Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Tรผrkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hayโ€™adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Tรผrkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Masโ€™uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐ƒ๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ ๐ƒ๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ, ๐—๐š๐ซ๐ข๐ ๐ ๐š๐ง๐š ๐Š๐š ๐‰๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐๐š๐ฒ๐›๐จ ๐‚๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐› ๐จ๐จ ๐Š๐š๐š๐›๐š๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐š๐ก
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐ƒ๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ ๐ƒ๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ, ๐—๐š๐ซ๐ข๐ ๐ ๐š๐ง๐š ๐Š๐š ๐‰๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐๐š๐ฒ๐›๐จ ๐‚๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐› ๐จ๐จ ๐Š๐š๐š๐›๐š๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐š๐ก
GudahaWararka

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐ƒ๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ ๐ƒ๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ, ๐—๐š๐ซ๐ข๐ ๐ ๐š๐ง๐š ๐Š๐š ๐‰๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐๐š๐ฒ๐›๐จ ๐‚๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐› ๐จ๐จ ๐Š๐š๐š๐›๐š๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐š๐ก

By Abdulkadir
Last updated: July 7, 2025
2 Min Read
Share

Baydhabo(SONNA); โ€“ Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Adam, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay ballaarinta dhismaha Isbitaalka Gobolka Baay, sidoo kale wuxuu xarigga ka jaray qaybo cusub oo muhiim ah oo lagu soo kordhiyay isbitaalka, kuwaas oo ka tarjumaya dadaallada dowladda dhexe ee ku aaddan horumarinta adeegyada Caafimaad ee dalka.

Munaasabaddan dhagax dhigga iyo xarig jarka waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Caafimaadka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Saciid Cali, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Federaalka, Dr. Guuleed Cabdijaliil, masโ€™uuliyiintan ayaa si wadajir ah u muujiyay muhiimadda ay mashaariicdan u leeyihiin horumarinta adeegyada Caafimaad ee dalka, gaar ahaan heer gobol.

Ballaarinta cusub ee isbitaalka ayaa diiradda saareysa sare u qaadidda tayada iyo baaxadda adeegyada caafimaad ee la heli karo, iyadoo la dhisay qayb cusub oo loogu talagalay gargaar degdegga ah, laguna daryeelayo xaaladaha culus, qol qalliinka ah, shaybaar casri ah iyo farmashiye buuxa oo bixiya adeegyo dawo bixineed.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa xarigga ka jaray qaybo dhismeed iyo qalab Caafimaad oo horay loo dhammeystiray, kuwaas oo qayb ka ah mashruuca Somalia Crisis Recovery Project (SCRP), oo uu maalgelinayo Bangiga Adduunka, qaybahaan cusub waxay ka mid yihiin dhismaha bangi dhiig oo gaar ah, dayactirka iyo casriyeynta shaybaarka iyo qaybta raajada, iyo wareejinta qalab caafimaad oo casri ah, oo ay ku jiraan warshad ogsajiin (PSA Oxygen Plant), matoor koronto (Generator), 260 haan ogsajiin ah, iyo agab kale oo muhiim ah.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay adkaysay in ay sii wadi doonto dadaallada lagu dhisayo, lagu dayactirayo, laguna qalabeynayo xarumaha caafimaad ee dalka oo dhan, waxa ay sidoo kale xustay muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhow ee kala dhexeeya dowlad goboleedyada iyo saaxiibada caalamiga ah si loo gaaro nidaam caafimaad oo adkeysi leh, caddaalad ah, loona heli karo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda isgaarsiinta oo ka qaybgashay shirka 48-aad ee Arabsat

Muqdisho (SONNA): Agaasimaha qaybta hawada sare iyo Dayax-gacmeedyada ee Soomaaliya mudane Maxamed Abuubakar oo matalayey wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ayaa…

GudahaWararka
July 16, 2025

Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo furay Aqoon Isweydaarsiga Xog Uruuriyaasha Hannaanka Khariidadeynta

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Moallim Fiqi oo wehliyo Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda…

GudahaWararka
November 4, 2023

Taliska Boliiska oo ka hadlay qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-(SONNA)-Qof naftiisa halligay ayaa goordhow isku qarxiyay isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho. Afhayeenka Booliska Soomaaliya Col; Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa…

GudahaWararka
February 10, 2022

Raโ€™iisul wasaare kuxigeenka XFS: Soomaaliya waxay dalal badan kaga horaysaa Isticmaalka adeegyada Dhijitaalka

Muqdisho(SONNA):-Raโ€™iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay horumar muuqda ka sameysay dhinaca…

GudahaWararka
February 14, 2026

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023