Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: 120 isugu jira Deegaanno iyo Degmooyin oo lagala wareegay Shabaab (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > 120 isugu jira Deegaanno iyo Degmooyin oo lagala wareegay Shabaab (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

120 isugu jira Deegaanno iyo Degmooyin oo lagala wareegay Shabaab (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: October 22, 2023
7 Min Read
Share

Kooxda Khawaarijta ah ee Shabaabku sida aad la socotiin  waxay Shacabka Soomaaliyeed dhibaatada ay ku haysay dadkeenna iyo dalkeenna 15 sano, kala kulmayeen Gummaadka, baadda iyo cagajugleynta iyo falalka ka fog diinta ee khawaarijtu ay ku heysay shacabka Soomaaliyeed waxa ay ahaayeen kuwo diinta iyo damiirkuba aysan ogolayn, sidaasi awgeed ayuu Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud bishii June sanadkii 202-kii  waxa uu si rasmi ah u iclaamiyay dagaalka ciribtirka Khawaarijta, kaasi oo bil gudaheed ka bilowday daafaha magaalada Muqdisho iyo inta badan gobollada dalka, wuxuuna xilligaasi dul-istaagay in uu hoggaamin doono dagaal saddex jiho ah oo Khawaarijta dalka looga xorreynayo, Isaga oo hoosta ka xariiqay dagaal toos ah, mid dhaqaale iyo mid fikir, Ciidamada qalabka Sida, hey’addaha dowladda, Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa farriintaasi si isku mid ah u soo wada dhaweeyay, waxayna muujiyeen kaalintooda dagaalka iyo inay barbar taagan yihiin Madaxweynahooda.

Sanadka ay dowladdu waddo dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta waxa uu ahaa, sanad khawaarijta la dilay, la dhaawacay, la qabtay, la cunaqabateeyay iyada oo inta soo hartayna lagu daba jiro firxadkooda.

1.Dagaalka Dhaqaalaha. (Jihada dhaqaalaha) Khawaarijtu waxa ay Bulshada dhexdeeda ka sameyn jireen dakhli uruurin isku dhafan oo u aheyd lacago sharci darro ah iyo Lacago baad ah oo ay ka qaadi jireen ganacsatada, qiyaas ahaan lacagaha ay qaadi jireen waxa ay u dhaxeysay 100M – 150 Million oo Doolar, lacagtaas boqolkiiba 50% waxay kasoo geli jirtay Caasimadda Muqdishu, si loo curyaamiyo dhaqaalaha Khawaarijta, dowladda Soomaaliya waxa ay diyaarisay istiraatijiyad lagu curyaaminaayo dhaqaalaha maaliyadeed ee Khawaarijta, kaasi oo udub dhaxaad u ahaa in uu guuleysto qorshaha la dagaalanka Maalgelinta Khawaarijta. Waxaa intaasi dheer in sirdoonka Soomaaliya uu soo afjaray Shabakado badan oo ay Khawaarijtu dhinaca dhaqaalaha u isticmaali jireen kuwaasi oo isu ekeysiinayay, sida:- nootaayooyin, shirkado ganacsi, dalaaliin, iyo xubno shaqadoodu aheyd in ay xogta gancsi la wadaagaan khawaarijta.

Si loo xanuujiyo Khawaarijta ilaa seddax shirkadood oo dabagalka lagu ogaaday ayaa shaqooyinkoodii ku waayay kiiskaasi, kooxaha Khawaarijta ayaana ka quustay isku day kasta oo ay ku doonayeen in ay kaga dhuuntaan indhaha ciidanka iyo shacabka Soomaaliyeed, xitaa waxay isku dayeen in ay isticmaalaan qaabka lacag dhaqidda iyada waa looga dabatagay, sharciyo ayaana laga soo saaray, sidaasi awgeed bilo gudahood Khawaarijtu waxa ay weysay lacagtii faraha badneed ee ay qasabka uga qaadi jireen shacabka Soomaaliyeed,  kaddib markii dhammaan shacab iyo ganacsato ay u hoggaansameen amarka dowadda.

Halkaasi waxaa ka soo wajahay qandho weyn oo isku bedeshay Xanuunka khawaarijta gaaray, balse  intaasi loogama harine waxa ay dowladdu xirtay 350 Akoon Bangi, 405 Telefoon iyo 18 Koonto ganacsi (Merchant) kuwaasi oo dhammaantood Khawaarijtu dhexmarsiisan jirtay lacagaha baadda ah. Tirade guud ee lacagaha lagu Xayiray (Koontada bangiyada, Koontooyinka ganacsiga (Merchants) iyo  Telefoon-nada gacanta waxa ay gaareysaa, hal milyan shan boqol tobban iyo sagaal kun, shan boqol toddobaatan iyo shan doolar iyo konton iyo shan sint ($1,519,575.55).

