Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: 12 Oktoobar Maalinta Calanka Soomaaliyeed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > 12 Oktoobar Maalinta Calanka Soomaaliyeed
MaqaalladaWararka

12 Oktoobar Maalinta Calanka Soomaaliyeed

By Aadan Sooyaal
Last updated: October 12, 2019
7 Min Read
Share

Maanta oo ah 12ka Oktoobar  waxay ku beeggan tahay sannad guuraddii 65aad ee ka soo wareegtay maalintii ugu horaysay ee la soo bandhigay naqshadda Calanka Soomaaliyeed la iskuna raacay ,maalintaan oo ah maalin ku wayn quluubta shacbiga Soomaaliyeed, waa maalintii la go’aamiyay nooca uu noqonayo calnka Soomaaliya taariikhdu markay ahayd 12kii Oktober 1954tii, waxaana naqshaddiisa hal abuuray Ilaahay ha u naxriistee marxuum Maxamed Cawaale Libaan.

Markii u sameeyay Calanka wuxuu Marxuum Maxamed Cawaale Libaan dood dheer la galay dad badan oo su’aalo ka weydiiyay astaamaha calanka, waxayna dooda ugu wayn ka imaaneysay dhanka Gumeystihii oo isagu markii hore diiday Calanka Buluugga ah.

Soo Bandhigidii Calanka.

Markii loo soo bandhigay Calanka ururka SYL ,dood dheer ka dib waxaa la isku waafaqay Muxaafid iyo Mucaaridba Calanka uu soo bandhigay Maxamed Cawaale Liibaan, Cabdulkadir Cali Boolay oo ka mid ahaa halgamayaashii S.Y.L ayaa yir”waxaan nasiib u yeeshay in aan goob joog ka ahaa xilligaasi oo lagu soo bandhigay xarunta dhexe ee xisbigii SYL, waxaana cod buuxda la isku waafaqay in la qaato naqshadda uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan,hase yeeshee markii loo geeyay maamulkii Talyaaniga ayaa diiday oo ku tilmaamay inuu u egyahay Calanka dalka Za’iir iyo kan Jamaciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa “United Nations-ka” sidaasi darteed aan la ogolayn calan dal leeyahay, maamulkii Talyaaniga wuxuu ku adkaystay hindisihii uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan in aan la qaadan Karin isagoo qiil uga dhigaya in uu egyahay calanka dalka Democtatic Republic of Congo Ex. Za’iir.

 

Balse Maxamad Cawaale Liibaan wuxuu Talyaaniga u sheegay in labada calan aanay isku mid ahayn sababtoo ah Calanka dalkii Za’iire horay loo oran jiray, xiddigta ku dhextaal waa mid Dahabi ama Huruud ah, sidaasi darteed dood dheer iyo wada tashi fara badan ka dib  maamulkii Talyaaniga oo xiligaasi maamulaayay koonfurta soomaaliya wuxuu ogolaaday in la qaato calanka buluugga ah xiddigta cad dhexda kaga taallo.

Halgan dheer ka dib ummadda soomaaliyeed waxay ku guuleysatay una suurta gashay in ay yeelato calan aad u qurux badan ,kaasoo ka tarjumaya jiritaanka iyo himilada ummadeed oo ah in la helo soomaali  midaysan.

Calanka Qaranka Soomaaliyeed oo maanta 65 sano jirsaday, wuxuu ku yimid halgan adag oo loo soo galay, halgankaas oo ay hoggaanka u hayeen dhallinyaraddii soomaaliyeed xisbigii SYL, kuwaas oo halgan qaraar la galay gumaystayaashii isu soo bahaystay umadda Soomaaliyed.

Taariikh Kooban ee halgankii gobannima doonka:

Haddii  si kooban u xuso halgankii gobonima-doonka Soomaaliyeed iyadoo maanta loo dabaal dagayo 65 guuraddii calanka astaanta u ah Qaranimadda Soomaaliyeed, runtii xornimada kuma aysan imaanin si fudud balse waxaa loo soo maray halgan adag oo dhiig fara badan loo daadiyey, sidaasi darteed waxaa loo baahan yahay in dhallinyaradda maanta joogta in ay ku daydaan doorkii wax ku oolka ahaa ee dhallinyaraddii Soomaaliyeed ka soo qayb qaadatay xornimadda.

13 dhallinyaro, waxaa u suurta gashay markii ugu horeysay taariikhd bishii May 15, 1943-kii in ay abaabulaan urur dhallinyaro gobannimo-doon ah oo la magac baxay S.Y.C Somali Youth Club oo aan markaa urur siyaasi ahayn.

Xisbigii S.Y.C. ahaa wuxuu isku beddalay urur wayn oo siyaasi ah lana magac baxay S.Y.L. Somali Youth League, taariikhdu markii ay ahayd May 15, 1947kii kaasi oo go’aansaday halgan siyaasadeed oo gobannimo doon ah,iyo sidii loo gaarsiin lahaa shacabka soomaaliyeed xornimo taam ah.

