Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hayโ€™adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibaddaย oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul
    June 1, 2026
    Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Tรผrkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hayโ€™adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Tรผrkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    โ€œKoonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyaddaโ€œ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ช๐š๐›๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐ฆ๐ฎ๐ง๐š๐š๐ฌ๐š๐›๐š๐ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ฑ๐ฎ๐ฌ๐š๐ฒo ๐“๐จ๐๐จ๐›๐š๐š๐๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐“๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ช๐š๐›๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐ฆ๐ฎ๐ง๐š๐š๐ฌ๐š๐›๐š๐ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ฑ๐ฎ๐ฌ๐š๐ฒo ๐“๐จ๐๐จ๐›๐š๐š๐๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐“๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š
GudahaWararka

๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ช๐š๐›๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐ฆ๐ฎ๐ง๐š๐š๐ฌ๐š๐›๐š๐ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ฑ๐ฎ๐ฌ๐š๐ฒo ๐“๐จ๐๐จ๐›๐š๐š๐๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐“๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š

By Abdulkadir
Last updated: April 25, 2026
3 Min Read
Share

MMuqdiso(SONNA);-gaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Yuusuf Xassan Isaaq ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray munaasabad ballaaran oo lagu xusay Todobaadka Caalamiga ah ee Tallaalka, kaas oo ah olole sannadle ah oo caalamka oo dhan laga hirgeliyo si kor loogu qaado wacyiga bulshada loona muujiyo doorka muhiimka ah ee tallaalku ku leeyahay badbaadinta nolosha, gaar ahaan carruurta daโ€™doodu ka yar tahay shanta sano.

Ololahan caalamiga ah ayaa diiradda saaraya dhiirrigelinta bulshada si ay uga faaโ€™iideystaan adeegyada tallaalka, iyadoo la xasuusinayo in tallaalku yahay mid ka mid ah hababka ugu waxtarka badan ee looga hortagi karo cudurrada faafa ee halista ah. Hal-ku-dhigga sanadkan ayaa ah: โ€œJiil kasta, tallaalku waa difaac la isku halleyn karo,โ€ taasoo muujineysa muhiimadda ay leedahay in jiil kasta helo tallaal dhammaystiran si loo xaqiijiyo caafimaadkooda mustaqbalka.

Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa ka qeyb galay masโ€™uuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda, agaasime waaxeedyo kala duwan, Agaasimaha Isbitaalka Banaadir, iyo wakiillo ka socday hayโ€™adaha caalamiga ah ee taageera adeegyada caafimaadka sida WHO iyo UNICEF. Sidoo kale waxaa goobta joogay khubaro caafimaad, dhakhaatiir iyo xubno ka tirsan bahda Caafimaadka Soomaaliyeed.

Intii ay socotay munaasabadda, waxaa la soo bandhigay warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan horumarka laga gaaray adeegyada tallaalka dalka, iyadoo la tilmaamay in dadaallada wadajirka ah ee Wasaaradda iyo hayโ€™adaha la shaqeeya ay keeneen koror muuqda oo ku yimid tirada carruurta la tallaalay, isla markaana si weyn hoos loogu dhigay cudurrada faafa ee halista ah. Waxaa si gaar ah loo xusay cudurrada sida jadeecada, dabeysha (polio) iyo gowracatada oo hore saameyn weyn ugu lahaa bulshada balse hadda si weyn loo xakameeyay.

Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay wacyigelinta bulshada, gaar ahaan waalidiinta, si ay u fahmaan in tallaalku yahay badbaado nololeed oo carruurta ka difaaca cudurro sababi kara naafo ama dhimasho. Masโ€™uuliyiinta ayaa caddeeyay in adeegyada tallaalka ay yihiin kuwo bilaash ah oo laga heli karo xarumaha caafimaadka ee dalka oo dhan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ka goโ€™an tahay xoojinta iyo ballaarinta adeegyada tallaalka si loo gaaro dhammaan carruurta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool deegaannada fog-fog. Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in la sii laba jibbaarayo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka guud ahaan dalka.

Ugu dambeyn, Agaasimaha Guud ayaa ugu baaqay waalidiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan hooyooyinka, inay si joogto ah carruurtooda ugu geeyaan xarumaha caafimaadka si ay u helaan tallaallada lagama maarmaanka ah, isagoo xusay in tallaalku yahay difaac sugan oo lagu badbaadin karo nolosha carruurta laguna xaqiijin karo bulsho caafimaad qabta oo mustaqbal leh.

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hayโ€™adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Muqdisho,(SONNA):- Hayโ€™adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta iyo Akademiyada Goboleedka…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

FAO oo digtay Ayax hor leh oo ku wajahan gobalada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya

Nairobi (SONNA)- Heyada qaramada midoobe cunada iyo beeraha qaabilsan FAO ayaa ka digeysa ayax hor leh oo ku wajahan bartamaha…

Wararka
December 4, 2020

Xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga ee ku sugan Gobolka Baay

Muqdisho(SONNA):-Roobow Cabdiyow Xasan iyo Nuurow Tukow Manuur ayaa saaka isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyed Gaar ahaan Ururka 47-aad…

GudahaWararka
October 27, 2024

Dowladda Soomaaliya oo dib u qiimeyn ku sameysay mashaariicda ka socota dalka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cimi Maxamuud Nuur ayaa Magaalada Nirobi ee Dalka Kenya…

Gudaha
August 29, 2025

Beeraleeyda Degmada Xudur oo markale dalagoodi ku baaba’ay roobab daad wata

Muqdisho:(SONNA)-Beeraleyda Degmada Xuddur ee gobolka Bakol ayaa marlabaad dalagooda ku baaba'ay roobab daadad watay oo nawaaxiga xuddur ku da'ay. Daadadkaan…

Wararka
May 11, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023