Muqdisho-(SONNA)-๐๐๐ง๐ข๐ ๐ข๐ ๐ ๐๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ซ๐ข๐ค๐ ayaa ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐๐๐๐ช๐๐ฒ $๐๐-๐๐ข๐ฅ๐ฒ๐๐ง ๐จ๐จ ๐๐จ๐ฅ๐ฅ๐๐ซ, lagactaas ๐จ๐จ ๐ฐ๐๐ฑ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ ๐ช๐๐๐๐ง๐๐ฒ๐จ ๐๐ก๐ข๐๐๐๐ฒ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐ ๐ค๐ ๐๐ก๐๐ฌ๐ก๐ ๐๐ฌ๐๐๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐ข๐ฆ๐ขl๐ฅ๐๐๐.
Munaasibad kooban oo lagu saxiixay Heshiiska Bangiga iyo Dowladda Soomaaliyaย ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Nairobi, halkaas oo uu ka soconayo shirka Sanad laha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika.
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Bangigaย ย Horumarinta Afrika Marwo Dr. Beth Dunford ayaa wadajir u saxiixay heshiiskaan maaliyadeed oo aad muhiimka ugu ah Dowladda Soomaaliya xiligaan la taagan yahay, maadaama dunida uu saameyn ku yeeshay Isbadalka Cimilada.
Saxiixa kadib, Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa munaasibadda ka jeediyay khudbad kooban oo uu kaga hadlay faaiidada uu Soomaaliya u lee yahay Mashruucaan iyo guud ahaan Wadashaqaynta Bangiga.
Bangiga Hirumarinta Afrika waxa uu aad u xoojiyay wada shaqeynta iyo taageerada Dowladda Soomaaliya, tan iyo markii si rasmi ah loogu guuleystay dib-u-habeynta Maaliyadda iyo hannaanka funaanta dhaqaalaha dalka.