Kooxda Khawaarijta ah ee Shabaabku sida aad la socotiinย waxay Shacabka Soomaaliyeed dhibaatada ay ku haysay dadkeenna iyo dalkeenna 15 sano, kala kulmayeen Gummaadka, baadda iyo cagajugleynta iyo falalka ka fog diinta ee khawaarijtu ay ku heysay shacabka Soomaaliyeed waxa ay ahaayeen kuwo diinta iyo damiirkuba aysan ogolayn, sidaasi awgeed ayuu Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud bishii June sanadkii 202-kii ย waxa uu si rasmi ah u iclaamiyay dagaalka ciribtirka Khawaarijta, kaasi oo bil gudaheed ka bilowday daafaha magaalada Muqdisho iyo inta badan gobollada dalka, wuxuuna xilligaasi dul-istaagay in uu hoggaamin doono dagaal saddex jiho ah oo Khawaarijta dalka looga xorreynayo, Isaga oo hoosta ka xariiqay dagaal toos ah, mid dhaqaale iyo mid fikir, Ciidamada qalabka Sida, heyโaddaha dowladda, Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa farriintaasi si isku mid ah u soo wada dhaweeyay, waxayna muujiyeen kaalintooda dagaalka iyo inay barbar taagan yihiin Madaxweynahooda.
Sanadka ay dowladdu waddo dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta waxa uu ahaa, sanad khawaarijta la dilay, la dhaawacay, la qabtay, la cunaqabateeyay iyada oo inta soo hartayna lagu daba jiro firxadkooda.
1.Dagaalka Dhaqaalaha. (Jihada dhaqaalaha) Khawaarijtu waxa ay Bulshada dhexdeeda ka sameyn jireen dakhli uruurin isku dhafan oo u aheyd lacago sharci darro ah iyo Lacago baad ah oo ay ka qaadi jireen ganacsatada, qiyaas ahaan lacagaha ay qaadi jireen waxa ay u dhaxeysay 100M โ 150 Million oo Doolar, lacagtaas boqolkiiba 50% waxay kasoo geli jirtay Caasimadda Muqdishu, si loo curyaamiyo dhaqaalaha Khawaarijta, dowladda Soomaaliya waxa ay diyaarisay istiraatijiyad lagu curyaaminaayo dhaqaalaha maaliyadeed ee Khawaarijta, kaasi oo udub dhaxaad u ahaa in uu guuleysto qorshaha la dagaalanka Maalgelinta Khawaarijta. Waxaa intaasi dheer in sirdoonka Soomaaliya uu soo afjaray Shabakado badan oo ay Khawaarijtu dhinaca dhaqaalaha u isticmaali jireen kuwaasi oo isu ekeysiinayay, sida:- nootaayooyin, shirkado ganacsi, dalaaliin, iyo xubno shaqadoodu aheyd in ay xogta gancsi la wadaagaan khawaarijta.
Si loo xanuujiyo Khawaarijta ilaa seddax shirkadood oo dabagalka lagu ogaaday ayaa shaqooyinkoodii ku waayay kiiskaasi, kooxaha Khawaarijta ayaana ka quustay isku day kasta oo ay ku doonayeen in ay kaga dhuuntaan indhaha ciidanka iyo shacabka Soomaaliyeed, xitaa waxay isku dayeen in ay isticmaalaan qaabka lacag dhaqidda iyada waa looga dabatagay, sharciyo ayaana laga soo saaray, sidaasi awgeed bilo gudahood Khawaarijtu waxa ay weysay lacagtii faraha badneed ee ay qasabka uga qaadi jireen shacabka Soomaaliyeed, ย kaddib markii dhammaan shacab iyo ganacsato ay u hoggaansameen amarka dowadda.
Halkaasi waxaa ka soo wajahay qandho weyn oo isku bedeshay Xanuunka khawaarijta gaaray, balse ย intaasi loogama harine waxa ay dowladdu xirtay 350 Akoon Bangi, 405 Telefoon iyo 18 Koonto ganacsi (Merchant) kuwaasi oo dhammaantood Khawaarijtu dhexmarsiisan jirtay lacagaha baadda ah. Tirade guud ee lacagaha lagu Xayiray (Koontada bangiyada, Koontooyinka ganacsiga (Merchants) iyoย Telefoon-nada gacanta waxa ay gaareysaa, hal milyan shan boqol tobban iyo sagaal kun, shan boqol toddobaatan iyo shan doolar iyo konton iyo shan sint ($1,519,575.55).
