Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda WFP
    March 9, 2026
    Wasiirka Qoyska oo xarig jartay garoon kubadda cagta ah oo loogu talagalay agoonta Booliiska
    March 9, 2026
    𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐃𝐞𝐞𝐪 𝐋𝐚𝐜𝐚𝐠𝐞𝐞𝐝 𝐤𝐮 𝐖𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐔𝐫𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐫𝐲𝐞𝐞𝐥 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚
    March 9, 2026
    Kulan lagu falanqeeyay saameynta sii kordheysa ee isbeddelka cimilada oo lagu qabtay Muqdisho
    March 9, 2026
    Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho
    March 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Yaa dhiira-geliya Musuq-maasuqa? (Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Yaa dhiira-geliya Musuq-maasuqa? (Warbixin)
Maqaallada

Yaa dhiira-geliya Musuq-maasuqa? (Warbixin)

By Dahir Aadan Cali
Last updated: May 7, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA)Dowladda waxay si isku mid ah ula dagaallameysaa Khawaarijta oo caqabad ku ah nabadda iyo musuqmaasuqa  oo ah dilaaga horumarka dowladnimada.

Dhanka la dagaallanka Khawaarijtu, Dowladda waxay ku qaadday dagaal saddex weji leh. Dagaalladaas waxay keeneen guusha ah in la wiiqo awooddii Khawaarijta Al-shabaab.

Dowladda markan waxay ku dhawaaqday dagaal xoog leh oo ay ku qaadayso musuq-maasuqa oo ah dilaaga horumarka iyo nabadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shaqsiyaadka ku kaca musuq-maasuqa dadka qaarkood ku dhiirageliyaan xatooyada uu sameynayo.

” Waxaan rabaa walaalayaal Dowladdu tallabooyin ayay qaaday, ay kula dirireyso masuq-maasuqa, kuwo waa weynna waa soo wadnaa,walaalayaalow wiil yar ama gabadh yarba aan dhaho, wiilasheysa u badan tahay ee daqliga soo galaaya la garanayo, mushaar 500-boqol, 400, ama 700-boqol ah qaadanayo ama ka yar qaato, ayaa daaro dhaa-dheer magaalada ka dhisanayo, waa ammaanan yahay nin karmeed waaye sida uu wax u qabsaday ma aragtay,xaqiiqdana waa maxay waa tuug,” ayuu yiri madaxweyne Xasan sheekh.

Cadowga muuqda ee aan leenahay waa Khawaarijta Al-shabaab, waxaase jira mid aan ka liidan oo Bulshadu ay caadi ka dhigteen.

” Shabaab marka laga reebo Khawaarijtaas, cadow ka weyn oo Soomaali leedahay masuq ma jiro,marka dhaqan buu inoo noqday, guryuhu ayuu joogaa ee aan guryaha ka soo sifeyno,” ayuu yiri RW Xamsa.

Si looga hortago masuq maasuqa, hay’adaha Dowladda oo ay ugu horeeyaan hay’adaha garsoorka waxaa ka dhex bilowday Isla xisaabtan iyo in laga fogaado xatooyo hanti dadweyne.

” Cidda kaliya ee lacag qaban karta ee qof lacag ka qaadi karta waxaa weeye waa sarkaalka waasaaradda maaliyadda u xilsaaran hadba meesha la joogo, maxkamad degmo, gobol, mid racfaan, iyo maxkamad sare,” ayuu yiri guddomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka.

Diinta Islaamku, sidee uga hadashay ammaamada, khiyaannada iyo masuq-maasuqa?.

Wasiir Mukhtaar Roobow” Ammaanada oo la khiyaano mushtamaca oo dhan ayay ku soo noqoneysaa, qof walba mas’uuliyadda uu haayo haddii uu ku dadaalo waxaa iman doonto waxaan la sheegayo in ay baaba’aan masuq-maaasuqa la sheegayo, inta ay shareecada Islaamka, Qur’aanka iyo Axaadiista Nabiga ( CSW) ay daweeyeen, masuq maasuq nidaam bini-aadam sameeyay ama Diin kale oo daweysay anigu ma maqal,”.

Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan sheekh Maxamuud wuxuu sheegay Caddaalad, ammaan, horumar ineysan imaan Karin haddii aan caddaalada la horgeynin shaqsiyaadka wax isdaba marinaya ama masuq-maasuqa ku kacaya.

” Dadka la daba cararayo hala dhaafo, caddaalad heli meyno, tuug iskama celin karno, dadka jeebadahooda lacagta Kuma baaqato, Dowladdana uma timaado, laakiin Dowladda uma timaado. Maxay Dowladda ku shaqeynee?. Amniga maxay ku sugee?, ninkan garsoorka ah ee caddaalad inuu falo aan rabno sidee la yeelaa?, waa lugeeyaan jidka ayay lugeeyaan nolol macno leh ma haystaan, malaayiin dollar xukun ahaa loo keennaa, waxaa la rabaa inuu ka garnaqo oo xukun caadil ah ka sameeyo, isagana saakay ilmahiisa iyagoo baahan ama isagoo dhinacyada iska fiir-fiiranayo ayuu bajaaj soo raacay oo uu xafiiska ku yimid oo uu garta ka naqayo,”.

Dagaalka ay Dowladda ku wajaheyso dadka xatooyada ku sameynaya hantida loogu adeegayo dadka iyo dalka ayaa ku soo aadaya xilli la soo xiray dad lagu eedeynayo xatooyo hanti dadweyne.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda WFP

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan Xuseen Maxamed, iyo Wasiir…

March 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Musuq maasuqu wuxuu caqabad ku yahay Dawladnimada Qeybta 1-aad  

Waa maxay Musuqmaasuq?:- Musuqa Luqada Ingiriiska waxa lagu yiraahdaa(corruption),Carabigana waa(fasaad) Macno ahaanna waa  sharciga oo la qaloociyo iyo wax is daba…

GudahaMaqaallada
July 10, 2023

‘Khawaarij Kaba ku Tukade Inta aan ka aqaano ayaa idinkaga filan’ (WARBIXIN)

Maxaa laga og yahay Khawaarij Yuusuf Sheekh Ciise Koba ku tukade? qormadaan waxaa ku eegeynaa Arxanlaawahii dilay xubna ka tirsan…

GudahaMaqaallada
April 23, 2025

Muhiimadda Gacanka Cadmeed (WARBIXIN)

Muhiimadda Gacanka Cadan muxuu yahay? Gacanka Cadan waxaa wadaaga seddex dal, jabuuti dhanka Bari, Yemen dhanka waqooyi iyo Soomaaliya dhanka…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
September 21, 2024

Khawaarijta Al-shabaab oo dhib badan u geysta dhalinyaradda ay qaldeen

Muqdisho(SONNA);-Khawaarijta Al Shabaab waxay kala Go’doomiyeen Walidiinta Soomaaliyeed iyo Caruurta ay dhaleen kuwaas oo maskaxda ay ka xadeen una adeegsadaan…

Maqaallada
April 3, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023