11.01.1948dii waxay ahayd maalin xamaasad wayn leh taasoo ahayd tii ugu xoog badnayd uguna caansanayd, sababtoo ah waxaa dhacaayay gudoonkii Aayaha Ummadda Soomaaliyeed, Maanlintaasi oo ay dhaceen dagaalo ba’an oo ay ku dhinteen 52 Talyaani ah iyo kuwa kale. Maalintaasi waxaa dalka ku sugnaa guddigii ka socday 4ta dowladdood oo ku guulaystay dagaalkii labaad ee Addunka kana koobnaa, dowladda Mareynkanka ,dowladda Ingriiska , dowladdii Midawga Soofiyeeti  iyo dowladda Faransiiska.

Guddigaasi oo ka socday 4tii dowladood waxaa u suurta gashay maalintii ay bishu ahayd 20kii Janaayo 1948 in ay la kulmaan xisbigii SYL iyo xisbigii HYC (Hamar Youth Club) oo ay isku mabada’ahaayeen ururka SYL iyo axsaabtii mucaaradka ahayd oo ku bahoobay daladda la magac baxday Patriotic Beneficient. Kuwaasoo ka koobnaa todoba urur oo yar yar .

Guddigii markii ay dhagaysteen doodihii faraha badanaa ee halkaasi laga soo jeediyay , waxaa u cadaatay in xisbiga SYL iyo HYC ay haystaan taageeradda shacabka Soomaaliyeed, taasoo ay la yaabeen qaabkii iyo hannaankii ay u soo agaasimeen warbixinadaasi oo soo jiidatay guddigaasi, waxayna balan qaadeen in ay u gudbin doonaan Jamaciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa.

Taariikhda markii ay ahayd Oktoober 12.10.1954kii waxaa shacabka soomaaliyeed u suurto gashay inay soo bandhigaan calanka buluugga ah ee sharafta badan oo aan maanta aanu ku faanno sida aan ka dhadhansan karno miraha can baxay eek u jira heesta (Qoloba calankeedu) ee uu ku luuqeeyo  Marxuum Cabdullahi Qarshe waxaana ka mid aha:- “Qolobaa calankeedu waa ceynoo-Innagaa keennu waa – Cirkoo kale’e – ee aan Caadna-lahayn – ee  Caashaqa’e – Xiddig yahay Cadi-waad Na Ciidamisee- Caradaan Kaligaa Aadow Curadee – Cadceeda Sideeda Caan Noqo’ee”

26kii Juun1960kii waa markii ugu horaysay ee calankaasi kifaaxa dheer loo soo maray laga taagay fagaaraha xoriyadda ee magaalada Hargaysa, kadib markii goballada waqooyi ay ka xoroobeen gumaysigii Ingiriiska,afar maalmood kadib, 1dii luulyo 1960kii waxaa ka xoroobay gumaysigii Talyaaniga koofurtii dalka, islamarkaana waxaa israacay labadii gobol ee Waqooyi iyo Koofur, waxaana halkaasi ka dhashay Jamhuuriyaaddii Soomaaliya.

Calanka waa astaanta dalka,in la jeclaado korna loo qaado xuskiisa iyo munaasabaddiisa waa qayb wadaniyadda ka mid ah, taasi dad badan oo Soomaali ah aysan ku baraarugsanayn, waxaana habboon si dareenka wadaniyadeed ee shacbiga kor loogu qaado in manaahijta ardayda dugsiyada loogu dhigo lagu daro maaddoWadaniyadda ku saabsan, si ardayda loo baro qiimaha dalka, halgankii loo soo maray xoriyadda, halgamayaashii taariikhda galay iyo Qiimaha Calanka iyo astaanta dalku leeyihiin.

W/D:- Gobdoon.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

MW Koonfur Galbeed oo qaabilay wefdi ka socda Hey’adda UNDP ayaa kala hadlay taageerada jawiga 2-aad ee dagaalka khawaarijta

Baydhabo-(SONNA)-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen oo ay wehliyaan xubno ka tirsan gollaha Wasiirada ayaa xarunta…

GudahaWararka
May 7, 2023

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JFS oo ka qeybgashay furitaanka shirka #COP29.

Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JFS, oo ka qeybgashay furitaanka shirka #COP29. Wasiirka ayaa hoggaamineysa wafdi ballaaran oo Soomaaliya…

GudahaWararka
November 11, 2024

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Sabti, 28-ka Juun, 2025 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda kale ee…

GudahaWararka
June 28, 2025

Ex-Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin oo dil toogasho ah lagu xukumay

Muqdisho,(SONNA):- Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka Marxuum Fatxi Cabdullahi Cabdi oo dhacay Taariikhdu markii ay aheyd…

GudahaWararka
March 14, 2026

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023