Muqdisho SONNA:-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Aden oo hogaaminaya Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka iyo guud ahaan bahda Caafimaadka ayaa maanta ka qeyb galey Banaanbax ballaaran oo ciwaankiisu ahaa โOlolaha ciribtirka Khawarijta iyo naqdinta ficiladooda gurracan oo lagu qabtey Muqdisho.
Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda oo isugu jira xildhibaano, wasiirro, Agaasimayaal oo uu ka mid yahay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaliil maamulka gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeyb galay banaanbaxaasi lagu muujinayey sida Shacabka Soomaaliyeed ugu go’antahay in dowladdooda kala qeyb qaataan ciribtirka Khawaarijta.
Wasiirka ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey in si dhab ah ay uga qeyb qaataan cirribtirka arxan laawayaasha caadeystey daadinta dhiigga Umadda Soomaaliyeed oo ay ugu dambeysey weerarkii bahalnimada ahaa ee habeenkii jimcaha lagu qaadey dad masaakiin ah oo ku caweynayey xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.