Maalinta Calanka Soomaaliyeed 12-ka Oktoobar(warbixin)

La wadaag cid kale

Muqdisho (SONNA) Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay sannad guuraddii 67-aad ee ka soo wareegtay maalintii ugu horaysay ee la isku raacay soo bandhigidda naqshadda Calan Soomaaliyeed oo uu hal abuurkeeda lahaa Allaha u naxariistee marxuum Maxamed Cawaale Liibaan.

Xuska 12-ka Oktober waa maalin qaran oo ku wayn quluubta shacbiga Soomaaliyeed,isla markaana ka tarjumaya dadaalkii loo soo galay lahaanshaha calan Soomaaliyeed oo ku yimid rabitaanka dad in muddo ah ku hoos nolaa gumeysi shisheeye.

Soo Bandhigidii Calanka.
Markii loo soo bandhigay Calanka ururka SYL ,dood dheer ka dib waxaa la isku waafaqay Muxaafid iyo Mucaaridba in la qaato Calanka uu soo bandhigay Maxamed Cawaale Liibaan.
Cabdulkadir Cali Boolay oo ka mid ahaa halgamayaashii S.Y.L ayaa yirri”waxaan nasiib u yeeshay in aan goob joog ka ahaa xilligaasi oo lagu soo bandhigay xarunta dhexe ee xisbigii SYL, waxaana cod buuxda la isku waafaqnay in la qaato naqshadda uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan.

Hase yeeshee markii loo geeyay maamulkii Talyaaniga ayaa diiday oo ku tilmaamay inuu u egyahay Calanka dalka Za’iir iyo kan Jimciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa “United Nations-ka” sidaasi darteed aan la ogolayn calan dal leeyahay. Maamulkii Talyaaniga wuxuu ku adkaystay hindisihii uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan in aan la qaadan Karin isagoo qiil uga dhigaya in uu egyahay calanka dalka Democtatic Republic of Congo Ex. Za’iir.

Balse Maxamad Cawaale Liibaan wuxuu Talyaaniga u sheegay in labada calan aanay isku mid ahayn sababtoo ah Calanka dalkii Za’iire horay loo oran jiray, xiddigta ku dhextaal waa mid Dahabi ama Huruud ah, sidaasi darteed dood dheer iyo wada tashi fara badan ka dib maamulkii Talyaaniga oo xiligaasi maamulaayay koonfurta soomaaliya wuxuu ogolaaday in la qaato calanka buluugga ah xiddigta cad dhexda kaga taallo.

Halgan dheer ka dib ummadda soomaaliyeed waxay ku guuleysatay una suurta gashay in ay yeelato calan aad u qurux badan ,kaasoo ka tarjumaya jiritaanka iyo himilada ummadeed oo ah in la helo soomaali midaysan.Calanka Qaranka Soomaaliyeed oo maanta 67- sano jirsaday, wuxuu ku yimid halgan adag oo ay hoggaanka u hayeen dhallinyaraddii soomaaliyeed xisbigii SYL, kuwaas oo loolan qaraar la galay gumaystayaashii isu soo bahaystay umadda Soomaaliyed.

12-ka Oktobar ee sanadkii1954kii waa maalin xasuus leh oo la soo bandhigay callanka buluugga ah ee xambaarsan sharafta umadda,waxaadna ka dhadhansan karnaa miraha can baxay ee ku jira heesta (Qoloba calankeedu) ee uu ku luuqeeyo Marxuum Cabdullahi Qarshe waxaana ka mid aha:-

Qolobaa calankeedu waa ceynoo-Innagaa keennu waa – Cirkoo kale’e – ee aan Caadna-lahayn – ee Caashaqa’e – Xiddig yahay Cadi-waad Na Ciidamisee- Caradaan Kaligaa Aadow Curadee – Cadceeda Sideeda Caan Noqo’ee”.

26kii Juun1960kii waa markii ugu horaysay ee calankaasi kifaaxa dheer loo soo maray laga taagay fagaaraha xoriyadda ee magaalada Hargaysa, kadib markii goballada waqooyi ay ka xoroobeen gumaysigii Ingiriiska,afar maalmood kadib, 1dii luulyo 1960kii waxaa ka xoroobay gumaysigii Talyaaniga koofurtii dalka, islamarkaana waxaa israacay labadii gobol ee Waqooyi iyo Koofur, waxaana halkaasi ka dhashay Jamhuuriyaaddii Soomaaliya.

Calanka waa astaanta dalka,in la jeclaado korna loo qaado xuskiisa iyo munaasabaddiisa waa qayb wadaniyadda ka mid ah, taasi dad badan oo Soomaali ah aysan ku baraarugsanayn, waxaana habboon si dareenka wadaniyadeed ee shacbiga kor loogu qaado in manaahijta ardayda dugsiyada loogu dhigo lagu daro maaddoWadaniyadda ku saabsan, si ardayda loo baro qiimaha dalkaiyo halgankii loo soo maray xoriyadda,gaar ahaan halgamayaashii taariikhda galay iyo Qiimaha Calanka iyo astaanta dalku leeyihiin.

La wadaag cid kale