MUQDISHO-(SONNA)-Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Sanduuqa Badbaadada Carrruurta ee Qaramada Midoobay, oo uu hoggaaminayay Agaasime Gobolleedka Bariga iyo Koonfurta Qaaradda Afrika ee UNICEF, Maxamed Fall.
Raโiisul Wasaaraha iyo Wafdiga UNICEF ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan hawlaha samafal ee hey’adda ku hawlan tahay iyo kor u qaadista taageerada iyo gargaarka biniโaadanimo ee heyโaddu siiso shacabka, gaar ahaan carruurta Soomaaliyeed.
Agaasimaha ayaa sheegay in heyโaddu ka goโan tahay xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee ay la leedahay Xukuumadda Soomaaliya, si loo horumariyo badqabka iyo caafimaadka carruurta Soomaaliyeed, isla markaana looga taageeri lahaa la qabsiga isbeddelka cimillada iyo saameynteeda dhinaca Soomaaliya.
Mudane Xamse ayaa uga mahadceliyay masuuliyiinta UNICEF taageerada biniโaadanimo ee heyโaddu ku bixiso daryeelka carruurta Soomaaliyeed, isagoo ku boorriyay inay kor u qaadaan dadaalkooda ku wajahan sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka jira.