2.Dagaalka Tooska ah. (Jihada Dgaalka). Gulufka Dagaalka oo tooska ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta ayaa isna si qorsheysan oo aan hakad laheyn muddo sanad ka badan uga socda dhammaan dowlad goboleedyada dalka kaasi oo saameyn xoog leh ku yeeshay khawaarijtii ku dhuumaaleysan jirtay gobollada dalka, iyadoo dhul ka badan (1.000) Kun KM ayaa sanad gudihiis looga laga ciribtiray Khawaarijta waxaana intaai dheer in ka badan 120 meelood ee isugu jira Deegaanno iyo Degmooyin muhiim ah ayaa soo galay gacanta dowladda welina waxaa socda baacsiga lagu hayo firxadka kooxda khawaarijta, waxaa kaloo jira intii uu socday  howlgallada iyo dagaallada tooska ah oo sanad jirsaday ayaa waxaa lagu dilay seddex kun toddobo boqol sagaashan iyo shan oo Maleeshiyaad (3,795) iyo horjoogeyaal sare oo khawaarijta muhiim u ahaa, kuwaasi oo uu ka mid ahaa dhaxal sugihii kooxda Cabdullaahi Nadiir, waxaana tirade guud ee horjoogeyaashu gaareysa gaaraya (57), waxaana lagu burburiyay 73 Saldhig oo khawaarijta fariisin u ahayd iyo (68) shabakadood oo noocyo kala duwan u abaabulnaa.

3.Dagaalka Fikirka. (Wacyigalinta). Iyaoo laga duulaayo tusaalooyinka Madaxweynaha JFS Dr:- Xasan Sh. Maxamuud ayaa la abaabulay dhinaca fikirka, waxaana markii ugu horraysay Culumaa’udiinka isku raaceen halka kooxdu uga jirto diinta, waxaana Culumadu fatwootay isku raaceen in kooxdu tahay Khawaarij rasmi ah, taasi oo wax wayn ka badeshay wacyiga dadkeenna ee ku aadan Khawaarijta. Waxaa kaloo xusid mudan in Warbaahintu tahay tiirka ugu muhiimsan ee dagaalka fikirka, dowladda Soomaaliya oo la dirireysa fikirka Khawaarijnimada ah waxa ay sanadkan gudihiis xirtay 8029 sideed kun labaatan iyo sagaal barood facebook oo isugu jiray pages and profiles, kuwaasi oo Khawaarijtu u isticmaali jirtay faafinta wararka been abuurka, dhinaca Aaladda Telegram waxaa hawada laga saaro 3517 channels oo ay sidoo kale faafintooda u isticmaali jireen Khawaarijta.

Dowladdu waxay sidoo kale xirtay 2921 TikTok oo lagu faafin jiray Farimaha Khawaarijta, 21 Youtube oo ay Khawaarijtu ku faafin jireen Muqaalo dacaayado ah ayaa sidoo kale la xiray iyo sidoo kale laga xiray 12 Websites oo ay ku baahin jireen wararka been abuurka ah iyo(4) afar Idaacadood oo ku hadla Afka Kooxda Khawaarijta.

Ugu dambeyntii Ammaanka iyo Nabadgelyada waa masuuliyad wadareed waxaa loo baahan yahay in ciidamada ammaanka iyo qof kasta oo ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed in laga wada qayb qaato dagaalka lagula jiro Argagixisada ku soo duushay Dalkeenn, waxaase la yaab leh siyaasi aan marnaba ka qeybqaadan halganka lagu jiro, islamarkaana duco duceynaya ee hadhow Boorso iyo Jaakado ama Koorar waaweyn inta soo qaada doonaya inuu xil ka qabto Dalka, kuwaasi Shacbka Soomaaliyeed lama simayaan kuwa habeen iyo maalin u taagan, kuna sugan Jiidda hore ee dagaalka, marka si siman ma u wada wadaagi karaan Xilalka ugu sarreeya Dalka?, jawaabtu waa maya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiiru dowlaha Qorsheynta oo la kulmay  Ra’iisul wasaaraha Libiya

Tripoli (SONNA): Intii uu socday Shirka Labaad ee Guddiga Sare ee Machadka Qorsheynta Carabta, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo…

GudahaWararka
June 30, 2025

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo Xukun ku riday Maleeshiya ka tirsan Alshabaab.

Muqdisho(SONNA):-Maxkamadda Ciidamadada qalabka sida aya xukun Xabsi Daa’in ah ku riday Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil, oo caan kaga ahaa Alshabaab…

GudahaWararka
May 25, 2021

Guddiga Doorashada Koofur Galbeed ee SEIT oo shaaciyay doorashada 5 kursi

Guddiga Doorashada Koofur Galbeed SEIT ayaa shaaciyay Jadwalka doorashada 5 Kursi oo ku Asteysay Koofur Galbeed. Qoraalka guddiga ka soo…

GudahaWararka
January 22, 2022

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka iyo saraaakiil kale oo gaaray degmada Wanlaweyn.

Muqdisho-(SONNA)- Taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Maxamed Tahliil Biixi (Shariifu Arwaax) iyo saraakiil u hogaaminayo oo hawlo…

GudahaWararka
December 15, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023