Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Shirweynaha isku-Duwidda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo la soo gebagebeeyay
    February 1, 2026
    Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo la kulmay Madaxda Ururka FESTUii
    February 1, 2026
    Hay’adda SoDMA oo qabatay shirka ka jawaabista deg degga ee Abaaraha
    February 1, 2026
    DF waxay mas’uuliyad ka saaran tahay amniga iyo bedqabka muwaadiniinta
    February 1, 2026
    Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
    February 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: 12 Oktoobar Maalinta Calanka Soomaaliyeed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > 12 Oktoobar Maalinta Calanka Soomaaliyeed
MaqaalladaWararka

12 Oktoobar Maalinta Calanka Soomaaliyeed

By Aadan Sooyaal
Last updated: October 12, 2019
7 Min Read
Share

Maanta oo ah 12ka Oktoobar ย waxay ku beeggan tahay sannad guuraddii 65aad ee ka soo wareegtay maalintii ugu horaysay ee la soo bandhigay naqshadda Calanka Soomaaliyeed la iskuna raacay ,maalintaan oo ah maalin ku wayn quluubta shacbiga Soomaaliyeed, waa maalintii la goโ€™aamiyay nooca uu noqonayo calnka Soomaaliya taariikhdu markay ahayd 12kii Oktober 1954tii, waxaana naqshaddiisa hal abuuray Ilaahay ha u naxriistee marxuum Maxamed Cawaale Libaan.

Markii u sameeyay Calanka wuxuu Marxuum Maxamed Cawaale Libaan dood dheer la galay dad badan oo suโ€™aalo ka weydiiyay astaamaha calanka, waxayna dooda ugu wayn ka imaaneysay dhanka Gumeystihii oo isagu markii hore diiday Calanka Buluugga ah.

Soo Bandhigidii Calanka.

Markii loo soo bandhigay Calanka ururka SYL ,dood dheer ka dib waxaa la isku waafaqay Muxaafid iyo Mucaaridba Calanka uu soo bandhigay Maxamed Cawaale Liibaan, Cabdulkadir Cali Boolay oo ka mid ahaa halgamayaashii S.Y.L ayaa yirโ€waxaan nasiib u yeeshay in aan goob joog ka ahaa xilligaasi oo lagu soo bandhigay xarunta dhexe ee xisbigii SYL, waxaana cod buuxda la isku waafaqay in la qaato naqshadda uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan,hase yeeshee markii loo geeyay maamulkii Talyaaniga ayaa diiday oo ku tilmaamay inuu u egyahay Calanka dalka Zaโ€™iir iyo kan Jamaciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa โ€œUnited Nations-kaโ€ sidaasi darteed aan la ogolayn calan dal leeyahay, maamulkii Talyaaniga wuxuu ku adkaystay hindisihii uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan in aan la qaadan Karin isagoo qiil uga dhigaya in uu egyahay calanka dalka Democtatic Republic of Congo Ex. Zaโ€™iir.

 

Balse Maxamad Cawaale Liibaan wuxuu Talyaaniga u sheegay in labada calan aanay isku mid ahayn sababtoo ah Calanka dalkii Zaโ€™iire horay loo oran jiray, xiddigta ku dhextaal waa mid Dahabi ama Huruud ah, sidaasi darteed dood dheer iyo wada tashi fara badan ka dib ย maamulkii Talyaaniga oo xiligaasi maamulaayay koonfurta soomaaliya wuxuu ogolaaday in la qaato calanka buluugga ah xiddigta cad dhexda kaga taallo.

Halgan dheer ka dib ummadda soomaaliyeed waxay ku guuleysatay una suurta gashay in ay yeelato calan aad u qurux badan ,kaasoo ka tarjumaya jiritaanka iyo himilada ummadeed oo ah in la helo soomaaliย  midaysan.

Calanka Qaranka Soomaaliyeed oo maanta 65 sano jirsaday, wuxuu ku yimid halgan adag oo loo soo galay, halgankaas oo ay hoggaanka u hayeen dhallinyaraddii soomaaliyeed xisbigii SYL, kuwaas oo halgan qaraar la galay gumaystayaashii isu soo bahaystay umadda Soomaaliyed.

Taariikh Kooban ee halgankii gobannima doonka:

Haddii ย si kooban u xuso halgankii gobonima-doonka Soomaaliyeed iyadoo maanta loo dabaal dagayo 65 guuraddii calanka astaanta u ah Qaranimadda Soomaaliyeed, runtii xornimada kuma aysan imaanin si fudud balse waxaa loo soo maray halgan adag oo dhiig fara badan loo daadiyey, sidaasi darteed waxaa loo baahan yahay in dhallinyaradda maanta joogta in ay ku daydaan doorkii wax ku oolka ahaa ee dhallinyaraddii Soomaaliyeed ka soo qayb qaadatay xornimadda.

13 dhallinyaro, waxaa u suurta gashay markii ugu horeysay taariikhd bishii May 15, 1943-kii in ay abaabulaan urur dhallinyaro gobannimo-doon ah oo la magac baxay S.Y.C Somali Youth Club oo aan markaa urur siyaasi ahayn.