2.Dagaalka Tooska ah. (Jihada Dgaalka). Gulufka Dagaalka oo tooska ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta ayaa isna si qorsheysan oo aan hakad laheyn muddo sanad ka badan uga socda dhammaan dowlad goboleedyada dalka kaasi oo saameyn xoog leh ku yeeshay khawaarijtii ku dhuumaaleysan jirtay gobollada dalka, iyadoo dhul ka badan (1.000) Kun KM ayaa sanad gudihiis looga laga ciribtiray Khawaarijta waxaana intaai dheer in ka badan 120 meelood ee isugu jira Deegaanno iyo Degmooyin muhiim ah ayaa soo galay gacanta dowladda welina waxaa socda baacsiga lagu hayo firxadka kooxda khawaarijta, waxaa kaloo jira intii uu socday ย howlgallada iyo dagaallada tooska ah oo sanad jirsaday ayaa waxaa lagu dilay seddex kun toddobo boqol sagaashan iyo shan oo Maleeshiyaad (3,795) iyo horjoogeyaal sare oo khawaarijta muhiim u ahaa, kuwaasi oo uu ka mid ahaa dhaxal sugihii kooxda Cabdullaahi Nadiir, waxaana tirade guud ee horjoogeyaashu gaareysa gaaraya (57), waxaana lagu burburiyay 73 Saldhig oo khawaarijta fariisin u ahayd iyo (68) shabakadood oo noocyo kala duwan u abaabulnaa.
3.Dagaalka Fikirka. (Wacyigalinta). Iyaoo laga duulaayo tusaalooyinka Madaxweynaha JFS Dr:- Xasan Sh. Maxamuud ayaa la abaabulay dhinaca fikirka, waxaana markii ugu horraysay Culumaaโudiinka isku raaceen halka kooxdu uga jirto diinta, waxaana Culumadu fatwootay isku raaceen in kooxdu tahay Khawaarij rasmi ah, taasi oo wax wayn ka badeshay wacyiga dadkeenna ee ku aadan Khawaarijta. Waxaa kaloo xusid mudan in Warbaahintu tahay tiirka ugu muhiimsan ee dagaalka fikirka, dowladda Soomaaliya oo la dirireysa fikirka Khawaarijnimada ah waxa ay sanadkan gudihiis xirtay 8029 sideed kun labaatan iyo sagaalย barood facebook oo isugu jiray pages and profiles, kuwaasi oo Khawaarijtu u isticmaali jirtay faafinta wararka been abuurka, dhinaca Aaladda Telegram waxaa hawada laga saaroย 3517ย channels oo ay sidoo kale faafintooda u isticmaali jireen Khawaarijta.
Dowladdu waxay sidoo kale xirtayย 2921ย TikTok oo lagu faafin jiray Farimaha Khawaarijta, 21ย Youtube oo ay Khawaarijtu ku faafin jireen Muqaalo dacaayado ah ayaa sidoo kale la xiray iyo sidoo kale laga xirayย 12ย Websites oo ay ku baahin jireen wararka been abuurka ah iyo(4)ย afar Idaacadood oo ku hadla Afka Kooxda Khawaarijta.
Ugu dambeyntii Ammaanka iyo Nabadgelyada waa masuuliyad wadareed waxaa loo baahan yahay in ciidamada ammaanka iyo qof kasta oo ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed in laga wada qayb qaato dagaalka lagula jiro Argagixisada ku soo duushay Dalkeenn, waxaase la yaab leh siyaasi aan marnaba ka qeybqaadan halganka lagu jiro, islamarkaana duco duceynaya ee hadhow Boorso iyo Jaakado ama Koorar waaweyn inta soo qaada doonaya inuu xil ka qabto Dalka, kuwaasi Shacbka Soomaaliyeed lama simayaan kuwa habeen iyo maalin u taagan, kuna sugan Jiidda hore ee dagaalka, marka si siman ma u wada wadaagi karaan Xilalka ugu sarreeya Dalka?, jawaabtu waa maya.