oo ruux,halka la waayey ,dad gaaraya 54-qof oo illaa hadda aan la ogeyn meel ay ku dambeeyeen raq iyo ruux.

Marka laga yimaado khasaaraa nafeed ee uu geystay qaraxaasi,waxaa ku burbuay hanti lagu qiyaasayย $6.3 Milyan oo isugu jirtay nuucyada adeegyada ganacsiga,gawaari iyo dhismayaal badan.

Waa dhab in ay jiraan dad daacad ah oo xilli kastaย  u taagan badbaadinta bulshada iyo ka qeybqaadashada horumarka dalka,taasina waa wax u gaar ah dadka Soomaaliyeed oo ay kaga duwan yihiin shucuubta kale ee caalamka.

Tusaale waxaa xaqiiqo ah in dowladda federaalka iyo dadka Soomaaliyeed ee ku kala nool guddaha iyo dibadaha ay u howlgaleen bixinta lacago malaayiin doolar ah oo xirfado ganacsi loogu abuuray eheladii uu saameeyay qaraxii Soobbe.

Falkani waa xasuuqii ugu xumaa ee loo geysto dad rayid ah oo ku jiray raadinta nolol maalmeedkooda,waloow xilligaan ay muuqda dib u dhis wanaagsan oo lagu sameeyay goobihii ganacsi ee agagaarka Soobbe.

Isku day kasta oo ay ka dambeeyaan kooxaha nabad-diidka ma ahan kuwo wax u dhimaya horumarada socda,sidaa daraadeed waxaa habboon in si wadajir ah looga shaqeeyo soo celinta amniga dalka iyo la dagaalanka qof kasta oo loo arko in ay lid ku yihiin danta dalka iyo dadka.

Sida cad wadajir ayaa lagu badbaadin karaa dal jira,sidaa daraadeed,waa muhiin in ciidan iyo shacaba ay ka shaqeeyaan danta umadda,gaar ahaan waxyaabaha u baahan in hoos loo eego sida ilaalinta xasiloonida dalka,daryeelka bulshada,ka qeybgalka barnaamijyada horumarineed iyo dhismahaย dalka .

Sidoo kale,haddii lagu shaqeeyo caqli saliim ah,waxaa suurtagal ah in ay badbaadaan shacbiga,isla markaana la bartilmaameedsado cid kasta oo ku howlan sameynta dambiyo dagaal oo ka dhan ah aadanaha.

Dowlad iyo shacab waa in xil la iska saaro sidii mudnaanta loo siin lahaa amniga,waxaanna aaminsan nahay in bulsho mideysan oo diyaar ah ay ku dhaqaaqi karaan la dagaalanka cid kasta oo wax u dhimaya amniga dalka.

Si mar kale aysan u dhicin dhacdo la mid ah tii Soobbe waa in qof kasta ay u howlgasho xilka kaga aadan dhowrista dowladnimada iyo guud ahaan soo celinta amniga iyo kala dambeynta oo si gaar ah u taabanaya dhaqdhaqaaqa bulshada.

Waxaa nasiib darro ah in qaraxii Soobbe ee dhacay 14 October 2017-kii, kadib weli ay jiraan kooxo hubeysan oo u ooman daadinta dhiigga dadka,isla markaana doonaya in ay wiiqaan daddaalada loogu jiro horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee dalka iyo soo celinta amniga dalka.

SONNA

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah masโ€™uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaare Xamse โ€œ Booqashada Laascaanood waa mid qorsheysan oo lagu xoojinayo xiriirka XFS iyo SSC Khaatumoโ€

Muqdisho(SONNA):-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlayay munaasabadda xil wareejinta Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in…

GudahaWararka
April 6, 2025

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukuntay eedeysane loo haysto dilka nin Kenyaan ah

Muqdisho-(SONNA)-Maxkamadda derejada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukuntay, Xasan Cabdiraxman Indha-yare oo ku eedeysan dilka Fredrick Odhiambo Owino…

GudahaWararka
August 22, 2023

Madaxda Qaranka oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Khawaarijta arxanka daran

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inaysan Khawaaarijtu kala jecleyn shacab iyo dowlad, isagoo ku baaqay…

GudahaWararka
August 4, 2024

Wasiirka Caddaladda XFS oo xafiiskiisa ku qaabbilay ku xigeenka Ergayga QM u qaalbilsan Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka caddaladda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, mudane ย Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka ergayga gaar ah ee Qm…

GudahaWararka
November 3, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023