Xisbigii S.Y.C. ahaa wuxuu isku beddalay urur wayn oo siyaasi ah lana magac baxay S.Y.L. Somali Youth League, taariikhdu markii ay ahayd May 15, 1947kii kaasi oo goโ€™aansaday halgan siyaasadeed oo gobannimo doon ah,iyo sidii loo gaarsiin lahaa shacabka soomaaliyeed xornimo taam ah.

11.01.1948dii waxay ahayd maalin xamaasad wayn leh taasoo ahayd tii ugu xoog badnayd uguna caansanayd, sababtoo ah waxaa dhacaayay gudoonkii Aayaha Ummadda Soomaaliyeed, Maanlintaasi oo ay dhaceen dagaalo baโ€™an oo ay ku dhinteen 52 Talyaani ah iyo kuwa kale. Maalintaasi waxaa dalka ku sugnaa guddigii ka socday 4ta dowladdood oo ku guulaystay dagaalkii labaad ee Addunka kana koobnaa, dowladda Mareynkanka ,dowladda Ingriiska , dowladdii Midawga Soofiyeetiย  iyo dowladda Faransiiska.

Guddigaasi oo ka socday 4tii dowladood waxaa u suurta gashay maalintii ay bishu ahayd 20kii Janaayo 1948 in ay la kulmaan xisbigii SYL iyo xisbigii HYC (Hamar Youth Club) oo ay isku mabadaโ€™ahaayeen ururka SYL iyo axsaabtii mucaaradka ahayd oo ku bahoobay daladda la magac baxday Patriotic Beneficient. Kuwaasoo ka koobnaa todoba urur oo yar yar .

Guddigii markii ay dhagaysteen doodihii faraha badanaa ee halkaasi laga soo jeediyay , waxaa u cadaatay in xisbiga SYL iyo HYC ay haystaan taageeradda shacabka Soomaaliyeed, taasoo ay la yaabeen qaabkii iyo hannaankii ay u soo agaasimeen warbixinadaasi oo soo jiidatay guddigaasi, waxayna balan qaadeen in ay u gudbin doonaan Jamaciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa.

Taariikhda markii ay ahayd Oktoober 12.10.1954kii waxaa shacabka soomaaliyeed u suurto gashay inay soo bandhigaan calanka buluugga ah ee sharafta badan oo aan maanta aanu ku faanno sida aan ka dhadhansan karno miraha can baxay eek u jira heesta (Qoloba calankeedu) ee uu ku luuqeeyo ย Marxuum Cabdullahi Qarshe waxaana ka mid aha:- โ€œQolobaa calankeeduย waa ceynoo-Innagaa keennu waa โ€“ Cirkoo kaleโ€™e โ€“ ee aan Caadna-lahayn โ€“ย ee ย Caashaqaโ€™e โ€“ Xiddig yahay Cadi-waadย Na Ciidamisee- Caradaan Kaligaa Aadow Curadeeย โ€“ย Cadceeda Sideeda Caan Noqoโ€™eeโ€

26kii Juun1960kii waa markii ugu horaysay ee calankaasi kifaaxa dheer loo soo maray laga taagay fagaaraha xoriyadda ee magaalada Hargaysa, kadib markii goballada waqooyi ay ka xoroobeen gumaysigii Ingiriiska,afar maalmood kadib, 1dii luulyo 1960kii waxaa ka xoroobay gumaysigii Talyaaniga koofurtii dalka, islamarkaana waxaa israacay labadii gobol ee Waqooyi iyo Koofur, waxaana halkaasi ka dhashay Jamhuuriyaaddii Soomaaliya.

Calanka waa astaanta dalka,in la jeclaado korna loo qaado xuskiisa iyo munaasabaddiisa waa qayb wadaniyadda ka mid ah, taasi dad badan oo Soomaali ah aysan ku baraarugsanayn, waxaana habboon si dareenka wadaniyadeed ee shacbiga kor loogu qaado in manaahijta ardayda dugsiyada loogu dhigo lagu daro maaddoWadaniyadda ku saabsan, si ardayda loo baro qiimaha dalka, halgankii loo soo maray xoriyadda, halgamayaashii taariikhda galay iyo Qiimaha Calanka iyo astaanta dalku leeyihiin.

W/D:- Gobdoon.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Shirweynaha isku-Duwidda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo la soo gebagebeeyay

Muqdisho,(SONNA):- Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee heer federaal iyo Dowlad gobolleedyada oo si…

February 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir Fiqi oo cambaareeyay qulqulka hubka sharci-darrada ah ee ka imanaya Itoobiya

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS, ayaa cambaareeyay soo gelinta hub sharci-darro ah oo ka yimid Itoobiya,…

GudahaWararka
October 6, 2024

Raโ€™iisul Wasaare Rooble oo Guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada โ€œSAWIRROโ€

Muqdisho (SONNA)-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo looga…

GudahaWararka
October 21, 2021

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Maanta furay shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed+Sawirro

Muqdisho-(SONNA)-Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane; Xasan Cali Kheyr, ayaa Maanta daah furay shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo lagu…

Wararka
December 1, 2019

Wasiirka Ganacsiga XFS oo ka qayb galay xuska 65-aad ee Xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha

Beijing(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta magaalada Beijing, caasimadda dalka Jamhuuriyadda Shacabka…

GudahaWararka
December 19, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023